ilguluclay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilguluclay
(fal) indhaha kolba dhan u rogrog. Dh: ilmidhiqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilguluclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha kolba dhinac u rogrogid. Dh: ilmidhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclay
(fal) hurdo gam'i waa oo indhaha midhiqmidhiq ka sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilguluclee
(fal) eeg ilguluclay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclayn
-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleyn
m.f.dh eeg ilgalaaclee. la-mid: ilbalacleyn, ilbalacleys, ilgalacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleys
m.l la-mid: ilgalacleyn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gulucle
Nooc ka mid ah baanadaha ee leh caynduub iyo gacanqabsi deri leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkulul
ilkulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
ilkulul²: m.l/dh (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkulul
-ka: (magac, lab, keli) biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululayso. Sidaa darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha kolka qaraxa folkaanuhu istaago.
ilkulul -ka: (magac, lab, keli) mid il laga cabsado leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacle
m.l (-layaal, m.l/dh) Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. la-mid: ilbalacle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgalacle
m.l (-layaal, m.l/dh) Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. la-mid: ilbalacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ililiglay
(fal) farxad darteed, dhawaaq oo mashxarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Indhaha oo la kala hayo hadba meel eegid. la-mid: ilbaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgalaclee
v. move the eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclee
(fal) eeg ilgalaclay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgalaclee
de: move the eyes here and there
lx: ilgalaclee
pd: (ilgalacleeyey)
ps: v2b=intr
key: ilgalaclee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bululuclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleyn
m.dh la-mid: ilgalacleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleys
m.l la-mid: ilgalacleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlay
(fal) dareere, kolba dhinac u shuban oo balbalgan.