illinyaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illinyaqaan
m.l (-nno, m.dh) Dabinkabood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka Rabbi kacabsiga badan. Sheekh Cismaan, qof Allayaqaan ah buu ahaa. Dh: taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallinyaraan
m.f.dh eeg dhallinyar². la-mid: dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallinyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) da' yar oo aan weli duqoobin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'aan
m.f.dh eeg illa'. la-mid: illa'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illanaan
m.f.dh eeg illan. la-mid: illanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalyaqaan
(Dalyaqaan-ka)
Qof dal bartay oo aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalyaqaan
m.l.kh (-nno, m.dh) D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iyo wixi lamida aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalyaqaan
m. n., [compound] scout, one who knows the country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dalka iyo duruufihiisa aad u kala yaqaanna. Dh: dalaqoon, dhulyaqaan, dalmar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalyaqaan
de: scout, one who knows the country
lx: dalyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dalyaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dantiigarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidyaqaan
m.l Qof dal mareen ah oo waddooyinka si fiican u kala yaqaan; dalyaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidyaqaan
m. n., [compound] street-wise person, one who knows his way around; judge, wise man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof garanaya wadada iyo hawlaheeda. Dh: dowyaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidyaqaan
de: street-wise person, one who knows his way around; [ext.] judge, wiseman
lx: jidyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jidyaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dhirta aad u kala yagaan oo magacdeeda iyo manfacaddeedaba kala yaqaan. Dh: geedayaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale oo aan aqoon gaar ah loo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liinmacaan
m.dh Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan macaan leh; liimo-xaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liinmacaan
m.dh Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan macaan leh; liimo-xaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liinmacaan
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah liinta oo dhandhan macaan leh. Dh: burtuqaan, liinxaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsanaan
m.f.dh eeg illowsan. la-mid: illowsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigayaqaan
(Xiddigayaqaan-ka)
Qof cilmiga xiddigaha dhab u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigayaqaan
m. n., [compound] astronomer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof cilmifalagga dhabu yagaan. Dh: xiddiga'qoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigayaqaan
de: astronomer
initial: x
lx: xiddigayaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiddigayaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballansanaan
m.f.dh eeg ballansan. la-mid: ballansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qabsashada ballan lagu kulmo ama wax lagu qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiiyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof hantidiisa mooyee ta kale aanay damqin ama bakhiil ah.
bartiiyaqaan -ka: (magac, lab, keli) qof ama neef meesha uu ku koray aan hadiyo jeer ka tegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dantiiyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) eg dantiigarad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulin la'aan
-ta: (n) failure to do what is required or fulfill an obligation; default (difoolt);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiinsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda ahaan; wax iftiimaya ama iftiin hayo ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilansanaan
m.f.dh eeg liilansan. la-mid: liilansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinla'aan
m.dh Kaalma la'aan. la-mid: maciinla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miciinla'aan
f. n., [abstract] insensibility, harshness, hardness of heart; helplessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miciinla'aan
-ta: (n) vulnerability (voonara biliti); helplessness ~ maciinla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalma la'aan. Dh: maciinla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miciinla'aan
de: insensibility, harshness, hardness of heart; helplessness
lx: miciinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miciinla'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milliigaraam
-ka: (n) milligram (mil'i-garaam); Img = 0.001g; — halbeegga culayska [ 1 milligram = 0.001 grams]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallinrasaas
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalinqori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililikhsanaan
m.f.dh eeg mililikhsan. la-mid: mililikhsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaqaan
(Afyaqaan-ka)
1. Af gaar ah yaqaan.
2. Cilmiga afafka aqoon weyn ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyaqaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cilmiga afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyaqaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cilmiga afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyaqaan
m. n., [compound] linguist, polyglot; skillful speaker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afyaqaan
-ka: (n) linguist (linguwist); a specialist in linguistics
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka afafka iyo ku hadalkooda aadka u yaqaan ama cilmiga afafka ku xeeldheer; aqoonyahanka afafka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyaqaan
de: linguist, polyglot; skillful speaker
lx: afyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: afyaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaqaad
(tilmaame) qof waxa san lagala quustay Allaqaadka waa kaan ku idhi idhan inuu qaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqtan
ilaaqtan¹: m.l la-mid: cilaaqtamid.
