ilmarrogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmarrogasho
(Ilmarrogasha-da)
Dhaqdhaqaaqa ilmaha uurka ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarrogasho
m.f.dh eeg ilmarrogo. la-mid: ilmarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogasho
(Qaalmarrogasha-da)
Rogmasho ama booddo qofku kol, sida garangarta, isku kor wareego, isagoo duuban; (ama qaalaamarrogasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogasho
m.f.dh qaalaamarrogad, qaalmarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarrogasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarrogo
v. move, stir (e.g., fetus in mother's womb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarrogo
de: move, stir (e.g., fetus in mother's womb)
lx: ilmarrogo
nt: ilmarrogad (ka) [vn-m], ilmarrogasho (/da) [vn-f]
pd: (ilmarrogtay)
ps: v3b=intr
key: ilmarrogo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmarrogad
(Ilmarrogad-ka)
Ilmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarrogad
m.l la-mid: ilmarrogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarrogad
vl. n., [compound] movement of the child in the womb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarrogad
a: ilmarrogasho (/da) [vn6-f]
de: movement of the child in the womb
lx: ilmarrogad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: ilmarrogad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digarrogasho
m.f.dh eeg digarrogo. la-mid: digarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijarrogasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majarroggasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjarrogasho
m.f.dh eeg manjarrogo. la-mid: majarrogasho, mijarrogasho, minjarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmarogad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqa ilmaha uurka ku jiri uu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warbogasho
m.f.dh eeg warbogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warbogasho
-da: (magac, dhedig, keli) xog iyo war la helay, hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka meel laga guuro ee meel kale oo u dhow loo guuro. Dh: daldalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanrogasho
-da: (magac, dhedig, kali) goor colaadeed oo inta dagaalkii la xamili waayo, laga baxsado. Dh: jaanwadh. Li: jilibdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogsasho
m.f.dh eeg jilbajoogso. la-mid: jilbajoogsad, jilbajoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ruugag ku istaagid; labada dhudhun oo la laabto oo labada ruug lagu sarajoogsado. Dh: jilbajabsi, jilbadhigasho, jilbageeljiray, jilbajoogsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalaamarogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogasho
m.f.dh eeg dhogorrogo. la-mid: dhogorrogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorrogasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, dhogorta geddisasho. Dh: dhogordhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbadhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ama hawl adag, jilbaha u laabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaalmorogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalabaarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalamaarogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aroosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumasho
m.f.dh eeg arrumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumasho
-da: (magac, dhedig, keli) fadhiga ay luguhu laaban yihiin. Dh: tu'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaarasho
m.f.dh eeg ijaaro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildayasho
-da: (magac, dhedig, keli) xirfad caqliyeed ama xeelad saymo lagaga gudbo; qaab farsamo oo ka foosid xaalad adag loo xigto. Xeel iyo ildayashiyo, xoog iyo itaalkii, ninba xugufsey tamartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isbarasho
(Isbarasha-da)
Midba midka kale aqoon u yeelasho, barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbarasho
vl. n. act of getting to know one another
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbarasho
-isbarashada: (n) acquaintance (a-kuweeyntansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) mid ba midka kale aqoon u yeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbarasho
de: act of getting to know one another
lx: isbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: isbarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrsasho
(Layrsasha-da)
Layrta u bixid, isu dhigid; ku qabowsasho; neecawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrsasho
m.f.dh eeg layrso. la-mid: layrsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel mugdi ah, iftiinsasho. Dh: laydhsasho.
layrsasho-da: (magac, dhedig, keli) laydha isku dhigid oo hawo qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgasho
(fal) meel ama mashruuc hawl iyo dhaqaale iskaa u geli si aad mustaqbalka uga hesho macaash badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsasho
(Maarsasha-da)
1. (wax ka maarsasho) cabsasho, biqid.
2. Ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarsasho
m.f.dh eeg maarso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maarsad.
maarsasho -da: (magac, dhedig, keli) ka cabsi maarsasho ayaa ku jirta wiilka yar. Dh: bigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroorasho
(Baroorasha-da)
Baroor samayn; boohin badan oo lagu dheeraysana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorasho
m.f.dh eeg barooro. la-mid: baroorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroorasho
vl. n. crying, act of mourning, keening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroorasho
-baroorashada: (n) the act of mourning (mooning) ~ baroodiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorasho
-da: (magac, dheddi, keli) oohin dhiillo iyo naxdin leh oo ay qofka ka keento geeri ama dhib kale oo soo gaadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroorasho
de: crying, act of mourning, keening
lx: baroorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baroorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocasho
m.f.dh eeg garooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto kolba dhan ka cunis. Dh: dhinacasasho; baalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomasho
m.f.dh eeg garoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogasho
(Hagoogasha-da)
Maro, kd., si hagoog leh u huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogasho
m.f.dh eeg hagoogo. la-mid: hagoogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagoogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarasho
m.f.dh eeg ibamaro. la-mid: ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryeysasho, ibamaryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilkaysasho
(Ilkaysasha-da)
Ilko yeelasho; tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaysasho
m.f.dh eeg ilkayso. la-mid: ilkaysad, ilkaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorasho
m.dh la-mid: karuurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobasho
vl. n. becoming black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobasho
de: becoming black
lx: madoobasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: madoobasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqasho
m.f.dh eeg malooqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoorasho
m.dh eeg maqooro. la-mid: maqoorasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoorasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqoorado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marcurasho
m.dh Dhalidda marka ugu horreeysa ay wax dhalaan dheddigoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarasho
m.f.dh eeg marmaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marmarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracasho
(Mayracasha-da)
(xoolo) Qabowga galab-gaabka iyo fiidka hore ku daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracasho
m.f.dh eeg mayraco. la-mid: mayracad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracasho
-da: (magac, dhedig, keli) daagista xooluhu maqribka ka hor meelaha reerka u dhaw ay daaqaan. Neefka mayracashada ku raagaa dugaag buu halis u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodrogasho
m.f.dh eeg oodrogo. la-mid: oodgeddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg oodrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragragasho
(Ragragasha-da)
Digasho xeel dheer, cid ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragragasho
m.f.dh eeg ragrago².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragragasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku digasho aad ah oo faan ku jiro. Iga daa ragragashada, rag miyaanad aqoonin. Dh: rigrigasho, digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogasho
(Rogrogasha-da)
Alaabo ama wax kale ganacsasho; gedgeddisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogasho
m.f.dh eeg rogrogo. la-mid: rog-rogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogasho
-da: (magac, dhedig, keli) kor isu qaadid oo laacid; saloolasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrifasho
m.f.dh eeg sarrifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrifasho
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, lacag ku baddalasho. Waxaan suuqa u galay sarrifasho lacageed. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegasho
m.f.dh eeg wareego².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka tegid oo meel kale oon dheerayn tegid.
wareegasho-da: (magac, dhedig, keli) hal meel oo goobo u samaysan ama taagan sida tiirka in mudda ah ku dul wareegid oo hareertiisa socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamaarasho
(Xamaarasha-da)
Iyadoo la dhabbacan yahay oo bogga iyo addimmada lagu gurguurana hayo, socosho, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaarasho
m.f.dh eeg xamaaro. la-mid: xamaarad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamaarasho
-xamaarashada: (n) creeping (kiriip-ing)-, crawling (karool-ing) ~ guur-guurasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) calaacasha ku xoqasho oo isha ku cacamin.
xamaarasho -da: (magac, dhedig, keli) dhinaca dhulka ama gidaar ku jijibin; bogga ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarrimasho
(Baarrimasha-da)
Afeefasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarrimasho
m.f.dh eeg baarrimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarrimasho
vl. n. excuses, justifications