ilduuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduuf
(Ilduuf-ka)
Gefka isha; wixii la doona hayey waxaan ahayn, gef u yeelid, siiba cayaaraha (shax, turub, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid. m.f.dh, ilduufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduuf
m. n. miss, failure (especially in a game), mistake
ilduuf v. miss, fail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilduuf
-ka: (v) miss the right move; oversight (owvar-saayt); mistake (mis-teek); error (e-rar). especially in game playing.
ilduuf -ay / tay: (v) make oversight, mistake or error while playing a game
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ilduuf
Svista
Oversight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduuf
(fal) wax aad rabtay qaadashadiisa ama samayntiisa seeg oo si dhib yar ku waa. Ka cusub qaadaan is lahaaye, waan ilduufay.
ilduuf -ka: (magac, lab, keli) seegid wax aanad rabin inaad waydo oo aad gacanta ku haysay, si dhibyarna kuu hoos mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ilduuf dhaxalsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilduufi
v. cause to miss, fail ~ make a mistake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduufi
(fal) seeji oo dhaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduufi
de: cause to miss, fail ~ make a mistake
lx: ilduufi
pd: (ilduufiyey)
ps: v2a=
key: ilduufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaf
(Hadaf-ka)
1. Wixii la fali lahaa ama la rabey in la yeelo oo inta la garan waayo, wax kale la falo ama la yeelo; gef; ilduuf.
2. Toogo; himilo.
3. Baaq; halhays; sawd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaddif
(Khaddif-ka)
Meeshii la mari lahaa oo inta la gefo meel kale la maro; gef; habaw; ilduuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaf
hadaf¹: m.l (-fyo/ahdaaf, m.dh) 1. Ujeeddo, himilo. 2. la-mid: hadfid.
hadaf²: m.dh Laamo geed oo ay caleemo badan ku yaalliin.
hadaf³: f.mg1 (-dfay, -dafay; -dfi) Wax ka ilduufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufsanaan
m.f.dh eeg ilduufsan. la-mid: ilduufsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufsanaansho
m.l/dh la-mid: ilduufsanaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oversight
/owvar-sayt/ (n) ilduufid (gefid, sida wax kama' kugu dhaafa).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaf
-ka: (magac, lab, keli) ujeeddo ama yool gaadhiddiisa la tiigsado oo talo iyo tamarba u baahan. Dh: tooggo, himilo, yool.
hadaf -ka: (magac, lab, keli) baaq iyo halhays; afgarasho.
hadaf -ka: (magac, lab, keli) wixii la fali lahaa ama la rabey in la yeelo oo inta la garan waayo, wax kale la sameeyo ama la yeelo. Dh: gef, ilduuf.
hadaf -ta: (magacwadareed) dhirta qodaxda leh baarka curdinka ah, laamahooda ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduuf_1
de: miss, failure (especially in a game), mistake
hm: 1
lx: ilduuf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: gef
key: ilduuf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilduuf_2
de: miss, fail
hm: 2
lx: ilduuf
pd: (ilduufay)
ps: v1=
key: ilduuf_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufid
(Ilduufid-da)
Ilduuf ku kicid; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufid
m.f.dh eeg ilduuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufin
(Ilduufin-ta)
Gefsiin; ilduuf ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufin
m.f.dh eeg iduufi. la-mid: ilduufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilduufin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufis
m.l la-mid: ilduufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duuf
(Duuf-ka)
1. (-°) a) Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab darti; siin. b) Quus. c) (dagaal) soo farabbaxsasho; weyrax.
2. Xaaraan; baqti; wax xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuf
duuf¹: m.l 1. Hilib la nacay. 2. la-mid: duufid.
dųuf¹: m.l 1. Xaaraan; baqti; wax xun. 2. la-mid: dįif. 3. la-mid: dųufid.
duuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid.
dųuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuf
duuf: f.mg1 (-fay, -ftay) Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid. m.f.dh, duufid.
dųuf: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax. m.f.dh, dųufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duuf
m. n., (mass n.): mucus, snot
duuf m. n. emaciated animal; any prohibited thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuf
-ka: (n) nasal mucus (neey-sal miyukas); snot (isnaat); phlegm (faleem); rheum (ruum) ~ diif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuf
(fal) bakhti oo naftu ha kaa baxdo.
duuf: (fal) dhimashada horteed noqo qof aan macno lahayn. Naga tag duuf ku baxe.
duuf -ka: (magac, lab, keli) neef isaga oo aan la xalaalayn dhintay.
duuf -ka: (magac, lab, keli) dareere ka yimaadda sanka. Nin duray hayo duuf lagama waayo. Dh: siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luuf
(Luuf-ka)
1. (hilib, rooti); in is-haysata; go'; cad.
