illaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaaco
(Illaaca-da)
Il; dhabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaaco
m.dh Waxyeello la aaminsan yahay inay ka timid il dad; dhabato; il.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaaco
f. n. curse, evil eye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illaaco
-illaacada: (v) malice (malas); ill will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaaco
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama waxyeello la aaminsan yahay in ay cawryo sababtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaaco
de: curse, evil eye (especially of a helpless person held to have some special power)
lx: illaaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: illaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacdo
(Illaacda-da)
Qurux; ilwaad; ilqabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaacdo
f. n. (adj.): beauty; attractive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaacdo
-da: (magac, dhedig, keli) bilic ama muuqaal isha u roon. Dh: qurux. Li: foolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaacdo
cf: ilqabato, ilwaad, qurux
de: beauty; [atr.] attractive
lx: illaacdo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: illaacdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaac
-a: (magac, lab, keli) hunguri xumaansho uu qofku eego waxa dadka kale haysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawri
cawri¹: m.l 1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cąwro.
cawri²: f.g1 (-ryay, -riday; -ryi) Hanti cid leedahay kuunyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax illaaco ku dhacday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawri
cawri¹: m.l 1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cąwro.
cawri²: f.g1 (-ryay, -riday; -ryi) Hanti cid leedahay kuunyid. m.dh, cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax qayb ka jeexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaacso
v. tear, crack open for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacso
(fal) maro iyo wax la mid ah, in ka jeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaacso
de: tear, crack open for oneself
lx: dillaacso
pd: (dillaacsaday)
ps: v3a=
key: dillaacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabo
f.mg3 (-lowday, -laabatay) la-mid: bilaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabo
(fal) wax cusub, hadda curo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dillaac u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dillaac u yeelid. m.f.dh, dillaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaaci
v. crack, rupture; tear something off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaaci
-yey I say: (v) tear up (teerap); rend (rend); burst (beerst); break (bareek); rip apart with force; split (ispiliit) ~ jeexjeex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaaci
(fal) maro iyo wax la mid ah, kala jeex. Dillaaci marada oo nabarka ku duub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaaci
de: crack, rupture; tear s.t. off
lx: dillaaci
pd: (dillaaciyey ~ dillaacshey)
ps: v2a=tr
key: dillaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamo
m.dh la-mid: dillaan¹, dullaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: hullaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hillaabo
v. wrap (a cloth) around oneself (to be hidden from view)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaabo
(fal) huwo oo go' iyo wixii la mid ah, dusha iska saar. Go'a ha isku duubine hillaabo. Dh: huwo.
hillaabo -da: (magac, dhedig, keli) maro dusha iska saar adiga oo aan madaxa ku hagoogayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hillaabo
a: hullaabo
de: wrap (a cloth) around oneself (to be hidden from view)
lx: hillaabo
pd: (hillaabtay)
ps: v3b=tr
key: hillaabo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hillaaca
name-flightning, flash of lightning; flash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hillaaca
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo u dhalaasha sida hillaaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Ilay; cunid; dhabataysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaacee
v. curse, cast the evil eye upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illaacee
-yey / illaaceysay: (v) give one the evil eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaacee
de: curse, cast the evil eye upon
lx: illaacee
pd: (illaaceeyey)
ps: v2b=tr
key: illaacee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabo
(Jillaaba-da)
Qof socona haya oo, si uu u kufo ama u turaanturroodo, lug loo dhigo; suuldaar; jallaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabo
jillaabo¹: m.dh la-mid: jillaabasho.
jillaabo²: f.g3 (-btay, -batay) Kalluun dabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillaabo
f.g3 (-btay, -batay) Kalluun dabasho. m.f.dh, jillaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaabo
v. fish with a hook, go fishing
jillaabo vl. n. tripping someone up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabo
(fal) kalluun iyo wax la mid ah soo qabso adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaado
f.g3 (-aatay, -aadatay) la-mid: jallaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaafo
m.dh la-mid: jallaafo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jillaafo
-jillaafada: (n) the act of stumbling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaafo
-da: (magac, dhedig, keli) qof soconaya, si uu u kufo, lugta ku gudbid oo kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallaaco
-da: (magac, dhedig, keli) qaniinyo an toos ahayn oo awrtu si janjeedh ah wax u qaniinaan. Qallaaco ayay awrtu ku dagaallantaa. Dh: fajaaso, qaniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabo
m.dh la-mid: tallaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tillaabo
f. n. step, pace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabo
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqaaqa socodka oo lug inta la qaado, lugta kale horteeda la dhigo ama inta labadaas lugood u dhexaysa tillaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tillaabo
de: step, pace
initial: t
lx: tillaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: tallaabo
key: tillaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaa
e.d Eray yaab ku jiro. Tusaale: “Illaa Cali waa geesi!”. la-mid: illayn (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaa
e.d Erey yaab ku jiro. Tusaale: Illaa Cali waa geesi! la-mid: illayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaa
inter. my!; oh!; wow!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaa
(xidhiidhiye) eeg ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaa
de: my!; oh!; wow! Word introducing a sentence and indicating surprise
lx: illaa
ps: intj
key: illaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaaco
(Idaaca-da)
Idaacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaaco
m.dh la-mid: idaacad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaaco
f. n. broadcast
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaaco
a: idaacad
de: broadcast
lx: idaaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: idaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalo
(Ilaala-da)
