ilgeeriyaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgeeriyaad
m.l Xaalad dhimasho muujinay-sa oo qof sakaraadaya ka muuqato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgeeriyaad
m.l Xaalad dhimasho muujinaysa oo qof sakaraadaya ka muuqato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgeeriyaad
m. n., [abstract] state of being at the point of death, moribund
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgeeriyaad
-ka: (magac, lab, keli) muujinta calaamadaha geerida, tamarla'aan aawadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgeeriyaad
de: state of being at the point of death, moribund
lx: ilgeeriyaad
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: ilgeeriyaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeriyaad
(tilmaame) meel ban ah oo cid joogtaa jirin. Dh: giriyaad, cidla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangeeriyaad
m.l (-dyo, m.dh) Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bangeeriyaad
m.l (-dyo, m.dh) Shuban ka yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeriyaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir Eeriyaal
Aerial wave
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesiyad
m.dh (-do, m.l) Haweeney dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesiyad
f. n. heroine, courageous woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesiyad
-da: (n) a courageous woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesiyad
de: heroine, courageous woman
lx: geesiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: geesiyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Aljeeriya
pr. n., loc. Algeria
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Aljeeriya
a: Jasaa'ir
de: Algeria
lx: Aljeeriya
pd: (Aljeriya)
ps: n0-loc-f
key: Aljeeriya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeriyood
m.f.l eeg geeriyoo. la-mid: geer-yoomid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeriyood
m.f.l eeg geeriyoo. la-mid: geeryoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeriyood
inch. v. die
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeriyood
-ay I geeriyootay: (v) pass away; die (dhaay). Ex: shalay buu geeriyooday; he passed away yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeriyood
-ka: (magac, lab, keli) bixitaanka naf noole iyo dhimashadiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeriyood
a: geeryood ~ geeryow
de: die
lx: geeriyood
pd: (geeriyooday / geeriyootay)
ps: v3a=inch
key: geeriyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesariyaad
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo leh midho sida geesaha riyaha u dhuudhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesarriyaad
m.l la-mid: geesarriyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg maageerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabberiyaad
n. phr., genetive: around dawn; of the morning
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabberiyaad
de: around dawn; of the morning Alt sp: waaberiyaad
initial: w
lx: waabberiyaad
ps: np-gen
key: waabberiyaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaad
-ka: (magac, lab, keli) dhagaax yaryar oo badda laga soo guro wax na lagu qurxiyo. Dh: aleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerqaad
beerqaad¹: m.l la-mid: beerqaadid.
beerqaad²: f.g1 (-day, -dday) Wax si aad ah uga helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerqaad
f.g1 (-day, -dday) Wax si aad ah uga helid. m.f.dh, beerqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaad
(fal) aad u dhaxmoo oo qadhqadh awgii wada gariir. Beerqaadnay oo jirbaa, nagu helay bannaane, buul dugsoon nageeyoo cuntana, noo baadhbaadh taga e'.
beerqaad -ka: (magac, lab, keli) qabaw daran oo la qadhqadho. Beerqaadka waxa iigu wacan, ban cidluu roob igu soo halaye. Dh: qadhqadhyo, qadhqadh, dhaxan, dhardad.
beerqaad -ka: (magac, lab, keli) wax jacaylkiisu aad kuu saameeyo oo ku laabqaada. Beergaadka jacaylka, saw bestay ma noqon Barniyeey. Dh: Laabqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berriyad
-da: (magac, dhedig, keli) dabayl xagga berriga ka timaadda oo xagga badda u dhacda ama u kacada, oo hanfi wadata. Berriyad kulul baa nagu dhufatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeryaan
ceeryaan¹: m.dh Dhado iyo ciiro isku jira. la-mid: ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan.
ceeryaan²: m.dh (fiisikis) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeryaan
ceeryaan¹: m.dh Dhado iyo ciiro isku jira. la-mid: ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan.
ceeryaan²: m.dh (fiisikis) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceeryaan
Mist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeryaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fad fudud oo taagagga dhulka ku dahaadhma oo sii daaya dhibco yaryar oo biyo ah. Dh: ceeryaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeraad
(Dheeraad-ka)
1. Waxa tiro, ama qiyaas kale, oo la og yahay intay tahay, soo raaca oo wehesha ama ka soo hara.
2. (dad, alaabo,...) loo haysto in hadhow, kolka loo baahdo lagu adeegto ama wax lagu qabsado, wixii xumaaday ama jabay, beddelkood ahaan; dheeri; buro; siyaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. la-mid: dheeri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dheeraad
Redundant
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeraad
m. n. (adj.): surplus, remainder; excess; appendix, addition; extra, extensive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheeraad
-ka: (n) surplus (serpalas); extra (ikistara); supernumerary; addition (adhi-shin)-, excess ~ saa'id, buro, siyaado
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dheeraad
Addizionale; extra
Additional; extra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraad
-ka: (magac, lab, keli) mid meel fog jooga noqosho.
dheeraad -ka: (magac, lab, keli) wax dheer noqosho.
dheeraad: (tilmaame) wax ka siyaadsan intii la ogaa ama la rabay. Soddon saniyo dheeraad, intaa waa ku sugayoo, nafta kugu sasabayee. Dh: dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeraad
de: surplus, remainder; excess; appendix, addition; [atr.] extra, extensive
lx: dheeraad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dheeraad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheeraad
مَزيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedqaad
geedqaad¹: m.l 1. Geeda ka jaridda meel beer ah wax kale laga dhigayo. 2. G. ah: beer hal mar la geedqaaday. 3. la-mid: geedqaadid. la-mid: oodqaad¹.
geedqaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Geed ka jarid (dhul). la-mid: oodqaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedqaad
geedqaad¹: m.l 1. Geeda ka jaridda meel beer ah wax kale laga dhigayo. 2. G. ah: beer hal mar la geedqaaday. 3. la-mid: oodqaad.
geedqaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Geed ka jarid (dhul). m.f.dh, geedqaadid. la-mid: oodqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedqaad
v. clear (an area) of trees, deforest, prepare land for farming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedqaad
de: clear (an area) of trees, deforest, prepare land for farming
lx: geedqaad
pd: (geedqaaday)
ps: v1=tr
key: geedqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelqaad
-ka: (magac, lab, keli) tab dadku geela ku kala qaadaan oo dhac iyo boob ku salaysan.
geelqaad -ka: (magac, lab, keli) qofka geel aanu lahayn xoog iyo boob ama tuugo ku qaata.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Geeri-da
mort.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeriyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax dhintay noqosho (nafley). la-mid: geeryoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeriyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax dhintay noqosho (nafley). la-mid: geeryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeriyoo
(fal) naftu haa kaa baxdo; nafta waa. Dh: dhimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeryood
(Geeryood-ka)
Dhimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeryood
vl. n. death, act of dying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeryood
de: death, act of dying Alt sp: geeriyood
lx: geeryood
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: geeryood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgiirid
m.dh 1. Daymo kulul oo wax lagu eego. 2. eeg ilgiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgiirid
-da: (magac, dhedig, keli) huruuf iyo gooddi muujin; si nacaybshe ku jiro wax u eegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhir ku abuuris. Beeritaan beereed buu ku maqanyahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAAD
(Ged-add) N Teucrium polium L. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooraad
m.l la-mid: ilqooreed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeniqaad
(fal) salaan oo sacabka gacanta midig u dhiib sacabkiis midig. Sidow jeeni-qaadaa waq baan jaaxid leenahay -e jaahaba miyaan siin karaa intaan guriga uu joogo. Dh: gacan-qaad, salaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefitaan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka wax ku leefniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexaysad
(Leexaysad-ka)
Leexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexaysad
m.l la-mid: leexaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexaysad
-ka: (magac, lab, keli) isku lulidda wax meel ka soo laadlaada sida siidhimiidhida. Dh: leexaysasho, leexaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraysad
-ka: (magac, lab, keli) meel keliya ku wareegasho oo ku meeraysasho. Meeraysadbaan ku dawakhay Dh: wareegalaysad meertaysad.
meeraysad-ka: (magac, lab, keli) socsocosho oo magaalada kolba dhinac u socod adoon meelna ku hakan. Meeraysadka badan waa lagu daalaa. Dh: socsocod, duurduurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeritaan
-ka: (magac, lab, keli) soohdin u yeelitaan; xeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) xeerid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan. Nin dhegala' yeeritaan ma maqlee taabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerrimaad
-da: (magac, dhedig, keli) colaad aad u fogaatay oo aan la is bixin.
heerrimaad -da: (magac, dhedig, keli) dad heerrimaadi dhextaal oo isku cadow ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
histeeriya
m.dh (daawo) Xaalad cudur maskaxeed oo astaamaheeda ugu waaweyn ay ka mid yihiin caadifad aan dagganeyn kalahadal, duufsasho u dabacsanaan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
histeeriya
m.dh (daaw.) Xaalad cudur maskaxeed oo astaamaheeda ugu waaweyn ay ka mid yihiin caadifad aan dagganeyn kalahadal, duufsasho u dabacsanaan iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildheeraan
m.f.dh eeg ildheer. la-mid: ildheeraansho, ildheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) aqoon dheer lahaan; qof oo meel fog wax ka arka ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intee baad
how much you.... inteebuu: how much he...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subeeciyad
(Subeeciyad-da)
MaryO xariir ah oo midabyo badan oo faraq iyo xiddo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeeciyad
m.dh Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. la-mid: subeeci.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subeeciyad
m.dh Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. la-mid: subeeci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeeciyad
-da: (magac, dhedig, keli) maryo xariir ah oo midabyo badan oo faraq iyo xiddo loo yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayariyaad
-da: (magac, dhedig, keli) xaydha riyaha. Dh: xaydhriyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) qarsoodi iyo gabbasho li'i wax u samayn. Dh: badheedhitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imberiyaali
m. n., [abstract] imperialism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imberiyaali
de: imperialism {Eng}
lx: imberiyaali
pd: (-ga)
ps: n2a-m-abs
key: imberiyaali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbeerbaadh
m. n. spare part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeerbaadh
-ka: (n) spare part ~ isbeerbaarti-ga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbeerbaadh
de: spare part {N < Eng}
lx: isbeerbaadh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: isbeerbaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) wareer qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayrariyaad
-da: (magac, dhedig, keli) caad khafiif ah oo cirku yeesho. Cirku xayrariyaad buu leeyahay. Dh: xaydhariyaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuq Eeriyaal
Aerial noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabalyeeriyad
-da: (n) waitress (weeytras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labageeriyood
-ka: (magac, lab, keli) silic oo labo goor dhimasho.