ilgiirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgiirid
m.dh 1. Daymo kulul oo wax lagu eego. 2. eeg ilgiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgiirid
-da: (magac, dhedig, keli) huruuf iyo gooddi muujin; si nacaybshe ku jiro wax u eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirid
(Giirid-da)
Giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirid
m.f.dh eeg giir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirid
-da: (magac, dhedig, keli) giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilgiir
(Ilgiir-ta)
Aan hadli karin; aan wax iska celina hayne isha uun ka mirigsiina haya; ilmirigle; ilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgiir
ilgiir¹: m.l Qof daymo kulul.
ilgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof daymo kulul ku eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgiir
ilgiir¹: m.l Qof daymo kulul.
ilgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof daymo kulul ku eegid. m.f.dh, ilgiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgiir
f. n., idiom: timid ~ shy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgiir
-ka: (magac, lab, keli) indhaha dagaal ka muujin. Dh: huruuf, gooddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgiir
de: timid ~ shy person Lit: colored eye
lx: ilgiir
pd: (-ta)
ps: n-f-idiom
key: ilgiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iltirid
(Iltirid-da)
Il bannaan u diidid; wada shakarid; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltirid
m.f.dh eeg iltir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Iltirid
Buuxin, simid, dhammaysstirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilgiiran
(adj) red-eyed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiirid
m.f.dh eeg giirgiir². la-mid: giirgiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigid
m.dh la-mid: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado u seexad. Dh: dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falliirid
m.f.dh eeg falliir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg falliidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gilgilmid
m.f.dh eeg gilgilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirid
m.f.dh eeg kuldiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiirid
m.f.dh eeg simbiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simbiirid
-da: (magac, dhedig, keli) si dadban; si leexsan. Dh: simbiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirid
(Biirid-da)
Inyar inyar u soo kordhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirid
m.f.dh eeg biir³. la-mid: biiris².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biirid
Accumulo
Accrual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsamid. Kut biiridda mucaaradku xukuumadda waa bilow cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirid
(Ciirid-da)
Sii baabbi'id, sii dhicid, hoos aadid, ciilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirid
m.f.dh eeg ciir³. la-mid: ciir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirid
-da: (magac, dhedig, keli) culays daraaddii, dhinac u liicid ama u dullaamid. Dh: liicid, dheelliyid, ciiris.
ciirid -da: (magac, dhedig, keli) buuxdhaafitaan; tirabadi awgeed oo meel la kala joogsado la waayo. Dh: buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirid
m.f.dh eeg diir³. la-mid: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirid
m.f.dh eeg dįir³. la-mid: dįiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirid
Derivation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qashirid; gal saaran ka dul qaadid. Dh: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirid
m.f.dh eeg fiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirid
-da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigid
m.f.dh eeg giig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka giigid; ka hadhid kolkii la kari waayay dabadeed; ka caagid; ka maagid; ka joogsasho baqdini ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giisid
m.f.dh eeg giis². la-mid: giis¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giisid
-da: (magac, dhedig, keli) giis tiring; heesid; guluulucid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiirid
Filteration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirid
(Jiirid-da)
Wax badan oo cumur ah, xoog ku dhexmarid, jibaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirid
m.f.dh eeg jiir².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
jiirid
charging
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiirid
vl. n. pushing, bumping, jolting; clashing; running over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax meel yaallay, xoog ugu dhicid oo dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiirid
de: pushing, bumping, jolting; clashing; running over
lx: jiirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jiirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Librid
(Librid-da)
Libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
librid
m.dh la-mid: libdhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
librid
(magac, dhedig, keli) eeg libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicid
(Liicid-da)
Doc u dheelliyid; dhicid ku dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicid
m.f.dh eeg liic. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheelliyid oo janjeedhsad. Dh: liicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidid
(Liidid-da)
Wax liid ah ka dhigid; tixgelin la'aan; quursasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidid
m.f.dh eeg liid².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidid
-da: (n) humiliation (hiyumili-yeey-shin); degradation (dig ra-dheeyshin); contempt (kontemt) disparagement (dispaarej-ment); humility (hiyuumiliti) ~ liidniin-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax liid ah ka dhigid tixgelin la'aan iyo quudhsasho; waa rumaysnaanta in dad ay dadnimo ahaan kaa derejo hooseeyaan. Dh: yasid, liidis, quudhsasho, quudhsi, xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifid
(Liifid-da)
Liif cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifid
m.f.dh eeg liif². la-mid: luufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig, dun ama wax la mid ah, furfurid oo liifaf u kala saarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liigid
-da: (magac, dhedig, keli) weel dareere ku jiro oo xidhan oo haddana wax ka socdaan oo wixii ku jiray wax ka sii deynaya. Dh: liigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirid
(Miirid-da)
1. Miir ka dhigid; firo iyo saxarro iyo ciid iyo wixii la mid ah, ka reebid.
2. (kala-miirid) Kala soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirid
miirid¹: m.f.dh eeg miir³. la-mid: miir¹ (3), miiris.
miirid²: m.dh (kiimika) Dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miirid
m.dh (kiim.) Dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Miirid
Distillazione
Distillation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan wax kale oo uu ku jiro ka dhex xulid oo ka naqaysi. Dh: soocid, xulid, madhid, miidhis.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegad xaqdarro ah. Dh: dulmid, xadgudbid.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) dareere wax kale ku dhex jira si farsamo ah uga shubid. Miiridda subagga biyaha laga miiraa way dhib badan tahay. Dh: shaandhayn, miiris.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirid
(Riirid-da)
1. Afka ka jarriimid; af sinsiman u yeelid.
2. Cayilid; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riirid
m.f.dh eeg riir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirid
-da: (magac, dhedig, keli) simid oo maro la tolayo haylaaqyada dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjigooda isku sigibtirid; riiris ku samayn.
riirid -da: (magac, dhedig, keli) naaxid oo wax shilis noqosho. Riirid buu ratigani la socon la yahay. Dh: cayilid, naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirid
m.f.dh eeg tiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirid
(Xiirid-da)
Timo mandiil ku jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirid
m.f.dh eeg xiir. la-mid: xiirniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirid
-da: (magac, dhedig, keli) jarid oo timo googoyn. Dh: xiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iliilad
Underfit river
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniifid
(Iniifid-da)
(ku iniifid) aan laga dheerayn, lagana gaabin ee qarka qarka loo saaray; le'ekeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkirid
(Inkirid-da)
Wixii laysu sheegana hayo qirashadooda diidid; asaraarid; dafirid; ogaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkirid
m.f.dh eeg inkir². la-mid: inkir¹ (2), inkiraad, inkirmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la ogyahay. dafirid oo diidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgurid
(Isgurid-da)
(tiro, ...) midba midka kale dib u riixid, meeshii ka qaadid, wax u dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgurid
vl. n. reduction, depreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgurid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro muddo soo yaraata oo soo dhammaata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgurid
de: reduction, depreciation
lx: isgurid
pd: (-da)
ps: vn2a-m
key: isgurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiirid
(Shiirid-da)
Shiir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiirid
m.f.dh eeg shiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiirid
-da: (magac, dhedig, keli) shiir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiirid
m.f.dh eeg catiir². la-mid: catiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiirid
(Faqiirid-da)
Faqiir noqosho; (ama faqriyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirid
m.f.dh eeg faqiir². la-mid: faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xoolayar noqosho ama hantibeelid. Dh: saboolid, fiqiirid, caydhoobid. Li: taajirid, qaniyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) mid fiqiir ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirid
(Gariirid-da)
Qarqaryo ama cabsi ama wax kale la ruxasho, la jarcayn, la qarqarid.