ill
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ill
/il/ills, illness; (adj) 1. jirran, buka (xanuunsanaya). e.g. She was very ill in the hospital.(n) 2. wax xun oo dhibaato badana waa loo adeegsadaa. e.g. We have to live with the ills of life.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ill
a., (bad) xun; (sick) buka; be ill, xumaw; n., that boy returns ill (bad) for good, inankaasi sharkuu wanaag u ceshaa; he speaks ill of everyone, isagu nin walba wax xil leh buu ka sheegaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaaf
(Afaaf-ka)
Meel furan (xero, derbi, aqal), oo laga galo ama laga baxo; illin; kadin; irrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawar
(Cawar-ka)
1. Nabar il ka gaarey, il la'; illaawe; iley.
2. Libaaxbadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubasho
(Cululubasha-da)
Arrin ama talo hore oo dhacday oo la iska illowsanaa, kol danbe laabta ku soo dhicid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegbasid
(Dhegbasid-da)
Dhegta wax u dhigid laysku illaawo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garwaaqsi
(Garwaaqsi-ga)
Wax la illowsanaa oo laabta ku soo dhaca; xusuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedmasho
(Gedmasha-da)
Tiro ama wax kaloo la tirina hayey, gefid, isku darmid, meeshi la joogey illaawid; qaldamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gocasho
(Gocasha-da)
Wax hor u dhacay, illaawid la'aan; tebid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaan
(Halmaan-ka)
1. Erey aan la rabin in la yiraahdo oo gef carrabku u boobo; gefka carrabka; gefka hadalka; kamma.
2. Illow; xusuusanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidde
(Hidda-ha)
1. Dhaqan fil weyn oo waa uu abuurmay iyo cid laga dhaxlay la illaawey oo aan taariikhdu sheegi karin (xeer, caado, sheeko, maahmaah, kd.) oo qolo ama tol u gaar ah, oo facba faca ka danbeeya gaarsiiyo oo u dawiyo.
2. Dhur; sinji; dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iley
(Iley-ga)
Il la' ama wax ka gaareen; illaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacayn
(Illaacayn-ta)
Cunid; ilayn; dhabataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacdo
(Illaacda-da)
Qurux; ilwaad; ilqabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaaco
(Illaaca-da)
Il; dhabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illin
1. (Illin-ka) Meesha furan oo guryaha, qolalka, xeryaha, kd. laga galo; irrid; albaab.
2. (Illin-ta) Biyaha indhaha; ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illoobid
(Illoobid-da)
Xusuusasho waayid; illaawid; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illow
(Illow-ga)
Wax la ogaa oo la xusuusan waayo; garwaaqsiwaa; laabta ka bax.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bill
Dhul tnadaxeed dhuuban
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bill
(n) an itemized list or statement of fees or charges.
xaashida biilka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bill
/bill/ (n) 1. biil (rasiidka alaabta la gato iyo qiimahoodu ku dhigan yihiin) 2. sharci dawladeed (qodob) 3. lacagta warqadda ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bill
Xisaab
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bill
/bil/ (n) 1. haanshithy sheeghassy beesothy lokoo fathaw (biil amy risiid). We pay the electricity bill every month. 2. beesothy haanshithy eh, sanuud ing haayny. 3. afky shimbirty. 4. shar'y amy heer dowly.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bill
n. (any written paper) warqad, -di; bill of goods, xisaab, -ti; here is the bill, waa taa xisaabti; bill of passage, tiked, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fill
/fil/ (v) 1. buuxin (n) 2. buux, buuxsamid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fill
v.tr., buuxi, buuxso, soo dhaami, dar, soo dar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hill
Gunbur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hill
/hil/ (n) taag, buur.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hill
n., buur yar, -ti, -ayd, karin, -ti, kur, -ti, kurun, -ti, moos, -ki; v.tr., (heap up) moos.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
I'll
(abbr) I will ama I shall oo la soo gaabiyey. e.g. I'll go out this weekend.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illi
f.mg2 (-iyay, -isay) U i.: Cid kabo u gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illi
(fal) u kabo u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illo
f.g3 (-laday, -latay) Kabo gashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illo
v. put on ~ try on (shoes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illo
cf: gasho
de: put on ~ try on (shoes)
lx: illo
pd: (illaday)
ps: v3a=tr
key: illo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jill
Chili
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kill
/kil/ (v) 1. dil (gudha ka jarid) 2. waqti dilid (waqti dhumin) e.g. kill time. 3. laba shimbirood hal dhagax ku dilid (laba natiijo hal ficil ka helid). e.g. Kill two birds with one stone.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
kill
v.tr., dil, nafta ka qaad, kaga caqbal, ka kawsii, ka kudi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mill
/mil/ (n) 1. warshadda galleyda iwm shiidda oo bur ka samaysa. 2. warshad wax lugu shiido.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pill
(n) a small pellet or tablet of medicine, often coated, taken by swallowing whole or chewing.
