ilgalacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacle
m.l (-layaal, m.l/dh) Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. la-mid: ilbalacle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ilgalaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Indhaha oo la kala hayo hadba meel eegid. la-mid: ilbaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgalaclee
v. move the eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclee
(fal) eeg ilgalaclay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgalaclee
de: move the eyes here and there
lx: ilgalaclee
pd: (ilgalacleeyey)
ps: v2b=intr
key: ilgalaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacle
m.l la-mid: ilgalacle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleyn
m.f.dh eeg ilgalaaclee. la-mid: ilbalacleyn, ilbalacleys, ilgalacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleys
m.l la-mid: ilgalacleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: ilgalaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclay
(fal) hurdo gam'i waa oo indhaha midhiqmidhiq ka sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleyn
m.dh la-mid: ilgalacleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleys
m.l la-mid: ilgalacleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclayn
-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilguluclee
(fal) eeg ilguluclay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inégalable
inégalable, adj. - aan is la'ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilgaal
(Ilgaal-ka)
Geedsaar miro kulkulucsan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgaal
m.l 1. (botani) Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. (botani) Miraha ilgaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgaal
m.l 1. Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. Miraha ilgaalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgaal
m. n., [collective] climbing plant species, with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgaal
-ka: (magac, lab, keli) geedsaar midho kulkulucsan leh oo isku cufan. Dh: ilgeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgaal
de: climbing plant sp., with edible fruit
lx: ilgaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: ilgaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafacle
-ha: (magac, lab, keli) roob dhibic yar oo aan hore u qaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaclee
v. look around with craving; direct one's eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclee
(fal) dhijaan ama biyo kale oo fadhiya, walaclee oo buux dartii dabayshu ha ku balfiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaclee
de: look around with craving; direct one's eyes here and there
lx: galaclee
pd: (galacleeyey)
ps: v2b=intr
key: galaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Ilay; cunid; dhabataysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaacee
v. curse, cast the evil eye upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illaacee
-yey / illaaceysay: (v) give one the evil eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaacee
de: curse, cast the evil eye upon
lx: illaacee
pd: (illaaceeyey)
ps: v2b=tr
key: illaacee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaamacne
-ha: (magac, lab, keli) wax aan waxtar lahayn. Bilaamacne nagu daaliseen iyo waxaan wax ba ka soo naasacaddayn. Dh: macnalaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclee
(fal) eeg halalaclay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalafle
m.l Goosashada neef waddo ku socda siiba geela, uu geedaha jidka-dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto. la-mid: haljafle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haljalafle
-ha: (magac, lab, keli) goosashada neef waddo socda siiba geela, uu geedaha dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto ee laaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilguluclay
(fal) indhaha kolba dhan u rogrog. Dh: ilmidhiqlee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
impalpable
impalpable, adj. - aad khafiif u ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ingagnable
ingagnable, adj. - aan lagu guulaysan karin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
invaluable
/invaalyabal/ (adj) wax aan qiimo lahayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
invaluable
a., iib ma laha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidgacanle
Xiddigaha cirir mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidgacanle
m.l 1. Xiddigaha mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka shan iyo labaatanaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgacanle
-ha: (magac, lab, keli) xidigaha cirirka mid ka mid ah. Jid-gacanle si sahlan laguma arko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walalaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Roob hillaac bixin. la-mid: walaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walalaclee
v. twinkle, sparkle, glisten
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walalaclee
de: twinkle, sparkle, glisten
initial: w
lx: walalaclee
pd: (walalacleeyey)
ps: v2b=intr
key: walalaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaale
-ha: (magac, lab, keli) qof dhallinyar oo aan waaya'aragnimo lahayn, haddana isla wayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaal
(Galaa-sha)
1. Budo cad oo laga sameeyo dhagxan gaar ah ama geedaha qaarkood oo la dubo, oo wax lagu caddeeyo; xaraar; bood; danbas.
2. (xoolo: ido) madaxa ama qaarkiisa oo cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaal
galaal¹: m.dh 1. Diillin cad oo madaxa idaha bartanka kaga tal. 2. Dambas, nuurad iyo wixi lamida oo qof la fooray wejiga laga mariyo.
galaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Qof laga badiyey turub wajiga dambas, nuurad iyo wixi lamida ka marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaal
f. n. whitewash, white powder; white stripe on the forehead of livestock
galaal v. whitewash
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galaal
nickname; name-m whitewash, bald
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaal
-ay / galaashay: (v) 1. [games] make a white stripe on loser's face. 2. white mark on animal's head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Galaal
magac loo baxsho wiil calaamad cad jidhka ku leh siiba madaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaal
(fal) dhakada u caddee; madaxa wax cad u mari. Gabadha soo gashay burcad ugu galaal.
