ilkaxanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun ilkaha laga dareemo kolka uu suus galo ama nabarba ku dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun haweenka naasaha kaga dhaca oo ibaha bukaysiiya oo haddii uu ku xumaado naasatira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalaalo
(Dhalaala-da)
1. Caano iyo subag laysku daro oo carruurta yaryar la siiyo.
2. Ilkaxanuun ka yimaada kulayl ama qabow aad u daran; (ama dhalalo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilig-xanuun
n. phr. toothache
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilig-xanuun
de: toothache
lx: ilig-xanuun
ps: np
key: ilig-xanuun
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxanuun
m.l (daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) bugtaan uu qofka madaxu xanuuno. Aabbo madaxanuun baa haya. Dh: madax-xanuun, madax-wareer, madaxfarad, madaxfered.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo dartii dadka ku dhego cuslaadaan ama ku dhego beelaan haddii aan la iska daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaxsanaan
m.f.dh eeg ilbaxsan. la-mid: ilbaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxxanuun
(Madaxxanuun-ka)
Madaxwareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seedaxanuun
(Seedaxanuun-ka)
Seedaha oo xanuuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seedaxanuun
m. n., [compound] pain in a tendon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seedaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun seedaha gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seedaxanuun
de: pain in a tendon
initial: s
lx: seedaxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: seedaxanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun wadnaha ku dhaca oo inta badan ka yimaadda halbawlayaasha oo cilladaysta ama xidhma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididxanuun
(Xididxanuun-ka)
1. Xanuun xididdada qabta.
2. Xanuun, kan ugu yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididxanuun
m.l Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tusaale: “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididxanuun
m. n., [compound] nervous pain; small pain; minor aches and pains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka ku dhaca halbowlayaasha dhiigga kala hora.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididxanuun
de: nervous pain; small pain; [col] minor aches and pains
initial: x
lx: xididxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xididxanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanuun
-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday. Dh: karuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaatuun
m.l (-uummo, m.dh) Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. la-mid: kaatun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaatuun
m.l (-uummo, m.dh) Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. la-mid: kaatun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanuun
(Qaanuun-ka)
Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ahi ku dhaqanto ama dadyow badani ku wada dhaqmo; xeer; (ama qaynuun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. m.dh, qawaaniin. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanuun
Rule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanuun
m. n. rule, law, ordinance, regulation; procedure; constitution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaanuun
-ka: (n) law (loo); regulation (rege-leey-shen)-, rule (ruul): bylaw (baay-loo); legislation (legas-leey-shen) ~ qaynuun, sharci, xeer, dastuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanuun
-ka: (magac, lab, keli) qodobbo sharci ah oo lagu heshiiyo si loo nidaamiyo maaraynta xidhiidhka bulshada dhexdeeda ama bulshada iyo dawladda u dhexeeya. Caliyoow qaanuunka ilaali oo ha ku xad gudbin. Dh: xeer, qaynuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanuun
a: qaynuun ~ qeynuun
bw: Arabic
de: rule, law, ordinance, regulation; procedure; [ext.] constitution
lx: qaanuun
pd: (-ka Pl: qawaaniin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: qaanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafanuun
-ka: (magac, lab, keli) oon badan oo aad u qallajiya ciddii uu helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masanuun
-ka: (magac, lab, keli) ur yar oo silloon oo aan la jeclaysan. Noolaa'uruhu masanuun qadhmuun ayuu leeyahay. Dh: siniin, ur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yafanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u adag oo dhibaato iyo rafaad badan. Dh: dhib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka ku dhaca. Beerxanuun baa ku dhacay kuwii khamrida biishan jireye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkaraaran
(tilmaame) mid ilkahiisu si qaab daran u baxeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolxanuun
(Caloolxanuun-ka)
Xanuun caloosha qabta; caloolqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxanuun
m.l Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolxanuun
m.l Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolxanuun
m. n., [compound] stomach ache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolxanuun
-ka: (n) stomachache (istoomak-eyk); tummy ache, belly ache, gut ache or stomach upset ~ xundhurxanuun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolxanuun
de: stomach ache
lx: caloolxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: caloolxanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka mastitiska loo yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarxanuun
m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabarxanuun
m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarxanuun
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka oo xanuuna; xanuun dhabarka ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-xanuun
m.l (daawo) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. la-mid: madaxwareer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-xanuun
m. n., [compound] headache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-xanuun
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-wareer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madax-xanuun
وَجَعُ الرَّأْسِ صُدَاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadoxanuun
m.l Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa oo dusha sare laga xaadiyo. Dh: korkaxaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si khafiif ah uga qaadid. Dh: dulkaxaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golkaqaniin
-ka: (magac, lab, keli) hasha kolka la lisayo cararta, ninka lisaya, kellida ka qaniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaanood
-ka: (magacwadareed) ilkaha u horeeya ee carruurta u soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkacaddayn
m.f.dh eeg ilkacaddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilkacaddayn
-ta: (n) the act of grinning or smiling ~ dhoollo-cadayn -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qosol yar oo dhoolasha uun la caddeeyo. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqxanuun
m.l (-qyo ..., m.dh) (daawo) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruqxanuun
m.l (-qyo ..., m.dh) (daaw.) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqxanuun
-ka: (magac, lab, keli) iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabar xanuun
-ka: (n) backache (baak-eyk); back pain (baakpeeyri)