1. Ciidanka taliska col kamid ah oo nabadda gudaha ilaaliya.
2. Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalo
f. n. policeman; patrol, spy sent out by war-party
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalo
-ilaalada: (n) 1. special police force that usually patrols in the countryside. 2. spying operation send to war party ~ sahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalo
-da: (magacwadareed) koox millateri ama wax kale ah oo loo diro in ay cadawga war ka keenaan ama in uu jidku nabad yahay soo hubiyaan.
ilaalo-da: (magac, dhedig, keli) ka warhaynta wax ammaankiisa loo cabsoonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalo
cf: ilaal
de: policeman; patrol, spy sent out by war-party
lx: ilaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) war aan sugnayn oo la maqlay. Dh: bitin, balaf, belaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaaw
v. forget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illaaw
-ey / illowday: (v) unable to remember; forgetful (farget-fuul) ~ illow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaaw
a: illow ~ illoow
de: forget
lx: illaaw
pd: (illaaway)
ps: v1=
key: illaaw
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
illico
illico, adv. - dhaqso; durbadiiba; si degdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaac
(Dillaac-a)
Waxa dillaacinta ama jeexiddu keento; jeex; jeexniin; dhanbalan; qarrar; qawrar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaac
dillaac¹: m.l Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.
dillaac²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iyo wixi lamida bilaabasho. 3. Wax beryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dillaac
dillaac¹: m.l Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.
dillaac²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iyo wixi lamida bilaabasho. 3. Wax beryid. m.f.dh, dillaacid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dillaac
Fracture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaac
m. n. crack, tear, rupture, break
dillaac v. crack, be cracked, hatch; tear, rupture, burst, explode
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaac
-a: (n) 1. crack (kraak); fracture (farak-jar); rupture (rapjar)-, break (bareek); tear (teer) split ~ dhambalmid. 2. dillaacid -da: (n) the act of breaking or cracking; hatching (haajing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaac
-a: (magac, lab, keli) marka uu shey jeexmo ama qarraadh yeesho. Dillaac buu yeeshay gurigii cusbaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaac
(Hillaac-a)
Iftiin xoog badan oo daruuraha da'a haya ka dhex muuqda kolka jacdu qarxato oo onkodku yeero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaac
hillaac¹: m.l (-cyo, m.dh) Iftiin xoog leh oo daruuraha isku dhaca ay bixiyaan waqtiga roobka.
hillaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Daruuro isku dhacay iftiin bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hillaac
hillaac¹: m.l (-cyo, m.dh) Iftiin xoog leh oo daruuraha isku dhaca ay bixiyaan waqtiga roobka.
hillaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Daruuro isku dhacay iftiin bixin. m.f.dh, hillaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hillaac
m. n. lightning, flash of lightning
hillaac v. flash (lightning)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hillaac
name-unisex lightening, flash of lightening; flash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hillaac
-a: (n) lightning (laaytning)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hillaac
magac loo baxsho wiil raganimo iyo firfircooni leh sida hillaaca roobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaac
(fal) roob, iftiin badan muuji oo walalaclay.
hillaac-a: (magac, lab, keli) iftiin cirka ka wac yidhaa oo onkodka ka horreeya marka roobku aad u da'ayo. Waxa uu ka dhashaa labo daruurood oo danabaysan isku dhacooda, qarax ka dhex samaysma oo ay la onkodaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hillaac
برق
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama hal-abuurnimo aan cid laga baran yeelasho. Gabaygu waa ilhaamiyo sed uu Guulle bixiyaaye. Dh: hibo, deeq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaawe
m. n. partially blind person, blind in one eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaawe
de: partially blind person, blind in one eye
lx: illaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: cawar
key: illaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illasho
m.f.dh eeg illo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaaco
-da: (magac, dhedig, keli) war aan sax ahayn oo la faafiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacayso
f.g3 (-stay/-saday, -satay) Cid il wax ku yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaac_1
de: crack, tear, rupture, break
hm: 1
lx: dillaac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dillaac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaac_2
de: crack, be cracked, hatch; tear, rupture, burst, explode
hm: 2
lx: dillaac
pd: (dillaacay)
ps: v1=
key: dillaac_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacan
(tilmaame) wax kala qarradhsan ama jeexan. Maradii cusbayd oo durba dillaacsan baan arkay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.