galaal -sha: (magac, dhedig, keli) madax madow bar ku taalla oo cad; dhaka caddaansho. Wanku galaal buu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid. m.f.dh, ilaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaali
v. guard, watch over, protect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaali
-yey / say: (v) take care of; keep an eye; safeguard (seeyf-gaadh) watch (waaj); guard (gaadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaali
(fal) cid kale, ammaankiisa sug.
ilaali: (fal) cid kale, dhaqdhaqaaqooga la soco; raac oo dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaali
de: guard, watch over, protect
lx: ilaali
pd: (ilaaliyey)
ps: v2a=
xe: Could you watch my luggage for me?
xv: Alaabteyda miyaad ii ilaalin kartaa?
key: ilaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalo
(Ilaala-da)
1. Ciidanka taliska col kamid ah oo nabadda gudaha ilaaliya.
2. Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalo
f. n. policeman; patrol, spy sent out by war-party
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalo
-ilaalada: (n) 1. special police force that usually patrols in the countryside. 2. spying operation send to war party ~ sahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalo
-da: (magacwadareed) koox millateri ama wax kale ah oo loo diro in ay cadawga war ka keenaan ama in uu jidku nabad yahay soo hubiyaan.
ilaalo-da: (magac, dhedig, keli) ka warhaynta wax ammaankiisa loo cabsoonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalo
cf: ilaal
de: policeman; patrol, spy sent out by war-party
lx: ilaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaac
-a: (magac, lab, keli) hunguri xumaansho uu qofku eego waxa dadka kale haysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laalac
(Laalac-a)
Meel kore oo inta gacnaha lagu qabsado laysa soo laallaadsho; lulad; lalmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalac
laalac¹: m.l Lalmashada wax meel sare ka lalmadaan.
laalac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax meel sare ka lalmasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laalac
f.mg1 (-cay, -cday) Wax meel sare ka lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalac
vl. n. act of swinging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalac
-a: (magac, lab, keli) meel kore oo inta gacmaha lagu qabsado la iska soo laadlaadiyo. Laalaca dhirta iska ilaali waa lagu jabaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalac
de: act of swinging
lx: laalac
pd: (-a)
ps: vn2a-m
key: laalac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafale
m. n. object {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafale
bw: fal
de: object {grammar}
lx: lafale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: layeele
key: lafale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lafale
ظرف
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
palace
/paalis/ (n) qasri (guriga boqortooyada).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palace
palace, n.m. - hoteel aad u sharaf badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allaale
Kasta; walba; alla; (sida qof allaale qofkii...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allaale
s. la-mid: alla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
allaale
s. Kasta, walba. Mar allaale markii: mar kasta. la-mid: alla.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Allaale
name-m belonging to Allah. Cf: Rabbiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaale
magac loo bixiyo wiil aabbihii dhintay markuu dhashay xoolana looga tegin ama fooshii hooyadii ku le'an gaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaale
eray magacyada kaga dabakarma gadaal oo ay ulajeeddadiisu tahay: kasta. Wax allaale wixii aad doonto i weyddii. Dh: kaste, walba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasle
-ha: (magac, lab, keli) socod ama orod gaaban oo baadidoon ah oo kolba meel balaslaynayso. Shan casho ayuu balasle ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaale
-ha: (magac, lab, keli) koob shaaha lagu shubto, lagu cabbo oo dheg la qabsado leh, ka samaysan dhoobo. Bilaale shaaha ii keen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cigalle
name-m acquires; take sides, substitute, substitution, alternative. Cf: Cige, Cubtan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cigalle
ama Cige, magac loo baxsho wiil dhashay dhib weyn oo dhacday ka dib sida walaalkiisii ka weynaa oo dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigalle
-ha: (magac, lab, keli) erey loogu jawaabo qofka 'ii cug' yidhaa kolka la googaalaysanayo oo macnihiisu yahay 'ii bed'. Ii cug caliyoow cigalle canabeey. Dh: cigalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalagle
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin beerrey ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalagle
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin beerrey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalagle
-ha: (magac, lab, keli) qof dalag ama hawl haysta. Dalagle lama baashaaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaacle
(Dhaacla-ha)
1. Xarig si gaar ah oo qurux badan loo rudco.
2. Xarigga jaadkaas ah oo gabdhaha aan weli la guursani dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaacle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. la-mid: dhaalce, dhacle.