ilbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixin
(Ilbixin-ta)
1. Kasmo sare iyo nolol wanaagsan oo lagu dhaqmo gaarsiin; galtinnimo ka bixin.
2. (badar) isha ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixin
m.f.dh eeg ilbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixin
m.f.dh eeg xilbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid. m.f.dh, ilbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbixi
v. civilize; urbanize; acculturate someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbixi
-yey / say: (v) educate (ejukeeyt); make someone civilized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixi
(fal) cid kale, bar wax aanay hore u aqoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbixi
de: civilize; urbanize; acculturate s.o.
lx: ilbixi
pd: (ilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: ilbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixin
m.f.dh eeg ifbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashir
(Xashir-ka)
(badar) tumid yar; ilbixin; buunshabbixin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
civilizzare
v.tr. - ilbixin, ilbaxsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galtibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, badawnimo ka saarid oo ilbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhoof
-ka: (magac, lab, keli) qof mar keliya dibad u dhoofay ion weli safarrada ku ilbixin dadkana ugu faana
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashir
(fal) badar shuqul oo buushiga ka daadi. Dh: shuqul, buushabixi, ilbixi.
xashir -ka: (magac, lab, keli) shuqlidda badarka kolka isha iyo buushiga laga sifaynayo. Dh: shuqul, ilbixin, buushabixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbixin
m.f.dh eeg cirbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filbixid
m.f.dh eeg filbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) furdaamin oo xal u helid. Dh: furdaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nalbixin
vl. n., [compound] electrification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nalbixin
de: electrification
lx: nalbixin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
syn: korontofidin
key: nalbixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalka sare ka diirid. Qalbixinta arabikhida ha ku raagin. Dh: qalbixis, diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilbixid
(Xilbixid-da)
Arrin ama wax kale oo xil leh, ama xil ka imaan karo, si wacan oo sharaf leh u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixid
m.f.dh eeg xilbax². la-mid: xilbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bixin
(Bixin-ta)
1. Meel (gudo, dhex, ...) ka saarid.
2. Korin, dibad keenid.
3. (dab, ...) hurin; shidid; daarid.
4. Siin; dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixin
m.f.dh eeg bixi. la-mid: baxsiin, baxsiis (4), bixis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixin
Emission
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixin
Elimination
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixin
vl. n. paying, issuing; extracting; supply
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixin
ta: (n) payment (peey-ment). Ex: sida lacag bixinta; such as money payment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BIXIN
Pagamento
Payment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bixin
Pagamento
Payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixin
-ta: (magac, dhedig, keli) afaaf ama irrid ka saarid ama ka sii deyn. Waxarihii commanaa bixin baan ku kari weynay: Dh: bixis.
bixin-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh la soo doonay, guurinteed. Dh: bixis.
bixin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ku yaboohid ama ku deeqid; dar Alle u dhiibid. Bixintu maalka way barakaysaa. Dh:bixis.
bixin-ta: (magac, dhedig, keli) wax qarsoonaa, soo saarid. Bixinta sirta iska ilaali weligaa iska jir. Dh: bixis.
bixin-ta: (magac, dhedig, keli) dhir, midho, ubax, xabag iyo waxii la mid ah dhalid. Dh: bixis.
bixin -ta: (magac, dhedig, keli) badbaadinta magan ku soo hoos gashay. Bixinta magantiyo waxaa lagu tarmaa, baahidoo la tira e'. Dh: bariin, difaacid, samatabixin, magangelin, nabadgelin, bixis.
bixin -ta: (magac, dhedig, keli) turub qaybin oo ku farraqid dadka ciyaaraya. Dh: bixis.
bixin -ta: (magac, dhedig, keli) amaah lagugu lahaa celinteed. Dh: bixis.
