illawsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsii
(fal) cid kale, wax xasuusadka u diid. Dh: hilmaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax hore loo arkay ama loo mqalay hilmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax uu xasuusnaa maskaxdiisa ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illowsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax uu xasuusnaa maskaxdiisa ka saarid. m.f.dh, illowsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illowsii
v.caus: make someone forget, cause to forget
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illowsii
(fal) wax uu ogaa, hilmaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illowsii
de: make s.o. forget, cause to forget
lx: illowsii
pd: (illowsiiyey)
ps: v2a=caus
key: illowsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqandoorsan
(fal) dhalanrogan oo dhaqankaagii dhaqan aan ahayn qaado. Dh: dhalanrogmo.
dhaqandoorsan -ka: (magac, lab, keli) is beddel dadka ku dhaca oo caadadii iyo habnololeedkii bulshada uu ka soo jeedo uu is illawsiiyo. Dhallintii qurbojoogta noqotay dhaqandoorsan ayaa ku dhacay. Dh: dhalanrog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalad
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelin waqtiga la isku dhaafiyo. Madadaalad ayaan qaadka u cunaa. Dh: maddadaalo, maaweelo.
madadaalad -ka: (magac, lab, keli) madaddaalo isku illawsiin ismaaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo yar gaar ahaan gabadh baaro ka goyn. Dh: gudid, gudis.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) xalaal ka dhigid oo inuu bannaan yahay sheegid. Dh: bannayn xalaalays.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhimanaya gawracid. Bisinka ku bilaw xalaalaynta neef. Dh: gawricid, birayn. Li: duufin.
xalaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano ciddii lahayd illawsiin oo iska yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalee
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu u duufin. Dh: xalaalay, gawrac, bireo. Li: duufi.
xalaalee: (fal) ilmo yar baarada ka goo. Dh: gud. xalaaley.
xalaalee: (fal) ammaano ciddii lahayd illawsii oo iska yeelo. Dh: xalaaley.
xalaalee: (fal) shay inuu bannaan yahay bannee oo ku fatwoo. Dh: xalaaley, bannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illowsiin
(Illowsiin-ta)
Xusuusasho u diidid; in la soo garwaaqsado seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsiin
m.f.dh eeg illowsii. la-mid: illowsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsiis
m.l la-mid: illowsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsho
-ha: (magac, lab, keli) wax hore loo arkay ama la maqlay, xasuusanwaa; hilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawshiiyo
-ha: (magac, lab, keli) xasuus la'aan. Dh: hilmaamid, illoshiinyo. Li: xasuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: alaladi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaysin
m.l la-mid: ballayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof, derajo u kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallacsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof, derajo u kordhin. m.dh, dallacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallacsii
v.caus: promote ~ raise someone in rank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallacsii
-yey / say: (v) promote (pora-mowt); raise (reeyz); elevate (ela-veeyt) ~ dalacsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacsii
(fal) derejo sare sii; derejo sare gaadhsii. Dh: dallici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallacsii
de: promote ~ raise s.o. in rank
lx: dallacsii
pd: (dallacsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dallacsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ku f.: wax, wax kale deeqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filnaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ku f.: wax, wax kale deeqsiin. m.f.dh, filnaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaysii
(fal) wax deeqsii; wax le'egaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaw
(fal) ha xusuusan. Dh: hilmaam, illow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: wax tumid. la-mid: gaw (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: liqsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqsii
v.caus: cause to sink, make someone drown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsii
(fal) waxuu laqo si dhunjisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqsii
de: cause to sink, make s.o. drown See also: liqsii
lx: laqsii
pd: (laqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: laqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar “qaw” ku dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar 'qaw' ku dhalin. m.f.dh, qawsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilawsho
-ha: (magac, lab, keli) hilmaamidda wax hore loo arkay ama loo maqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaysi
m.l la-mid: ilkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illasho
m.f.dh eeg illo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayse
xi. la-mid: illowse.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayse
conj. but
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayse
a: illowse
de: but
lx: illayse
ps: conj
key: illayse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowse
xi. Laakiinse, hase yeeshee. Tusaale: “Beerta ayaan galay, illowse miro kama guran”. la-mid: illayse.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illowse
xi. Laakiinse, hase yeeshee. Tusaale: Beerta ayaan galay, illowse miro kama guran. la-mid: illayse.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illowse
(conjunction) but (bat) ~ laakiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmasid
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: ilmasideen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalacsii
-yey / say: (v) promote (pora-mowt); raise (reeyz); elevate (ela-veeyt) ~ dallacsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamsii
(fal) (ka ~) wax la cuno afka dhakhso u dhex geli. Afka ku dalamsii muuska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsan
f.g4 (-naa, -nayd) Cid, wax ay hore u tiqiin aan xusuusnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illowsan
f.g4 (-naa, -nayd) Cid, wax ay hore u tiqiin aan xusuusnayn ahaansho. m.f.dh, illowsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illowsan
der. [adjective] forgetful, not mindful of someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illowsan
(adj) forgetful (fergetful), unmindful (anmeeynful), oblivious (ob-liviyas)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illowsan
de: forgetful, not mindful of s.o. ~ s.t.
