ilfuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilfuur
(Ilfuur-ta)
Wax qarsoodi lagu samayn lahaa, wax kuu diida, oo had iyo goor ku kor taagan oo isha kugu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilfuur
m.l/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilfuur
m. n., [compound] spoil-sport, person who spoils others' work ~ conversation
ilfuur [feminine] n., [compound] swollen eyes; glaucoma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilfuur
-ka: (n) one who stares or disturbs people's private meeting or conversations; spoiler (ispooy-ler)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilfuur
-ka: (magac, lab, keli) qof il xaasidnimo qof kale ku haya oo ficilladiisa la socda. Dh: basaas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilbuur
nickname-m the one with the protruding eye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilfuurnimo
m.dh Ilfuur ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilfuur_1
de: spoil-sport, person who spoils others' work ~ conversation (e.g., by staring intently and making people nervous, or by butting in when others are talking)
hm: 1
lx: ilfuur
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f-cmp
key: ilfuur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilfuur_2
de: swollen eyes; glaucoma
hm: 2
lx: ilfuur
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: ilfuur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuur
(Fuur-ka)
1. Dibbiridda iyo soo buurashada waxa dhinta.
2. Waxa ciir ama dhanaanno lagu daro, oo soo buurta ama kara ama soo fooca.
3. Wax duuban ama buuran oo dhulka hoostiisa ama biyaha hoostooda, sida likaha uga soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuur
fųur¹: m.l 1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.
fųur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuur
fųur¹: m.l 1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.
fųur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid. m.f.dh, fųurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuur
m. n. bloated corpse
fuur v. be blown up, inflated; swell; rise (of dough, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuur
-ay / tay: (v) become swollen or inflated; bloat (baloot)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuur
(fal) naqas calooshaada ha buuxi oo fooc.
fuur: (fal) wax mar hore naftii ka haadday noqo.
fuur-ka: (magac, lab, keli) dibbiraad iyo soo buurnaansho wax dhintay ama baqtiyey. Dh: fooc.
fuur -ka: (magac, lab, keli) meel wax lagu moofeeyo. Dh: moofo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isfur
v. divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isfur
-ka: (n) divorce (di voors) ~ isfuriin-ka, isfur -een: (v) divorce or break marriage bond
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfur
(fal) xadhig aad ku jirtay, naftaada ka sii daa.
isfur-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo is qabay. kala tagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isfur
de: divorce
lx: isfur
pd: (isfuray)
ps: v1=expr
see: fur
key: isfur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafuur
(Gafuur-ka)
Wejiga qaarkiisa hore oo soo yuuban oo nafleyda qaarkeed leedahay: waxaa ku yaal afka, sanka; ...; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafuur
m.l (-rro, m.dh) Afka iyo sanka nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafuur
m.l (-rro, m.dh) Afka iyo sanka nafleyda. gafuurtaag¹: m.l Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda.
gafuurtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Kibir iyo isla weyni weji ka muujin. m.f.dh, gafuurtaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafuur
m. n. area around the mouth; (animal's) muzzle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafuur
-ka: (n) 1. snout (isnawt); animal's snout; muzzle (maz-zel); 2. [informal] human mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuur
-ka: (magac, lab, keli) labada fuq ee afka iyo hareerahooda. Dh: fuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafuur
de: area around the mouth; (animal's) muzzle
lx: gafuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gafuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduuf
(Ilduuf-ka)
Gefka isha; wixii la doona hayey waxaan ahayn, gef u yeelid, siiba cayaaraha (shax, turub, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid. m.f.dh, ilduufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduuf
m. n. miss, failure (especially in a game), mistake
ilduuf v. miss, fail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilduuf
-ka: (v) miss the right move; oversight (owvar-saayt); mistake (mis-teek); error (e-rar). especially in game playing.
ilduuf -ay / tay: (v) make oversight, mistake or error while playing a game
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ilduuf
Svista
Oversight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduuf
(fal) wax aad rabtay qaadashadiisa ama samayntiisa seeg oo si dhib yar ku waa. Ka cusub qaadaan is lahaaye, waan ilduufay.
