ilmasideen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmasideen
(Ilmasideen-ka)
Xubin muruq ah oo gudo leh, oo nafleyda caanaha leh, kuwooda dheddigi lee yihiin: gudihiisa ugaxdaa ku samaysanta oo ku bacrimowda oo uurjiif ku noqota; ilmaggaleen; rimmay, min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmasideen
m.l (-nno, m.dh) Ilmaggaleen. la-mid: ilmasid, ilmaside.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmasideen
m. n., [compound] womb, uterus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmasideen
-ka: (magac, lab, keli) halka marka ilmuhu caloosha ku jiro ku suganyahay ee uu jiifo. Dh: makaan, ilmogaleen, min.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmasideen
a: ilmaside (/ha) [n7-m]
de: womb, uterus
lx: ilmasideen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: maxal, min, rimmay
key: ilmasideen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmaside
m.l la-mid: ilmasideen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmaside
m.l la-mid: imasideen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmaside
-ilmasidaha: (n) uterus (yuutaras); womb (wuum) ~ min-ka, rixim-ka, makaanka, ilmagaleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraati
(Faraati-ga)
1. Fargashi; kaatun.
2. Ilmasideenka madaxiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraatikeen
(Faraatikeen-ka)
(cudur) ilmasideenka oo madaxa keena ama soo wada dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandheer
(Mandheer-ta)
Xubin kankoonsan oo ilmasideenka gudihiisa ka samaysanta kolka uurka la lee yahay oo uurjifka cunnada siisa; iyada iyo ilmaha waxaa isu haya xarigga xuddunta, dhalmada kaddibna waa ay soo dhacdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxal
(Maxal-ka)
Ilmasideen; ilmaggaleen; rimmay; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Min
(Min-ka)
1. Aqal; guri; hooy; (ama minan).
2. Ilmasideen; ilmaggaleen; rimmay.
3. Kolay weyn oo timir ah; labo goosaradood oo laysku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindheelli
(Mindheelli-ga)
Ilmasideenka oo qalloocda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimmay
1. (Rimmay-da) Xoolaha inta rimman.
2. (Rimmay-ga) Ilmasideen; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
min
min¹: m.l (-nan, m.l) 1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. la-mid: minan.
min²: fk. Midkiiba. Tusaale: “Nimankan min kun shilin sii”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
min
min¹: m.l (-nan, m.l) 1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. la-mid: minan.
min²: fk. Midkiiba. Tusaale: Nimankan min kun shilin sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraatikeen
-ka: (magac, lab, keli) cudur sababa ilmasideenku inuu soo dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraati
-ga: (magac, lab, keli) fargashiga ama kaatunka faraha la gashado ee qurux ama ujeeddooyin kale loo adeegsado. Dh: fargal.
farraati -ga: (magac, lab, keli) madaxa hore ee ilmasideenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraatikeen
-ka: (magac, lab, keli) cudur dheddiga dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo uu ilmasideenku madaxa keeno ama soo wada dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimmay_1
de: womb
hm: 1
lx: rimmay
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: ilmaggaleen, ilmasideen, maxal, min
key: rimmay_1
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilmaside-ha
utérus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmasid
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: ilmasideen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaaddeen
v., sg.,neg. condition: I would not come / have come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaaddeen
de: I would not come / have come
lx: imaaddeen
ps: v4b-1sg-neg-cond
key: imaaddeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilma'adeer
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo ay kala dhaleen labo aabbe oo walaalo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-adeer
m.l.u Ilmaha laba nin oo walaala ah ay dhaleen waxa ay isu yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilma-adeer
m.l.u Ilmaha laba nin oo walaala ah ay dhaleen waxa ay isu yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilma-adeer
m. n., [collective] cousins on the paternal uncle's side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilma-adeer
-ta: (n) a child of one's uncle; cousin (kaasan)-, first cousin ~ inadeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmagaleen
-ka: (magac, lab, keli) xubinta Ilaahay ku dhex abuuro noolaha uurka hooyadii ku jira; meesha ilmaha haysa inta uu caloosha hooyadii ku jiro. Dh: makaan, min.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilma-galeen
-ka: (n) uterus (yuutaras)-, womb (wuum) ~ min-ka, rixim-ka, makaanka, ilmaside
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmaggaleen
(Ilmaggaleen-ka)
Ilmasideen; rimmay; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmaggaleen
m.l (-nno, m.dh) (cilmiga naflayda) Xubinta nafleyda dheddiga ahi ilama ku siddo inta ay ka dhaleyso; min.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmaggaleen
m.l (-nno, m.dh) (cilmiga naflayda) Xubinta nafleyda dheddiga ahi ilama ku siddo inta ay ka dhaleyso; min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmaggaleen
m. n., [compound] womb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmaggaleen
a: ilmasideen
de: womb
lx: ilmaggaleen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: rimmay; min
key: ilmaggaleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarin
m.dh Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarin
vl. n. glancing, giving (only) a superficial look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eegid degdeg ah. Hoo buuggan ilmarin ku soo samee. Dh: fiirfiirin, indha'indhayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarin
de: glancing, giving (only) a superficial look
lx: ilmarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ilmarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqeen
(Ilaaqeen-ka)
Dalool aad u yar; dul° (ibta naaska, irbadda) ilaaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqeen
m.l (-nno, m.dh) 1. Dalool aad u yar. 2. Dulka cirbadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaqeen
m. n. small hole ~ orifice
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaqeen
a: ilaaqad
de: small hole ~ orifice
lx: ilaaqeen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ilaaqeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwareen
m.l (daawo) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilwareen
m.l (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwareen
m. n. painful eye disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilwareen
-ka: (magac, lab, keli) xanuun geela indhaha kaga dhaca gaar ahaan xilliga jilaalkii ee ay dhacaan dabaylaha qabowga badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwareen
de: painful eye disease (one experiences stabbing pain in the eyes)
lx: ilwareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ilwareen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaaddee
v., sg., opt. form: suppose I come; I may come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaaddee
de: suppose I come; I may come
lx: imaaddee
ps: v4b-1sg-pot
key: imaaddee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lajireen
m. n. comrade-in-arms, fellow soldier; companion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lajireen
de: comrade-in-arms, fellow soldier; companion
lx: lajireen
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: jir
key: lajireen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayeen
v., pl., past progressive form: they were coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imanayeen
de: they were coming
lx: imanayeen
pd: (imaneyeen)
ps: v4b-3pl-ppgr
key: imanayeen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdeen
v., sg.,neg. condition: I would not say / have said
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iraahdeen
(v) [Past] they said (seedh) yiraahdeen. Ex: waxay iraahdeen; they said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahdeen
de: I would not say / have said
lx: iraahdeen
pd: (idhaahdeen)
ps: v4a-1sg-neg-cond
key: iraahdeen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmaalmeed
(n) daytime (dheey-taaym)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmogaleen
-ka: (n) uterus (yuutaras)-, womb (wuum) ~ min-ka, rixim-ka, makaanka, ilamside, rimay
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilqabadeed
Macroscopic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timaaddeen
v., pl., simple past tense: you all came
timaaddeen: v., &3f, neg. condition: she / you [sg / pl.] would not come / have come
timaaddeen v., pl., opt. form: may you all come!
timaaddeen v., pl., opt. form: suppose you all come
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yimaaddeen
v., pl., , simple past tense: they came
yimaaddeen: v. &Amp; pl, neg. condition: he / they would not come / have come
yimaaddeen: v., pl., , relative form, simple past tense: that they came
yimaaddeen: v., pl., , opt. form: let them come!; may they come!
yimaaddeen: v., pl., opt. form: suppose they come
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxidheen
-ka: (magac, lab, keli) biyaha webiyada, togogga iyo laagaha socda oo loo sameeyo derbiyo joojiya oo xanniba, si looga faa'idaysto oo manaafacaadsado. Dh: biyaxidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacadeeya
-ha: (magac, lab, keli) geedquwaax qodax leh oo ilkaha lagu cadaydo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmahabreed
m.dh.u Laba haween oo wada dheshay ilmahooda waxa ay isuyihiin. la-mid: ilma-aayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmahabreed
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo ay dhaleen labo hooyo oo walaalo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmirigleyn
(Ilmirigleyn-ta)
Isha uun ka walacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmirigleyn
m.f.dh eeg ilmiriglee. la-mid: ilmirigle (2).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ILMO-GUREEN
(Ilmoguren) May, S Leptotherium senegalense (Kunth)W.D. Clayton. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ILMO-JAREEN
(Ilmogeren) C Leptothrium senegalense (Kunth) W.D. Clayton. Gramineae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilma adeer-ka
cousin (paternel).