ilhaamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe). m.f.dh, ilhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamin
m.f.dh eeg ilhaami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilhaan
ilhaan¹: m.dh (dii.) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga yimid.
ilhaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga imaansho. m.f.dh, ilhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaamid
m.f.dh eeg bidhaan². la-mid: bidhaan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan muuqata yeelad. Dh: iftiimid, bildhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaamid
(Dillaamid-da)
Wax weyn oo culus ama badan, iyagoo isku duuban xoog doc ugu dhicid, ama ugu leexasho: aguugid; (ama dullaamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamid
m.f.dh eeg dillaan². la-mid: dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciirid oo dhan u aguugid. Dh: dullaamid. dillaamo-da: (magac, dhedig, keli) dhan oo loo ciiro kolka culays badan la sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaamid
m.dh la-mid: halmaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaamid
-da: (n) forgetting (feer-get-ting) ~ halmaamid, helmaamid, ilaawid, hilmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusan waa; ilaawid; illoowid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fiicnaan; kala roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqaamid
(Xilqaamid-da)
(is xilqaamid) xil isa-saarid; hawl u kicid, isu dirid, ku dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqaamid
m.f.dh eeg xilqan². la-mid: xilqaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dan guud iskaa isku dirid oo isku xilsaarid. Hawshu is xilqaamid bay ku wanaagsan tahay. Dh: is dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilhaam
name-f inspiration, intuition
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama hal-abuurnimo aan cid laga baran yeelasho. Gabaygu waa ilhaamiyo sed uu Guulle bixiyaaye. Dh: hibo, deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaaxid
(Ilxaaxid-da)
(aragga) indhaha ka badasho, wareerin; indhawirqid; in- dhasarcaadid; indhaddaraandarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaaxid
m.f.dh eeg ilxaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabmid
m.dh la-mid: bilaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqtamid
m.dh la-mid: cilaaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan dhab ahayn ku kaftamid. Dh: kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaamid
m.f.dh eeg liishaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaamid
-da: (magac, dhedig, keli) nishaabid oo yoolka la dhooganayo fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabmid
m.f.dh eeg nishaaban¹. la-mid: niishaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufays daldaloollo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabmid
m.f.dh eeg bilaaban. la-mid: billaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax bilawday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq iyo muran ah oo badan, ku hadlid. Dh: cilaaqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diihaalid
m.f.dh eeg diihaal². la-mid: daahiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacid
m.f.dh eeg dillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexmid iyo kala qarradhid. Dh: jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalid
m.dh la-mid: dallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad wax kala iibsanaya ka shaqaysashada wax loo kala iibiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamid
m.dh la-mid: dillaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid oo u wiliilsamid. Dh: ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaamid
m.f.dh eeg halmaan². la-mid: halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halmaamid
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) illaabid ama xusuusasho la'aan. Dh: hilmaamid, illaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helmaamid
vl. n. forgetfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helmaamid
-da: (n) forgetting (feer-get-ting) ~ halmaamid, hilmaamid, ilaawid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg halmaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helmaamid
de: forgetfulness
lx: helmaamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: helmaamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaabid
m.dh la-mid: hullaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hillaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaacid
(Hillaacid-da)
Iftiin xoog badan daruuraha da'a haya dhexdooda ka muuqasho, kolka jacdu qarxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaacid
m.f.dh eeg hillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) muuqashada iftiin xoog badan oo daruuraha da'aya dhexdooda ka baxa kolkay isku dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaamid
m.dh la-mid: imtixaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabid
(Jillaabid-da)
Kalluun dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabid
m.f.dh eeg jillaab². la-mid: jillaab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun iyo wax la mid ah soo qabasho adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadid
m.dh la-mid: jallaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaafid
m.dh la-mid: jallaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladmid
m.dh la-mid: jalladmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaamid
(Miisaamid-da)
Wax miisaankiisa ogaansho; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaamid
m.f.dh eeg miisaan². la-mid: miisaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid oo inta culayskiisu yahay eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalmid
m.f.dh eeg milaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax miraqamay oo intuu jaad qayilay fudfudayd iyo degga naan la'aan ku jira ahaansho. Dh: mirqaamis murqaamid, fayaamid.