ilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaa
Taniyo, halkiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaa
h I. ama i. iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. Tusaale: “I. (ama i. iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaa
h Ilaa, ama ilaa iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. Tusaale: Ilaa (ama ilaa iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaa
conj. until, as far as, up to; since (from)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilaa
jusqu'à, jusqu'à ce que.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaa
(adv) since (sinis).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaa
(xidhiidhiye) tilmaamaya meel ama milay laga wax ku dhamaado. Dersiga waan wadaynaa ilaa la eedaamayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaa
bw: Arabic
de: until, as far as, up to; since (from)
lx: ilaa
ps: conj
key: ilaa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaa
(preffix) -less; without; lacking ~ la'aan, billaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilaa
(Dilaa-ga)
Nin ama bahal ama wax kale oo aad wax u dila ama dilid badan; dile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilaa
m.l 1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. la-mid: dile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dilaa
m.l 1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. la-mid: dile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilaa
m. n. killer, murderer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dilaa
-ga: (n) killer (ki-lar) murderer (moor-dharer) ~ mishiidiyo, dhiigyacab
dilaa -ah: (adj) deadly (dheedhli). Ex: cudur dilaa ah; a deadly disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaa
(tilmaame) mid cidda uu ku dhaco ama uu gaadho nafta ka saara. Qaaxadu waa cudur dilaa ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilaa
bw: dile
de: killer, murderer
lx: dilaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: dhiigyacab
key: dilaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaad
-da: (magac, dhedig, keli) roob bartiis ama hillaacii muuqdo, kobtuu hayo ama ku da'ayo il ku cabbirid. Sahanku ma ilaad baa, misa waa addindhig. Dh: oddoros, hilaad. Li: addindhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaah
(Ilaah-a)
Kan waxa jira oo dhan leh oo abuuray oo maamula; Eebbe; Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Ilaah
m.l (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaah
m.l (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ilaah
m. n. God
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilaah
Dieu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ilaah
-ha: (n) Allah (allah); God (gaadh); deity (diyati) ~ Eebe, Waaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilaah
-a: (magac, lab, keli) Khaaliqa isaga mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa uusan jirin. Dh: Rabbi, Eebbe, Alle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ilaah
a: Allah
de: God
lx: Ilaah
pd: (-a)
ps: n0-m
syn: Daa'in, Ebbe
xv: Arabic
key: Ilaah
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Ilaah
إله، إلاه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaal
(Ilaal-ka)
Ku hawshiisu tahay inuu wax ilaaliyo; ilaalo ah; ciidan; askari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaal
ilaal¹: m.l (-llo, m.dh) Askar degmooyinka, waagi hore laga qori jirey oo madaxda degmooyinka la shaqeyn jirey mid ka mid ah.
ilaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Ilmo dhashay neef loogu ducaynayo u qalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaal
ilaal¹: m.l (-llo, m.dh) Askar degmooyinka, waagi hore laga qori jirey oo madaxda degmooyinka la shaqeyn jirey mid ka mid ah.
ilaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Ilmo dhashay neef loogu ducaynayo u qalid. m.f.dh, ilaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaal
m. n. guard, watchman, patrol, sentinel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaal
cf: ilaalo
de: guard, watchman, patrol, sentinel
lx: ilaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ilaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaq
(Ilaaq-da)
Muran; dood; jiriibban; (ama cilaaq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaq
ilaaq¹: m.dh la-mid: cilaaq¹.
ilaaq²: f.g1 (-qay, -qday) la-mid: cilaaq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaq
f. n. dispute, argument, altercation, contradiction
ilaaq v. find fault, contradict, argue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaaq
-da: (n) quarrel (kuwoorel), dispute (dis-piyuut); argument (aar-gument); controversy ~ muran; cilaaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ilaaq
Litigio
Wrangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaq
(fal) si aan dhab ahayn ula muran. Dh: ilaaq.
ilaaq -da: (magac, dhedig, keli) hadal aan dhab ahayn; hadal saaxiibtinimo oo la isku tuurtuuro. Dh: kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaa
e.d Eray yaab ku jiro. Tusaale: “Illaa Cali waa geesi!”. la-mid: illayn (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaa
e.d Erey yaab ku jiro. Tusaale: Illaa Cali waa geesi! la-mid: illayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaa
inter. my!; oh!; wow!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaa
(xidhiidhiye) eeg ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaa
de: my!; oh!; wow! Word introducing a sentence and indicating surprise
lx: illaa
ps: intj
key: illaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaa
m. n. actor, movie star; imitator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilaa
-ga: (n) performer (perfoomar); actor (aktar) ~ jile, fanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaa
-ga: (magac, lab, keli) xubin kooxeed riwaayad masraxeed bandhiga oo metela; qof maadeeya ama majaajilleeya. Dh: majaajilayste. Li: daawade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilaa
a: jile
de: actor, movie star; imitator
lx: jilaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: jilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajar
(Ajar-ka)
1. (-) Samafalka abaalgudkiisa xagga Ilaah laga helo.
2. Ajarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allabbari
(Allabbari-ga)
Eebbe wax-ka-bari; Ilaah-bari; Rabbi-bari; Eebbe-tuug: duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alle
(Alla-ha)
Eebbe; Ilaah; Allaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arijir
(Arijir-ka)
Qof ama dad ari ilaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmo
(Asma-da)
Duco gaar ah oo magacyada Ilaah ka kooban, oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbul
(Baabbu-sha)
Timo aad u baxa iyagoo aan la ilaalin; yoofil; tuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barako
(Baraka-da)
1. Gallad gaar ah oo Ilaah dadka qaarki ama waxyaalo kale, u yeelo; karaamo.
2. Badasho, bulaal, taran, barkhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barlammaan
* (Barlammaan-ka)
1. Shirka mudaneyaasha tolku doorto, oo sharciyadana dejiya, siyaasada dowladdana dusha ka ilaaliya.
2. Golaha ama aqalka mudaneyaashu ku shiraan (ama baarlammaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baylah
(Baylah-da)
Wax cidla' jooga oo aan la ilaalina hayn; aan cidi la joogin; dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beer
1. (Beer-ka) a) Xubinta oogada kamid ah oo xammeetida samaysa dhiiggana ka ilaalisa wixii sun iyo waabaayo ah. b) (miro) qalbacyada hoose, (sida bun, yicib, quulle, garas,...).
2. (Beer-ta) Dhul la falay oo dhir iyo miro iyo badar iyo waxyaalo kale lagu abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabbiyid
(Caabbiyid-da)
Xoog ku ilaalin; ku fillaansho; adkayn; xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabudid
(Caabudid-da)
Ilaah ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasi
(Caasi-ga)
1. (qof) wixii Ilaah faray aan yeelin.
2. Waalidkii dhalay aan addeecin ama aan u roonayn.
3. Diiddo badan; madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaab
(Cadaab-ka)
Aakhiro, meesha intii Ilaah caasiday oo dhurdarraystay ay joogaan oo lagu silciyo; naar; jahannamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaf
1. (Calaf-ka) Dheef xag Ilaah ka qoran: risiq; sed.
2. (Calaf-ta) Kab xun; jaqaaf; jaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carshi
(Carshi-ga)
1. Kursiga ama sariirta boqorka.
2. Carshiga Ilaah oo cirka ku sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cibaadeysi
(Cibaadeysi-ga)
Camal wanaagsan falasho; Ilaah-ka-yaab; cibaadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cibaado
(Cibaada-da)
Samafalka Ilaah loogu dhowaado oo dhan; Ilaah caabud; camal wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ila
pron. and preposition: with me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ila
(pronoun with preposition) with me or to me. Ex: waxii dhaca ila socodsii; report to me what happens
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laa
f.g2 (-laayay, -laysay) la-mid: lay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laa
v. kill; fight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laa
-yey / laysay / laayeen / laynay: (v) 1. kill or beat; beat by hitting or whipping. 2. put to death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laa
(fal) dad badan dil. Laa cadawga oo ha u naxariisan. Dh: lay. Li: badbaadi, daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laa
de: kill; fight
lx: laa
pd: (laayey)
ps: v2a=
see: laay
key: laa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilac
-da: (magac, dhedig, keli) xabagta cadaadda ee cadcad.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ILAN
Canthium glaucum 10, Commiphora tubuk 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ILAN
(Ilan) C Commiphora tubuk Sprague. Burseraceae.
C Canthium glaucum Hiern. Rubiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilka
a: kalluun
de: fish sp.
lx: ilka
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: ilka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iyaa
question word: what?, What did you say?, Beg your pardon?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iyaa
(question word) who (huu) ~ yaa. Ex: iyaa yiri? who said?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iyaa
a: yaa {O}
de: what?, What did you say?, Beg your pardon?
lx: iyaa
ps: qw
key: iyaa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaab
v. start, begin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaab
-ay / bilowday: (v) start (is-taarf); begin an activity; initiate (inishi-yeeyt); commence (ko-meensi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaab
de: start, begin
lx: bilaab
pd: (bilaabay)
ps: v1=
xe: Im going to start teaching English.
xv: billaab
key: bilaab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaad
m. n. country, territory, land
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaad
bw: Arabic
de: country, territory, land
lx: bilaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bilaad
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bilaag
Gantafaha maarta ah ee ku xiran xarigga alxamaha korontada ee quwadda korontada kasoo gudbiya godka korontada.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilaal
name-m dampness of rain, moisture, freshness. Lit: that which satisfies thirst
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billaa
Armaa; saa; sow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaa
fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tusaale: “Billuu keen?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billaa
fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tusaale: Billuu keen?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaa
conj. supposing, what if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaa
(falkaabe) erey la adeegsado kolka wax aan la hubin oo laga yaabo inuu dhaco ama dhacay laga hadlhayo. Billaa roob dhexda innagu helaa Dh: billaayoo, armaa, saa, sow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaa
cf: armaa, sow
de: supposing, what if
lx: billaa
ps: conj
key: billaa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biltaa
(prefix) -less: without; lacking ~ la'aan ~ see [eeg] bilaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaj
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuunsan daaweyntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaal
-ka: (magac, lab, keli) wax maqnaa oo muddo badan la tabayay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CILAAN
(Elan) NFD, S, C, May Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
S Cadaba sp. Capparidaceae.
S Combretum contractum Engl. Combretaceae.
S Terminalia brevipes Pampan. Combretaceae.
N Flueggea leucopyrus Willd. Euphorbiaceae.
N Flueggea virosa (Willd.) Voigt. Euphorbiaceae.