kinin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pill
/pil/ (n) kiniini.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sill
Daah oogeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sill
/sil/ (n) xakabadda daaqadda ama albaabka (dhis alwaax ama dhagax ah oo daaqadda salkeeda laga dhiso).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sill
Daah oogeed, sal daaqad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Till
Gaantay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
till
/til/ (conj) 1. ilaa (tan iyo waqtigaas) (n) 2. khaanadda-lacagta (maqalka lacagta gadanta lugu rido) (v) 3. carra-rogid (ciidda oo la carro-rogo, si abuur loogu diyaariyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
till
prp., c., tan iyo goortan, had iyo intan, ilaa, ilaama.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
will
/wil/ (n) 1. doona; dhici doona 2. rabitaan; iraadada qofka 3. dardaaran; u dardaarmid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
will
n., qushi, -gi, ogaan, -ti, qawl, -ki, umuur, -ti, oggolaan, -ti; it is my will, baga! qushigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Il
(I-sha)
1. Xubinta aragga oo dadka iyo nafleyda kale; dhaayaha wax lagu arko middood; (koox: indho).
2. Daldaloollada yaryar oo dhulka oo biyuhu ka soo burqadaan; (koox: ilo)
3. Siriq; (koox: ilo).
4. (senen) kartida ishu cid wax ku yeeli karto; dhabato.
5. Aqoon, waxgarasho, ilbax (nin il leh).
6. Dabool iniinaha badarka doc kaga dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il
m.dh (-lo, m.l) 1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
il
m.dh (-lo, m.l) 1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il
f. n. eye; sight; intelligence
il [feminine] n. spring of water
il [feminine] n. light, headlight (of a vehicle)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Il
pour moi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il
-isha: (n) eye (aay). il daran: (adj) not normal; unsound; ill (Hl) ~ il dheer, il go'an, il xun
il -isha: (n) a stream of water flowing naturally from the earth: spring (ispring)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
il
art.- ka (qodob lab).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
il
-sha: (magac, dhedig, keli) xubinta nooluhu wax ku arko. Dh: dhaayo. Wa: indho.
il-sha: (magac, dhedig, keli) meesha dix, laag ama luuq ka bilaabmo.
il-sha: (magac, dhedig, keli) daloolka yar ee biyuhu ka soo buqdhamaan, labo dhegax dhedxood ama meel kale oo dhulka ka mid ah. Il biyo leh ninkaa soo maree, oomman baan ahaye.
il-sha: (magac, dhedig, keli) cawryo. Il baa ku dhacday ilmahan ee ha la dabiibo.
il-sha: (magac, dhedig, keli) iniinta badarku ama hadhuudhku halka ay ka soo baxdo ee ay sabuulka kaga taallo. Hadhuudhka isha ka reeb oo innoo koronkori.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
il
il, pron. pers. - magac uyaal, isaga.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
il
عَيْنٌ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
all
/ool/ kulli, dhammaan. e.g. They are all going to the meeting.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
all
/ool/ (adj) (adv) (pron) yoo dhong (kullysho). We ate all the food.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
all
num. or ad., dhan, dhamaan, -ti, giddi, -gi, kulli, -gi, wada; all men, dadka oo dhan, or dadki oo dhami, or oo wada dhan; all the world is bad now, dunida oo dhan or oo dhami waa xuntahay haatan; God will judge all and every one, Ilaahay baa dadka oo dhan oo mid walba goonidii u xisaabi; is that all? ma intaa keliyaa? By all means, kolley; reputation is all in all, maamuuskeenaa xoolo oo dhan inoo dhaama; I was not at all afraid, sinna ugama baqan; nowhere at all, meelna ma joogo, meelna ma yaal; all the better, waa wanag; all the worse, waa xumaan; all powerful, quwad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iil
(Iil-ka)
