ilduufin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufin
(Ilduufin-ta)
Gefsiin; ilduuf ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufin
m.f.dh eeg iduufi. la-mid: ilduufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduufin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ilduuf dhaxalsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduufi
v. cause to miss, fail ~ make a mistake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduufi
(fal) seeji oo dhaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduufi
de: cause to miss, fail ~ make a mistake
lx: ilduufi
pd: (ilduufiyey)
ps: v2a=
key: ilduufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufid
(Ilduufid-da)
Ilduuf ku kicid; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufid
m.f.dh eeg ilduuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufis
m.l la-mid: ilduufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ilduufay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduuf
(Ilduuf-ka)
Gefka isha; wixii la doona hayey waxaan ahayn, gef u yeelid, siiba cayaaraha (shax, turub, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid. m.f.dh, ilduufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduuf
m. n. miss, failure (especially in a game), mistake
ilduuf v. miss, fail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilduuf
-ka: (v) miss the right move; oversight (owvar-saayt); mistake (mis-teek); error (e-rar). especially in game playing.
ilduuf -ay / tay: (v) make oversight, mistake or error while playing a game
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ilduuf
Svista
Oversight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduuf
(fal) wax aad rabtay qaadashadiisa ama samayntiisa seeg oo si dhib yar ku waa. Ka cusub qaadaan is lahaaye, waan ilduufay.
ilduuf -ka: (magac, lab, keli) seegid wax aanad rabin inaad waydo oo aad gacanta ku haysay, si dhibyarna kuu hoos mara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduuf_1
de: miss, failure (especially in a game), mistake
hm: 1
lx: ilduuf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: gef
key: ilduuf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduuf_2
de: miss, fail
hm: 2
lx: ilduuf
pd: (ilduufay)
ps: v1=
key: ilduuf_2
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Il duufaan
Eye of the storm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufi
(fal) qof kale sankiisa ka bi'i dareeraha ku jira oo ka nadiifi. Dh: siimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufin
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufin
buufin¹: m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin²: m.f.dh eeg buufi. la-mid: buufis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufin
m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buufin
m. n. balloon, ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buufin
-ka: (n) 1. sprayer (ispareeyer) 2. balloon (baalluun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama naqas aad walax ka buuxisid. Buufinta banoonigu waa bilaash. Dh: buufis.
buufin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas sun ah cayayaan ku buufin. Buufinta ka hor weelasha daboola kana soo baxa guriga. Dh: buufis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Buufin
Bir is wadata oo leh qabaal dhuxushu ku shidanto iyo qotimo afar ah ee buufinku ku istaago. Buufin-bireedku wuxuu la manaaficaad yahay buufin Soomaaliga saanta ka samaysan ee dhuxusha lagu buufiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buufin
de: balloon, ball
lx: buufin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buufin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buufin
نفاحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulin
duulin: m.f.dh eeg duuli.
dųulin: m.f.dh eeg dųuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulin
-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir, diyaarad iyo wax la mid ah, hawada u dirid. Dh: haadin. Li: dejin, fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama summad dhegta hasha lagu dhigo oo in yar caarada laga saro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudin
(Luudin-ta)
Si tabar yar u socodsiin; aayar wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudin
m.f.dh eeg luudi². la-mid: luudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u wadid oo socodsiin. Saca luudin baan ku soo hooyay. Dh: tukubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufid
-da: (magac, dhedig, keli) luuf dheelid. luufluuf: (fal) hoog oo habqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luulin
m.f.dh eeg luuli².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luuqin
(Luuqin-ta)
Hees ama wax la mid ah, luuq u yeelid. ku qaadid; luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuqin
m.dh la-mid: luuqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hees ama wax la mid ah, luuq u yeelid; hees ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduujin
m.dh la-mid: baduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduujin
-ta: (magac, dhedig, keli) burburinta iyo jejebinta wax jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faduulin
(Faduulin-ta)
Ku aabyood; maagid; daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faduulin
m.f.dh eeg faduuli². la-mid: faduulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faduulin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ku aabyood.
faduulin -ta: (magac, dhedig, keli) gardarro iyo faragelin cid ula tegid. Dh: daandaansi, maagid, daandaansasho, faduulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudin
(Guduudin-ta)
Guduud ka dhigid; casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudin
m.f.dh eeg guduudi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbuufis
-ka: (magac, lab, keli) cudur maskaxda ku dhaca oo qofka tuhun iyo shaki ku abuura.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) si cad, cid kale isku tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnuuxin
(Isnuuxin-ta)
Is dhaqaajin yar; nuuxnuuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudin
m.f.dh eeg kaduudi. la-mid: kuduudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudin
m.dh la-mid: kaduudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuduudin
vl. n. making someone crouch ~ something curl (up), get squeezed ~ wrinkled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudin
-ta: (magac, dhedig, keli) midabka kuduudka ka dhigid. Dh: guduudin, casayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuduudin
de: making s.o. crouch ~ s.t. curl (up), get squeezed ~ wrinkled
lx: kuduudin
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: kaduudi
key: kuduudin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il dhuuban
n. phr. headlight beam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
il_dhuuban
de: headlight beam
lx: il dhuuban
ps: np
key: il_dhuuban
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bilirubin
(n) the orange or yellow substance in bile.
dacarta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluujin
-ta: (magac, dhedig, keli) si kala teelteel ah ama kala durdurugsan u tolid. Dh: halluugid, halluujis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Induction
Saaqan
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Induction
Nuugid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
induction
induction, n.f. - wax ku bilawda keli-keli kaddibna arrin guud noqota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbuturin
m.f.dh eeg isbuturi. la-mid: isbuturis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafin
m.f.dh eeg isdhaafi. la-mid: isdhaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutuxin
m.f.dh eeg ismutuxi. la-mid: ismu-tuxis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madallufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluumin
m.f.dh eeg madluumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluumin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax madluunsan ka dhigid. Wiilka madluuminta ka daa inta uu reerkoodii ku noqonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduufid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama wax la qarinayo duuduubid oo kala saarid la'aan ku meel marin. La iskuma marduufee markaan kayga marinaayo. Dh: duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufin
m.f.dh eeg mayruufi. la-mid: mayruufis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minguurin
m.f.dh eeg minguuri. la-mid: minguuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minguurin
-ta: (magac, dhedig, keli) qoraal meel ka qorasho oo meel kale ku qorasho. Minguurinta qoraalku xeerar ayay leedahay aan la dhaafin.
minguurin-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ka wareejin oo meel kale u wareejin. Dh: rarid.
minguurin-ta: (magac, dhedig, keli) min faal rarid oo min kale u rarid si saadaasha loo tijaabiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miqdaafin
m.dh la-mid: muqdaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) (la ~) qof kale wax la qaadid oo dhinaca u qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufid
-da: (magac, dhedig, keli) jeemid oo wax adag in ka goyin; wax isku yaalla xagga sare ka baarqaadid. Dh: xaadin.