2. (cayaar) liif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuf
luuf: f.g1 (luufay, luuftay) la-mid: liif².
lųuf: m.l (luufaf, m.l) 1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. la-mid: liif¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luuf
lųuf: m.l (-faf, m.l) 1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. la-mid: liif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luuf
m. n. slice of (meat), piece of leftover food
luuf m. n. game in which stones ~ wooden balls are thrown into a hole
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LUUF
(Luf) May Ochna inermis Penzig Ochnaceae.
N Allophylus rhoiphyllus ? Sapindaceae.
May Mundulea sericea (Willd) A. Chev. Papilionaceae.
May Markhamia zanzibarica (DC) Engl. Bignoniaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuf
(fal) ciyaarta luufka dheel. Dh: liif.
luuf -ka: (magac, lab, keli) ciyaar dhagxaan xalxalleefsan ama kubbado qori ah oo la tuuro ama la dilindilleeyo lagu ciyaaro. Luuf an ciyaarnee kaalaya. Dh: buul, liif.
luuf -ka: (magac, lab, keli) in yar oo hilib, rooti iyo wixii la mida ah. Dh: in, go', cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uduuf
m.dh Gufar; qashin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduuf
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kasta inta ugu liidata ee laga tego ama la tuuro. Dh: gufar, kufay, hurshe, qashin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uluuf
-ta: (magacwadareed) wax badan oo kumanyaal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haduuf
m.l la-mid: huduf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haduuf
m. n., [collective] sardine ~ sardines
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haduuf
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah. Dh: huduf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haduuf
de: sardine ~ sardines
lx: haduuf
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: huduf
key: haduuf
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilbuur
nickname-m the one with the protruding eye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilfuur
(Ilfuur-ta)
Wax qarsoodi lagu samayn lahaa, wax kuu diida, oo had iyo goor ku kor taagan oo isha kugu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilfuur
m.l/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilfuur
m.l/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilfuur
m. n., [compound] spoil-sport, person who spoils others' work ~ conversation
ilfuur [feminine] n., [compound] swollen eyes; glaucoma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilfuur
-ka: (n) one who stares or disturbs people's private meeting or conversations; spoiler (ispooy-ler)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilfuur
-ka: (magac, lab, keli) qof il xaasidnimo qof kale ku haya oo ficilladiisa la socda. Dh: basaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ilduufay ahaansho.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
Il gufo
Guumeeska
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgurux
m. n. eyeball
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgurux
de: eyeball
lx: ilgurux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ilgurux
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkulul
ilkulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
ilkulul²: m.l/dh (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkulul
-ka: (magac, lab, keli) biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululayso. Sidaa darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha kolka qaraxa folkaanuhu istaago.
ilkulul -ka: (magac, lab, keli) mid il laga cabsado leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marduuf
(Marduuf-ka)
1. Dhar cad oo laga qurux badan yahay oo aad u qiro weyn.
2. Xirmo qaad (jaad) ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marduuf
m.l (-fyo, m.l/dh) 1. Maro cad, culus oo loo isticmaalo shiraaca doonayaha. 2. Xirmo qaad ah oo ka kooban toban majood. 3. Xarig labaraab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marduuf
m.l (-fyo, m.l/dh) 1. Maro cad, culus oo loo isticmaalo shiraaca doonayaha. 2. Xirmo qaad ah oo ka kooban toban majood. 3. Xarig labaraab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marduuf
m. n. heavy white cloth
marduuf m. n. large bundle of khat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marduuf
-ka: (n) 1. bundle (bandhel) 2. packaging or wrapping used for khat. Ex: marduuf khat ah; a bundle of khat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduuf
(fal) hadal ama wax la qarinayo duuduub oo ha kala saarin. Dh: duub.
marduuf -ka: (magac, lab, kei) xidhmo qaad ah oo meel ku wada duuban oo afar mijood ka kooban. Nin marduuf ku qayilay mirqaan weydii.
marduuf -ka: (magac, lab, keli) dhar laga qurux badan yahay oo cad oo aad u qaro weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milyuun
num: million
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milyuun
-ka: (n) million (mil 'yan) ~ malyan; milyan; [1,000,000]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milyuun
-ka: (magac, lab, keli) tiro u dhiganta kun meelood oo min kun ah. Malyuun bay ahaayeen raggii kaa maqnaa shalay e. Dh: malyuun, milyan, 1,000,000.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milyuun
de: million
lx: milyuun
pd: (-ka)
ps: num-m
see: malyuun {Eng}
key: milyuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluuf
(fal) si xun u goo oo dhan fongor ugu yeel.
xalluuf: (fal) walax adag korka ka xaadi. Kabadhku hadduu albaabka gali waayo in yar ka xalluuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibduub
(fal) taabac aad u xooggan oo tallaabo dheer ku soco; feydo oo taagtaa taabac u gunti kobso. Dh: taabac, taxtaxaashi, talaxway.