bixin -ta: (magac, dhedig, keli) «iska ~ salaad xilligeedii joogo, tukasho. Iska bixinta salaadda cishaha ka horreysiiya xafladda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bixin
de: paying, issuing; extracting; [fig.] supply
lx: bixin
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2c-f
key: bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixin
-ka: (magac, lab, keli) eeg laxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifbixi
v., [compound] put something into the light; make someone famous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixi
(fal) qof iyo wax la mid ah, bulshada bar; shaacbixi. Dh: shaaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifbixi
de: put s.t. into the light; make s.o. famous
lx: ifbixi
pd: (ifbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: ifbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilixir
(Ilixir-ka)
Daah qolalka gudohooda lagu kala gooyo si aan laysugu muuqan (ama ilxir).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilixir
m. n. curtain (as room-divider)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilixir
de: curtain (as room-divider)
lx: ilixir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ilixir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbixin
m.f.dh eeg asbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixid
m.f.dh eeg ifbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shaacbixid; caan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabixin
vl. n. output
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabixin
cf: soosaarid; rw: bax ~ bixi
de: output
lx: kabixin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kabixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixin
m.dh la-mid: milxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilbixi
v. make someone discharge his responsibility honorably
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilbixi
de: make s.o. discharge his responsibility honorably
initial: x
lx: xilbixi
pd: (xilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: xilbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibobbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhalay furaggalaha ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbixin
(Jeelbixin-ta)
Jeel ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixin
m.f.dh eeg jeelbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixin
-ta: (magac, dhedig, kali) xoolo la siiyo wax dhanaan si jeelka looga reebo.
jeelbixin -ta: (magac, dhedig, keli) cid jeel ku jirtay ka soo daynteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixin
m.f.dh eeg barbixi. la-mid: barbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilbilay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilan
(tilmaame) wax biyo lagu bilbilay, lagu rushay. Hadhuudh bilbilan baan mooyaha ugu imid ee anigu hal biya ah kuma darin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilbilid
(Bilbilid-da)
Biyo ama wax la mid ah, sida roobka meel ugu firdhin; rushayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilid
m.f.dh eeg bilbil². la-mid: bilbil¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo sida roobka kaga dhigid, ku firdhin, ku rushayn. Bilbilid buu hadhuudhku u baahanyahay biya badan uma baahna. Dh: biifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ama wax, biyo ku rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixbixid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dibadda aadid; kolba meel u socosho. Shaqadu bixbixidda badan kuma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codbixin
m.dh eeg codbixi. la-mid: codbixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codbixin
-ta (n) election (elak-shin)-, vote (vowt) ~ doorasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirin
m.f.dh eeg dibbiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale aad u dhergin. Dh: dhergin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filfilin
(Filfilin-ta)
Dad cusub ama qalo ah, u jirxumayn, ximin, fiindhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filfilin
m.f.dh eeg filfili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filfilin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad cusub ama qariib ah fiindhayn oo u jidhxumayn. Dh: ximin.
filfilin -ta: (magac, dhedig, keli) filfil ku darid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Filibiin
pr. n., loc. Philippines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Filibiin
(n) Philippines (fila piiniz); a country of Eastern Asia; Manila is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Filibiin
de: Philippines
lx: Filibiin
ps: n0-loc-f
key: Filibiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbixin
m.f.dh eeg garbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad wax isku haysta, xeer iyo sharci ku kala saarid.
garbixin-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax diiddan in uu kula garramo u oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Reermagaal ahaansho. 2. Qof nolol magaalo aqoonsan, ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Reermagaal ahaansho. 2. Qof nolol magaalo aqoonsan, ahaansho. m.f.dh, ilbaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaxsan
der. [adjective] civil, civilian, secular; urbane; courteous [ext.] competent, qualified
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbaxsan
(tilmaame) sidii hore si ka wanaagsan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaxsan
de: civil, civilian, secular; urbane; courteous [ext.] competent, qualified
lx: ilbaxsan
pd: (ilbaxsanaa)
ps: adj-der
key: ilbaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbidhiq
-da: (magac, dhedig, keli) waqti aad u yar, inta ili isku qabsanto. Ilbidhiq baa waqtiga ugu yar. Dh: ilbidhiqsi, ilgibidhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbixis
-ka: (magac, lab, keli) marka la baneynaayo waddo si loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbicin
m.f.dh eeg jimbici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbicin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, foorarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalbixid
m.f.dh eeg kalbax². la-mid: kalbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudbixin
(Mudbixin-ta)
Doc ku mudid oo docda u tusmaysan ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudbixin
m.f.dh eeg mudbixi. la-mid: murbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka kale uga dusin. Dh: mudbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbixin
m.dh la-mid: mudbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka kale uga dusin. Dh: murbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixun
f.mg4 (-maa, -mayd) 1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbixun
f.mg4 (-maa, -mayd) 1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho. m.f.dh, qalbixumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warbixin
* (Warbixin-ta)
War arrin gaar ah ku saabsan sheegid, qorid, tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warbixin
m.f.dh eeg warbixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warbixin
vl. n., [compound] report, bulletin; briefing, issuance of a statement