ilma'abti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilma'abti
-ga: (magac, lab, keli) ilmo ama qof abtigaa dhalay ama eddadaa dhashay. Iidle iyo Ugbaad waa ilma'abti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-abti
m.l.u 1. Nin iyo naag walaalo ah ilmaha ay dhaleen waxa ay isu yihiin. 2. Ilmo waxa ay u yihiin carruurta eedadood dhashay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ina_3
de: first cousin (child of maternal uncle)
hm: 3
lx: ina
pd: (-ga ~ -da Pl: ilma-abti (ga))
ps: n2a-m/f, n8-m/f
key: ina_3
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ina'abti
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha abtigaa dhalay ama eddadaa dhashay.
ina'abti -ga: (magac, lab, keli) wiilka abtigaa dhalay ama eddadaa dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmaqabato
m.dh.kh Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmaqabato
m.dh.kh Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmaqabato
f. n. microscopic object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmaqabato
-ilmaqabatada: (n) microscopical object ~ ilma-aragto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmaqabato
de: microscopic object Lit: eye cannot get
lx: ilmaqabato
pd: (/da)
ps: n-f
key: ilmaqabato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ina-abti
m.l/dh (ilma-abti, m.l) Wiil ama gabar abti dhalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ina-abti
m.l/dh (ilma-abti, m.l) Wiil ama gabar abti dhalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ina-abti
m. n., [collective] first cousin (child of maternal uncle)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ina-abti
-ga / ta: (n) a child of one's uncle [the brother of one's mother]; cousin (kaasan); first cousin ~ ilmo-abti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaya'abti
-da: (magac, dhedig, keli) xaaska abtigaa qabo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilma abti-ga
cousin (maternel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilma'adeer
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo ay kala dhaleen labo aabbe oo walaalo ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmoqabato
-ilmoqabatada: (n) microscopical object ~ ilma-aragto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsi
m.l la-mid: jilbajabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajabsi
-ka: (magac, lab, keli) marka neefka xoolihii meel xero cusub ah la qabsanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaadi
(fal) roob durugsan kobtuu hayo qiyaas oo taftiis iyo taagtiis oddoros. Roob, ninba aqoontiisuu ilaadiyaa. Dh: oddoros, hilaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid. m.f.dh, ilaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaali
v. guard, watch over, protect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaali
-yey / say: (v) take care of; keep an eye; safeguard (seeyf-gaadh) watch (waaj); guard (gaadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaali
(fal) cid kale, ammaankiisa sug.
ilaali: (fal) cid kale, dhaqdhaqaaqooga la soco; raac oo dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaali
de: guard, watch over, protect
lx: ilaali
pd: (ilaaliyey)
ps: v2a=
xe: Could you watch my luggage for me?
xv: Alaabteyda miyaad ii ilaalin kartaa?
key: ilaali
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iljabi
-yey / say: (v) blink (bilink)-, wink (wingk). blink ~ iljebi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabni
m.dh la-mid: laabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabni
-da: (magac, dhedig, keli) laabniin; laabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafati
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah jaraha oo ka samaysan saynta dabada lo'da iyo lafaha faraha bagkaylaha oo gabdhuhu madaxa badhtankiisa sii marshaan ilaa qadaadka. Gabadhu waxay wejiga ku sidatay jare lafati ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamabi
-da: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo waliimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: icraab².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-jabi
-yey / say: (v) blink (bilink); wink (wingk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbaadi
(fal) wax uu qof kale leeyahay dusha ka ilaali. Ilbaadi xoolaha adigu inta dadkii lahaa ay imanayaan. Dh: dhawr, ilaali, eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe). m.f.dh, ilhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imaatin
(Imaatin-ka)
Meel laga soo kaco oo meel kale la yimaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaatin
m.l la-mid: imaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaatin
vl. n. arrival, coming; stay, sojourn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaatin
-ka: (n) the act of arriving; arrival (areeyval)-, showing up (showing ap) ~ imaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaatin
-ka: (magac, lab, keli) meel soo gaadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaatin
de: arrival, coming; stay, sojourn
lx: imaatin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
xe: Thank you for coming.
xv: Imaatinka waad ku mahadsantahay.