lx: illowsan
pd: (illowsanaa)
ps: adj-der
key: illowsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowsho
m.l la-mid: illow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illowsho
-ha: (magac, lab, keli) wax la ogaa, xusuusta ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid jala' ka yeersiin. la-mid: jalee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulansii
v.caus: cause to meet with; have someone meet with
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulansii
de: cause to meet with; have s.o. meet with
lx: kulansii
pd: (kulansiiyey)
ps: v2a=caus
key: kulansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solansii
f.g2 (solansiiyay, solansiisay) Ilaah, cid wax garansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
solansii
v. remind, make someone understand; persuade, control by persuasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solansii
(fal) 'awood Rabbi' garansii, ku hagaaji, waafaji; ku du'. Rabbiyow jidka toosan na solonsii.
solansii: (fal) mid solmay ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
solansii
de: remind, make s.o. understand; persuade, control by persuasion
initial: s
lx: solansii
nt: solansiin (ta) [vn-f]
pd: (solansiiyey)
ps: v2a=tr
key: solansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultansii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama ka badan ula yaryar oo laysla dhaco ku tartansiin (ciyaar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ultansii
(fal) labo qof ultan ku dheelsii; ciyaarta ultanka labo qof u duqee. Ultansii labada wiil ha ka la hadhaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladsiin
m.f.dh la-mid: alaladin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaladsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taah iyo reen ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaysimo
m.dh la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaysimo
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama xaadhin la dego ama la fadhiisto. Reerka billaysimo fiican u sahami. Dh: ballaysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladbixi
(fal) qof ama wax cillad leh, hagaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsiin
m.dh eeg dallacsii. la-mid: dallacsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) darajo sare siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsiis
m.l la-mid: dallacsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacsiis
-ka: (magac, lab, keli) qof darajo sare gaadhsiin. Dallacsiis baa halkan lagu keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaysiin
m.f.dh eeg filnaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala wayna is le'ekaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: halmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaansii
ditransitive v. make someone forget something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaansii
-yey I say: (v) cause someone to forget or be unable to remember ~ ilowsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansii
(fal) xusuusasho u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaansii
de: make s.o. forget s.t.
lx: hilmaansii
pd: (hilmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
see: halmaansii
key: hilmaansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaysin
m.l la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysin
-ka: (magac, lab, keli) cunug afartanbaxay gardaadin oo tunka ku qaadid. Ballaynta cunugga Buraale bootin dheere u daaya.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) bannaanka aqalka hortiisa oo ood ama dhagax lagu soo wareejiyo; aqalka hortiisa oo si fiican loo goglo ama loo kashkaasho. Ballaysinka noo hagaaji oo gogol. Dh: ardaa, daarad.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) hasha dharaska badan leh halka loogu faadhumeeyo ee lagu liso. Ballaysinka gee toojada.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) wax kula kowsada dabadeedna kula xidhiidha oo aan kaa hadhin. Ballaysin bir ka adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrawsii
(fal) eeg carraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtir
-ka: (magac, lab, keli) cillad ka bi'in.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillaysan
-cillaysnaa I cillaysnayd: (adj) defective (di-fektiv) ~ see [eeg] cilladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsii
(fal) ciidan, koox iyo wixii la mid ah, gaardisii. Dh: cayaarsii, dheelsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhillaysi
(Dhillaysi-ga)
Dhillaysasho; dhillaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillaysi
m.l la-mid: dhillaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhillaysi
m. n., [collective] prostitution; adultery, fornication