ilduuf -ka: (magac, lab, keli) seegid wax aanad rabin inaad waydo oo aad gacanta ku haysay, si dhibyarna kuu hoos mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbuur
-ka: (magac, lab, keli) cid aanad ka aargoosan karin oo dhibaato joogto ah kugu haysa, cadho u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
binnuur
m.l (-rro, m.dh) Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. la-mid: binnuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
distuur
m.l (-rro, m.dh) (siyaasad) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
distuur
m.l (-rro, m.dh) (siyaa.) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
distuur
m. n. constitution {politics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
distuur
-ka: (n) constitution (kon-isti-tuuu-shin) ~ see also [eeg] dastuur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
distuur
a: distoor
bw: Arabic
de: constitution {politics}
lx: distuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: distuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ilduuf dhaxalsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduufi
v. cause to miss, fail ~ make a mistake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduufi
(fal) seeji oo dhaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduufi
de: cause to miss, fail ~ make a mistake
lx: ilduufi
pd: (ilduufiyey)
ps: v2a=
key: ilduufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgurux
m. n. eyeball
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgurux
de: eyeball
lx: ilgurux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ilgurux
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkulul
ilkulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
ilkulul²: m.l/dh (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkulul
-ka: (magac, lab, keli) biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululayso. Sidaa darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha kolka qaraxa folkaanuhu istaago.
ilkulul -ka: (magac, lab, keli) mid il laga cabsado leh ahaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
influer
influer, v. - fikrad ku beerid si wax loo duufsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
infuser
infuser, v. - ku dhex baabi'in; ku dhacaamid sida shaaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafuur
(Kaafuur-ka)
1. Geed Shiinada Koofure iyo meelahaas ka baxa; wuxuu lee yahay caleemo weligood cagaaran iyo ubax midabkiisu yahay caddaan waxyar oo cillaan ahi dheeho oo kaafuur udgoon laga soo saaro.
2. Dhacaan geedka kaafuurka laga soo saaro oo waxyaalo badan oo kala geddisan laga sameeyo siiba dawooyinka (waa dhacaan-xabageed aad iyo aad u udgoon, oo ololi og, oo cad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafuur
m.l 1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaafuur
m. n., [collective] camphor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafuur
-ka: (magac, lab, keli) geed carfi udgoon oo asalkiisu ka bixi jiray dalka Fiyadnaam imikase ku baahay waddamada aasiyada fog, dhererkiisu waxa uu gaadhaa illaa 50m waxa loo adeegsadaa daawaynta cudurro badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaafuur
de: camphor
lx: kaafuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: kaafuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolguur
-ka: (magac, lab, keli) sida qoraal meel ku yaal ka minguurin oo meel kale ku qorid. Dh: minguur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milyuun
num: million
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milyuun
-ka: (n) million (mil 'yan) ~ malyan; milyan; [1,000,000]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milyuun
-ka: (magac, lab, keli) tiro u dhiganta kun meelood oo min kun ah. Malyuun bay ahaayeen raggii kaa maqnaa shalay e. Dh: malyuun, milyan, 1,000,000.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milyuun
de: million
lx: milyuun
pd: (-ka)
ps: num-m
see: malyuun {Eng}
key: milyuun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minguur
v. run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minguur
-ka: (magac, lab, keli) wareejinta shey meel an meeshiisii ahayn loo raro ama sidiisii hore laga bedelo. Sheekada arraweelo waa minguur oo dadkii hore ayaa laga soo minguuriyay.
minguur-ka: (magac, lab, keli) raridda min faal loo raro min kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minguur
de: run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity Lit: move house
lx: minguur
pd: (minguuray)
ps: v1=idiom
key: minguur
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pilleur
pilleur, n.m. - qofka tuugga ah ama wax dhaca; budhcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salguur
salguur¹: m.l Ciribtirmidda wax ciribtirmaan.
salguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salguur
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirmid. m.f.dh, salguurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salguur
m. n., [compound] extinction, end
salguur v. come to an end, die out, pass away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salguur
(fal) dhammaad ama dabargo'. Ma salguuro caashaquye ani sidiq ma ii dhigay.
salguur -ka: (magac, lab, keli) baaba'a; dhammaad; suulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilafur
(Xilafur-ka)
1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq.
2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilafur
xilafur¹: m.l 1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq. 2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo.
xilafur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xilo ku dhaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilafur
m.l 1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq. 2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilafur
m. n., [compound] divorce, oath of divorce
xilafur v. divorce one's wife, swear the oath of divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xilafur
-ay: (v) swear that one is divorcing one's wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilafur
(fal) dalaaq ku dhawaaq; naagtaada fur. Dh: xiladaaq.
xilafur -ka: (magac, lab, keli) furidda uu ninku furo xaaskiisa. Dh: xiladalaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilofur
-ka: (magac, lab, keli) naag furid oo dalaaqdeeda siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilfashuuq
-a: (magac, lab, keli) wax aragga iyo dareenkaba u xun. Dh: ilfashaq.