key: imaatin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaani
f.g2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: irmaanee. 2. Neef irmaan cid siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaani
(fal) mid ama kuwo caano leh ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaabi
(fal) dhererkaaga hoos u dhig oo gaabi. Waan isgaabinnaa markaan geedka hoos marayno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaahi
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof wax maahsan iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxti
m.dh la-mid: madaxnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxti
f. n., [abstract] being the head ~ chief; condition ~ status of chief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxti
-da: (magac, dhedig, keli) madax ahaan. Laba nin ayaa madaxtida dalka isku soo sharraxay. Dh: madaxtinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxti
de: being the head ~ chief; condition ~ status of chief
lx: madaxti
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: madaxti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maganti
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsi
(Malabsi-ga)
Malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marabbi
(Marabbi-da)
Neef la baray inuu dadka la dhaqmo; la rabbeeyey; hebed; (ama murabbi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marabbi
m.dh Neef rabbaayad ah oo aan dadka ka cararin. la-mid: murabbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marabbi
m.dh Neef rabbaayad ah oo aan dadka ka cararin. la-mid: murabbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marabbi
f. n., [collective] trained pet, tame ~ domesticated animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marabbi
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan la tababaray. Shabeel marabbi ah ayaa beerta jooga. Dh: hebed, murabbi. Li: fiigto, dibadgale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marabbi
bw: Arabic
de: trained pet, tame ~ domesticated animal
lx: marabbi
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: marabbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maranti
(Maranti-da)
Waxa naagta la qabaa ninkeeda u tahay; afo; oori; arad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maranti
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal, m.l/dh) Oori; afo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maranti
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal, m.l/dh) Oori; afo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maranti
f. n. wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maranti
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan weli la guursan. Dh: gashaanti, gabadh. Li: doob.
maranti -da: (magac, dhedig, keli) waxa naagtu saygeeda u tahay. Dh: affo, oori, arad, naag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maranti
cf: afo, oori, marwo
de: wife
lx: maranti
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
key: maranti
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qumaati
tout droit, directement.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumaati
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo hagaagsan. Qumaati u soco. Dh: saani, hagaag. toos. Li: qalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumaati
-da: (magac, dhedig, keli) nabar tummaati ah ku dhufasho, kumudid gacan qabsi xoog ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmaani
-ga: (n) secular (seki-laar) person
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansi
m.l la-mid: iimaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaadsi
(Ilbaadsi-ga)
Qof ama wax kale oo dusha laga ilaaliyo, si isagoo dagan loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsi
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaadsi
vl. n. stalking, act of spying upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbaadsi
-ga: (n) surveillance (sar-veeylansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaadsi
a: ilbaadsasho (/da) [vn6-f]
de: stalking, act of spying upon s.o.
lx: ilbaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: ilbaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'aan
m.f.dh eeg illa'. la-mid: illa'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilqabato
(Ilqabata-da)
Isha ku joogsato; qurux; ilwaad; illaacdo (ama ilqabad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqabato
m.dh 1. la-mid: ilqabad. Qurux indhuhu aad u soo jiita. 2. I. ah: wax indhaha lagu arki karo, iyadoon wax qalab ah la adeegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilqabato
m.dh 1. la-mid: ilqabad. Qurux indhuhu aad u soo jiita. 2. I. ah: wax indhaha lagu arki karo, iyadoon wax qalab ah la adeegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilqabato
f. n., [abstract] (adj.): beauty, attractiveness; something that catches the eye; macroscopic, visible to the naked eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilqabato
a: ilqabad (ka) [n2-m]
de: beauty, attractiveness; s.t. that catches the eye; [atr.] macroscopic, visible to the naked eye
lx: ilqabato
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: illaacdo, ilwaad, qurux
key: ilqabato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwaadsi
m.l la-mid: ilwaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansi
m.l la-mid: irmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tallaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabi
(fal) qof ama wax kale meel ka gudbi oo dhinac kale gey. Dh: tallaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigmaati
m.l.kh Qof xigmad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilka'adag
(Ilka'adag-to)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-aayo
m.dh.u la-mid: ilma-habreed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarooji
f.mg2 (-iyay, -isay) U i.: qof u iljebin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmarooji
f.mg2 U i.: qof u iljebin. m.f.dh, ilmaroojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarooji
v. glare, look cruelly (at)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarooji
de: glare, look cruelly (at) With preposition u
lx: ilmarooji
pd: (ilmaroojiyey)
ps: v2a=intr
key: ilmarooji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgarabsi
m. n. solidarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgarabsi
-ga: (n) co-operation (ko-opareeyshen)-, solidarity (solidaa-riti) ~ isgaashaansi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgarabsi
de: solidarity
lx: isgarabsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: isgarabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabsi
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabsi
-ga: (magac, lab, keli) tallaabsasho; tallaabsad.