ereyga

ilhadhuudh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilhadhuudh

DHAN

-a: (magac, dhedig, keli) halka ay firidu sabuulka kaga xidhantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hadhuudh

DHAFAN

m. n., [collective] maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hadhuudh

DHAFAN

-ka: (n) sorghum (soorgem); grain (gareeyn)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhuudh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid aht badar beeraha ka baxa oo la cuno oo Soomaalidu beerato. Dh: garaw, masaggo, messeggo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hadhuudh

DHAFAN
1

a: haruur {N}

2

de: maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)

3

lx: hadhuudh

4

pd: (-ka)

5

ps: n0-m-col

6

key: hadhuudh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday oo fud iyo faarna aan weli noqon. Dh: karuur. Li: dhay, lis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhuudh

DHAFANDHAAF

(tilmame) dareen dhadhan xun ah oo dhanaan la jiriricoodo oo jirku diido.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Indhadhuuri

DHAFANDHAAF
1

(Indhadhuuri-ga)

2

Indhaxanuun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

indhadhuuri

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] pain in the eyes

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

indhadhuuri

DHAFANDHAAF
1

de: pain in the eyes

2

lx: indhadhuuri

3

pd: (-ga)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: indhadhuuri

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kamandhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi kadalloob ah oo aan si fiican loo fadhiisan. Si kamandhuudh ah baad u fadhidaa ee si fiican u fadhiiso. Dh: kambadhuudh, kambaruur.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi si ciriiryoon loo fadhiisto; kambaruur.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhuub

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) gorof geedaha badhkood laga qoro oo caanaha lagu listo; weel caanaha lagu maalo. Dh: bire, gorof, gaawe, doobi, bidhe, haruub.

2

hadhuub -ka: (magac, keli) haan iyo wixii la mid ah, weelka afkooda lagu aabudho ama lagu daboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

laadhuu

DHAFANDHAAF

-da: (n) dice (dhaays)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laadhuu

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) ciyaar lagu dheelo laf yar oo siddeed gees ah oo dhinacyadeeda siman ay mid walba tiro dhibco ahi ku taal. Dh: laandhuu.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilfashuuq

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) wax aragga iyo dareenkaba u xun. Dh: ilfashaq.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khadhaadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhadhan la kahdo oo aan macaaneyn. Dh: xaraar, qaraar, kharaar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhuudhle

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) meelaha lagu. iibiyo hadhuudhka. Hooyo waxay tegtey suuqa hadhuudhlaha.

2

hadhuudhle-ha: (magac, lab, keli) dadka ka ganacsada hadhuudhka; safar hadhuudhdoon ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sangadhuudhi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof madow oo san ballaadhan iyo timo adag leh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadhuudhsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) kambaruursi; kambaruursasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadhuudhso

DHAFANDHAAF

(fal) fadhi ciriiryoon fadhiiso oo kambaruurso.

waa la naqliyay ✓