1. Godka xabaasha dhinaciisa hoose oo inta la barbarqodo qofka dhintay la gesho.
2. Meel leexsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iil
iil¹: m.l (-lal, m.l) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
iil²: f.g1 (iilay, iishay) Wax inyar weecin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iil
iil¹: m.l (-lal, m.l) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
iil²: f.g1 (iilay, iishay) Wax inyar weecin. m.f.dh, iilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iil
v. turn aside; lean
iil: m. n. side-chamber of the grave, where the corpse is placed
iil: v., sg., simple past tense: I was (at ~ in a place)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iil
-ka: (n) grave (gareeyvf, especially where the corpse is placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iil
-ka: (magac, lab, kel) meel cidhifkeed. Dh: baal, dhinac, barbar, gees.
iil-ka: (magac, lab, keli) godka xabaasha dhinaca hoose laga jeexo ee meydka la dhigo ama lagu dhababo, Dh: luxud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ila
pron. and preposition: with me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ila
(pronoun with preposition) with me or to me. Ex: waxii dhaca ila socodsii; report to me what happens
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ile
ile, n.f. - gasiirad; dhul biyo kusoo wareegsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilo
-ilaha: (n) sources (soorsis),
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ILO
Laanta Shaqada adduunka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilo
-ha: (magacwadareed) kolmo biyaxabeed ku jiro oo saableyda duunyada lagu arko oo cuyuun ama ilcayn loo nisbeeyo; hawo xoolo gasha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bille
name-m promoter; beautiful; improvement. Syn: Billan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billo
(fal) ciddaada cunto siiso. Dh: masruufo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chill
/jill/ (n) (v) 1. qaboow, gaboojin (n) 2. dhaxan (n) 3. oof-xanuun (koolba'aaryo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
chill
chilly, a., dhaxamooday, nin dhaxamooday; be chill, dhaxamow, or dhaxamood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilal
-ka: (magac, lab, keli) geed biyood milay roobaadka baxa oo caleen geedaha kale isku marta leh iyo badhibiyo aasan.
cilal-ka: (magac, lab, keli) marka awrka la raro ee aqalka loo dhamaystiro, halka caynka iyo dhigihu isugu yimaadaan ee awrka laga dheeli tiro. Cilalkuu ku soo raray caatadii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillo
m.dh la-mid: cillad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillo
m.dh cillad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillo
f. n. defect, misfortune; motive, cause, problem, difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cillo
-cillada: (n) defect (dii-fakt); deficiency (di-fishensi); fault (foolt); blemish (baleemish) ~ cillad, ceeb, sabab. —Syn: imperfection, flaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cillad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillo
bw: Arabic
de: defect, misfortune; motive, cause, problem, difficulty
lx: cillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cillo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillo
-da: (magac, dhedig, keli) midab lo'du leedahay oo ah diillimo ama hariiryo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drill
/drill/ (v) 1. qodid, daloolin (v) 2. carbin, tababarid (n) 3. dalooliye (qalab wax lugu dalooliyo ama lugu qodo) (n) 4. laylis; carbis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Drill
Qodid, daloolin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fille
fille, n.f. - gabadh; hablo.
jeune fille - gabadh aan la guursan; gabadha aan weli guursan.
petite fille - foodley; inan.
fille de service - booyiso; adeegto; jaariyad, gabadha adeegtada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fillo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiilo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
filly
/fili/ (n) darmaan (faras dhalin-yar).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
filly
n., darmaan, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
frill
/fril/ (n) 1. faraqa sharraxaadda ah, ee daahyada iwm lugu sameeyo. (n) 2. naash-naash, wax kasta oo aan aasaasi ahayn, ee qurux ama siyaado ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gills
Wasfyo