ilbidhiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbidhiq
-da: (magac, dhedig, keli) waqti aad u yar, inta ili isku qabsanto. Ilbidhiq baa waqtiga ugu yar. Dh: ilbidhiqsi, ilgibidhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbidhiqsi
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: ilbriqsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilbidhiqsi
Second
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilbidhiqsi
-ga: (magac, lab, keli) wakhti aad u yar. Ilbidhiqsi buu ku dhammeeyey hawshii loo diray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbidhiqsi
-ga: (magac, lab, keli) inta yar ee kooban ee isha labadeeda baad isku noqdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbidhiqso
(fal) isha isku qabo oo haddana markiiba kala qaad. Adiga oo aan ilbidhiqsan baan soo noqon. Dh: ilgibidhso, illibiqso, gibidhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolmajiir
m.l (-ro, m.dh) (daawo) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri-badheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin-qorraxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c. fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolmajiir
m.l (-ro, m.dh) (daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimribadheed
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalin-qorraxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Instantaneous
Ilbidhiqsiyeed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Second
Ilbidhiqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqad
-da: (magac, dhedig, keli) muddo yar oo ka kooban 60 ilbidhiqsi oo lagu tirsado waqtiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli gaaban oo u dhigma saacad lixdan ilbidhiqsi. Shan daqiiqo ku soo noqo. Dh: miridh, daqiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinqorraxeed
-da: (magac, dhedig, keli) celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minit
-ka: (magac, lab, keli) qiyaas wakhtiyeed oo ah hal saac oo lixdan meelood loo gaybshey meel ka mid ah oo u dhiganta lixdan ilbidhiqsi ama seken. Eedaanku wuxu socda shan minit. Dh: miridh, midhidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miridh
(fal) daxal yeelo. Gudumooy miridh lisin baa kuu dambeeyee. Dh: daxalayso, midhidh.
miridh: (fal) ci' oo insaarixi. Sidii sac dhalay u miridh. Dh: ci'.
miridh-ka: (magac, lab, keli) daxalka biraha fuula marka ay dibad yaal noqdaan ee sayaxa iyo hawadu ku dhacaan. Dh: daxal, midhidh.
miridh -ka: (magac, lab, keli) xanuun nabarrada biruhu keenaan ka dhasha oo la iska tallaalo. Wiilkii la jeexayay irbaddii miridhka ayaa la turqay. Dh: daxal, midhidh.
miridh -ka: (magac, lab, keli) saacad lixdan meelood loo qaybiyay midkood oo loo yaqaan ilbidhiqsi. miridh -ka: (magac, lab, keli) ri'da ci'deeda. Miridh riyaad lama garan waayo. Dh: mirir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirir
-ka: (magac, lab, keli) eeg miridh.
mirir-ka: (magac, lab, keli) qiyaas wakhtiyeed oo ah hal saac oo lixdan meelood loo qaybshey meel ka mid ah oo u dhiganta lixdan ilbidhiqsi ama seken. Dh: miridh, midhidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulukh
(falkaabe) erey u dhigma dhamee oo meesha ka nadiifi. Albaabka hortiisa waxa qashin yaalla mulukh ka sii. Dh: muluq, mululuq.
mulukh -da: (magac, dhedig, keli) bildhaan k keliya ishu qabato oo hadana qarsoonta Dh: midhikh, bilig.
mulukh: (ereycodeed) erey lagu cabbiro dhalasho ilbidhiqsi ah oon dhib iyo wakhti dheer midna lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiq
-a: (magac, lab, keli) koob yar oo dheeh leh oo koobasha wax lagu cabbo ugu yar. Bidhiq bay wax iigu shubeen gaajo igu beerye. Dh: afkulibidh, haaf, biriq.
bidhiq-da: (magac, dhedig, keli) gantaal xoog leh oo ay dhaliyaan daruuraha da'ayaa oo ololaya. Dh: danab, jac, wiriq, biriq.
bidhiq -da: (magac, dhedig, keli) nin dhallinyaro ah oo xarrago badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhi
(fal) dab yar shid. Dabka bidhi aan kulaalne. Dh: shid, daar, biri. Li: demi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidiq
-a: (magac, lab, keli) biyo dhoobo miidhan ah. Dh: dhoobo, libiq, dhiiqo. Li: xareed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhid
-da: (magac, dhedig, keli) sare u qaadid oo si fudud sare ugu tuurid. Dh: biriyow, hillaacid, birin. bidhiidh -a: (magac, lab, keli) timaha madaxa oo noqda timo jilicsan, cawlan oo aan isku dhadhawayne banbannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab yar shidid. Dh: daarid, birid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhis
-ka: (magac, lab, keli) bidhidda dabka iyo wixii la mid ah.
