ilkadacawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkadacawo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur carruurta ku dhaca oo ilkaha soo baxoogu ugu wacan yahay oo ilmuhu hore u kiciwaayo. Xanuunkan, oo loo yaqaan 'miciyow', waxa dawadiisu tahay iyada oo ilmaha uu hayo afarta miciyood kol laga wada saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilkaddawaco
(Ilkaddawaca-da)
Xanuun-carruureed, ilkaha caanannuug soo bixiddoodu ku wacan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaddawaco
m.dh (daawo) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. la-mid: ilkow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkaddawaco
m.dh (daaw.) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. la-mid: ilkow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilkaddawaco
f. n., [compound] teething trouble (in infants)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilkaddawaco
de: teething trouble (in infants) Lit: jackal teeth
lx: ilkaddawaco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: ilkaddawaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkadhacso
(fal) ilkacaanoodku ha kaa daataan. Dh: ilkarido, ilkadaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaawo
(Cadaawa-da)
Colaad; isnebcaan; (ama cadaawad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaawo
m.dh Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. la-mid: cadaawad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaawo
m.dh Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. la-mid: cadaawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaawo
f. n., [collective] enmity, hostility
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaawo
cadaawaha: (n) enmity (enmi-ti) nacayb, cadaawennimo, dakano, colaad. Syn: hostility, antagonism, animosity, rancor, antipathy, animus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawo
-ha: (magac, lab, keli) eeg cadaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaawo
de: enmity, hostility
lx: cadaawo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: cadaawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaaco
(Illaaca-da)
Il; dhabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaaco
m.dh Waxyeello la aaminsan yahay inay ka timid il dad; dhabato; il.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaaco
m.dh Waxyeello la aaminsan yahay inay ka timid il dad; dhabato; il.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaaco
f. n. curse, evil eye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illaaco
-illaacada: (v) malice (malas); ill will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaaco
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama waxyeello la aaminsan yahay in ay cawryo sababtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaaco
de: curse, evil eye (especially of a helpless person held to have some special power)
lx: illaaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: illaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Xoolo maalin walba biyo cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaabo
v. drink water every day (of livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabo
(fal) maalin walba biyo ku noqo; maalin walba biyaha cab. Dh: durduuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladaabo
bw: durduuro
de: drink water every day (of livestock)
lx: ladaabo
nt: ladaabad (ka) [vn-m], ladaabasho (/da) [vn-f]
pd: (ladaabtay)
ps: v3b=
key: ladaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacdo
(Illaacda-da)
Qurux; ilwaad; ilqabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaacdo
f. n. (adj.): beauty; attractive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaacdo
-da: (magac, dhedig, keli) bilic ama muuqaal isha u roon. Dh: qurux. Li: foolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaacdo
cf: ilqabato, ilwaad, qurux
de: beauty; [atr.] attractive
lx: illaacdo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: illaacdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilka'adag
(Ilka'adag-to)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilka-adag
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilka-adag
f. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacarro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ilkaha ku dhaca oon xanuun lahayn, hayeeshee ilkaha qotinnada u saara oo daadiiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaacayn
(Illaacayn-ta)
Cunid; ilayn; dhabataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacayn
m.f.dh eeg illaacee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-aayo
m.dh.u la-mid: ilma-habreed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkadhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ilkacaanoodku marka ay carruurta ka daadanayaan. Dh: ilkaridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacayso
f.g3 (-stay/-saday, -satay) Cid il wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmaqabato
m.dh.kh Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmaqabato
m.dh.kh Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmaqabato
f. n. microscopic object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmaqabato
-ilmaqabatada: (n) microscopical object ~ ilma-aragto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmaqabato
de: microscopic object Lit: eye cannot get
lx: ilmaqabato
pd: (/da)
ps: n-f
key: ilmaqabato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclayn
-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaanood
-ka: (magacwadareed) ilkaha u horeeya ee carruurta u soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkacaddayn
m.f.dh eeg ilkacaddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilkacaddayn
-ta: (n) the act of grinning or smiling ~ dhoollo-cadayn -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qosol yar oo dhoolasha uun la caddeeyo. Dh: dhoollacaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraandacawo
-da: (magac, dhedig, keli) godka dacawadu gasho. Booraandacawo bowdo lafeed lagama waayo. Dh: boholdawaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama qalab, kharribmid oo xumaasho. Dh: caddilmid.