ilaaqtan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: cilaaqtan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaqtan
v. argue with one another, quarrel; contest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaaqtan
-ilaaqtamay / ilaaqtantay: (v) quarrel (kuwoorel); argue (aargiyuu); wrangle (raangal); bicker (biker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqtan
(fal) hadal aan dhab ahayn, cid kale ku tuutrtuur oo la kaftan. Dh: kaftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaqtan
a: cilaaqtan
de: argue with one another, quarrel; contest
lx: ilaaqtan
nt: ilaaqtan (ka) [vn-m]
pd: (ilaaqtamay)
ps: v1=recip
key: ilaaqtan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildigaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaadh qaanso laga gano; leeb gabraareed; hooto dagaal. Dh: leeb, fallaadh, hootodhegaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifaaqan
(tilmaame) (ku ~) ku tolan ama ku dhejisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: ningaxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lingaxan
(tilmaame) mid la lingaxay; wax lingax loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
af-yaqaan
لُغَوِيِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillanaan
m.f.dh eeg cillan. la-mid: ciillanaan, ciillanaansho, cillanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryaraan
m.f.dh eeg ciryar. la-mid: ciryaraansho, ciryari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuntacunis yaraan; ciryari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon badan u leh dabaynta ama korontada. Dabyaqaan nalka ha sameeyee innoogu yeedha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyaraan
m.f.dh eeg danyar². la-mid: danyari, danyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo hanti yaraan. Dh: danleynimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof jidadka la maro iyo dariiqyada aad u yaqaan. Ninka dalxiisiyaha ahi waa dowyagaan. Dh: dawyaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaraan
m.f.dh eeg dulyar. la-mid: dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad yaraan aan gefka la qaadan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garyaqaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Nin xeerarka iyo dhaqammada bulshada ku xeeldheer. 2. Qof sharciga dawliga ah aqoon u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garyaqaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Nin xeerarka iyo dhaqammada bulshada ku xeeldheer. 2. Qof sharciga dawliga ah aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garyaqaan
m. n., [compound] arbitrator, judge, lawyer, attorney
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garyaqaan
-ka: (n) 1. lawyer (loo-yer), attorney (atooni) ~ qareen, looyer. 2. judge (jaaj) ~ xaakim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Garyaqaan
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo xaakin caddaaladda iyo sinnaanta ku faro adag oo ilaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof xeeryaqaan ah oo garsoorka ku xeel dheer.
garyaqaan -ka: (magac, lab, keli) qofka u dooda eedaysanaha. Dacwaddaada ayaa kaaga garyaqaan ah? Dh: qareen, wakiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garyaqaan
de: arbitrator, judge, lawyer, attorney
lx: garyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
xe: So they went together to a man who was a judge.
xv: Nin gar-yaqaan ah baana la isula tegey.
key: garyaqaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garyaqaan
قاضٍ مُحَامٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsanaan
m.f.dh eeg iibsan². la-mid: iibsa-naansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iillanaan
m.f.dh eeg iillan. la-mid: iillannaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka ka leexsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacayn
(Illaacayn-ta)
Cunid; ilayn; dhabataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacayn
m.f.dh eeg illaacee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltirnaan
m.f.dh eeg iltiran. la-mid: iltirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayaan
v., pl., present progressive: they are coming
imanayaan v., pl., neg., present progressive: they are not coming
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaan
(Isxilqaan-ka)
Xilka oo la isa saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isxilqaan
v. take responsibility, be responsible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isxilqaan
-isxilqaamay / isxilqaantay: (v) assume responsibility; be responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isxilqaan
(fal) xil isa saar oo iskaa isu dir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isxilqaan
de: take responsibility, be responsible
lx: isxilqaan
nt: isxilqaan (ka) [vn-m]
pd: (isxilqaamay)
ps: v1=
key: isxilqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsanaan
m.f.dh eeg liqsan. la-mid: laqsanaan, laqsanaansho, liqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsanaan
m.f.dh eeg lunsan. la-mid: lunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habowsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaas labaad, saddexaad ama afraad guursasho. Dh: minyarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nisyaraan
m.f.dh eeg nisyar. la-mid: nisyaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanyaraan
m.f.dh eeg qanyar. la-mid: qanyaraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) nin yaqaanna sida ragga loola dhaqmo. Ragyagaan rag is ma diidaan. Dh: ninkalkaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sillanaan
(Sillanaan-ta)
Wax sillan ahaan (ama silloonaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sillanaan
m.dh la-mid: silloonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sillanaan
f. n., [abstract] strangeness, oddity