bidhis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid wax u qaad; si fudud wax u dallacis. Haantan bidhisteedu midhidh iguma qaadan jirin markaa ninka ahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhiq
-da: (magac, dhedig, keli) cadhada dhow degdeg u cadhoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid. m.f.dh, ilbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbixi
v. civilize; urbanize; acculturate someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbixi
-yey / say: (v) educate (ejukeeyt); make someone civilized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixi
(fal) cid kale, bar wax aanay hore u aqoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbixi
de: civilize; urbanize; acculturate s.o.
lx: ilbixi
pd: (ilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: ilbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhiq
-da: (magac, dhedig, keli) bildhaan kol keliya ishu qabatey oo hadana qarsoontay. Dh: bilig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiiq
-a: (magac, lab, keli) qolofta badarka qaarkii, wixii qush ama suqul ah ee badarka ku jira. Bidhiiqa ka gur bariiska. Dh: bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixin
(Ilbixin-ta)
1. Kasmo sare iyo nolol wanaagsan oo lagu dhaqmo gaarsiin; galtinnimo ka bixin.
2. (badar) isha ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixin
m.f.dh eeg ilbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaadi karo, kolba kor u tuuris.
bidhbidhid-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhsa badan u iftiimid oo haddana markiiba u demid. Bidhbidhid tiriiggu waa marka uu gubanayo. Dh: dhaldhalaalid, birbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbadhiig
-ta: (magac, dhedig, keli) geed dhuux cas oo ka baxa dhulka didibka ah. Dh: taraxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cabidhiye
Piston
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanu yool u qabsan hubka cadawgu, rasaasta mar qudha wada ridid. Dabxidhid maad samayn halkuu birigaanku ka soo dhacayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbiriqsi
ilbiriqsi¹: m.l (-iyo, m.dh) Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. la-mid: ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.
ilbiriqsi²: m.l (-iyo, m.dh) 1. (fiisikis) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqraafi) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbiriqsi
ilbiriqsi¹: m.l (-iyo, m.dh) Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. la-mid: ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi, ilnib.
ilbiriqsi²: m.l (-iyo, m.dh) 1. (fiisikis) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqraafi) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbiriqsi
m. n. blink of an eye; instant, moment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbiriqsi
-ga: (n) [pl. ilbiriqsiyo-da] second (sakandh) ~ seken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbiriqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ilbidhiqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbiriqsi
a: ilmilicsi ~ ilmiliqsi
de: blink of an eye; instant, moment
lx: ilbiriqsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ilbiriqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilibdhig
(Jilibdhig-ga)
Dagaal jilibka loo laabo; dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhig
jilibdhig¹: m.l 1. Caabbinta cadaw si adag la isga caabbiyo. 2. la-mid: jilibdhigid.
jilibdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilibdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U j.: cadaw si adag u caabbiyid. m.f.dh, jilibdhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilibdhig
m. n., [compound] dug-in position, entrenchment {military}
jilibdhig v., [compound] dig in to fight; assume a position to attack ~ defend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibdhig
-ga: (magac, lab, keli) dagaal jilibka qofka aad u dhigtid inta aad u laabtid.
jilibdhig -ga: (magac, lab, keli) sheyga koowaad ee la siiyo qof aqal soo galey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax tilmaan ama calaamad u noqda wax kaa lumay oo aad raadinayso. Dh: birbiriso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILBA-DHIIG
(Jilibdig) N Jatropha arguta Chiov. Euphorbiaceae.
N Jatropha brockmanii Hutch. Euphorbiaceae.
N Jatropha palmatifida Bak. Euphorbiaceae.
N Jatropha pelaroniifolia Courb. Euphorbiaceae.
N Jatropha phillipsiae Rendle Euphorbiaceae.
N Jatropha spinosa (Forsk.) Vahl. Euphorbiaceae.
N Cienfuegosia sp. Malvaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidhmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qodaxi mudday oo waxyeelloobay noqosho. Dh: heermid.