il-la'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-la'
-aa: (adj) one-eyed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah. m.f.dh, illa'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illa'
der. [adjective] squint-eyed; cross-eyed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illa'
de: squint-eyed; cross-eyed Lit: without eye
lx: illa'
pd: (illa'aa)
ps: adj-der
key: illa'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawar
(Cawar-ka)
1. Nabar il ka gaarey, il la'; illaawe; iley.
2. Libaaxbadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iley
(Iley-ga)
Il la' ama wax ka gaareen; illaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawar
cawar¹: m.l 1. Nooc ka mid ah libaax badeedka oo aad halis u ah. 2. Qof il la' ama nabar ku leh. la-mid: cawir¹.
cawar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaawac gaarsiin. 2. Nafley iftiin weyn, indhaha uga qabasho. la-mid: cawir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-kulul
il-kulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
il-kulul²: m.l/dh (jooloji) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawar
cawar¹: m.l 1. Nooc ka mid ah libaax badeedka oo aad halis u ah. 2. Qof il la' ama nabar ku leh. la-mid: cawir.
cawar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaawac gaarsiin. 2. Nafley iftiin weyn, indhaha uga qabasho. m.f.dh, cawarid. la-mid: cawir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkulul
ilkulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
ilkulul²: m.l/dh (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitijoor
-ka: (magac, lab, keli) qalab gacanta lagu qaato oo dhagax baytari iyo il la geliyo oo la shido leh oo mugdiga lagu iftiinsado. Dh: toosh, bijijoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawar
(fal) nabar ama dhib kale gaadhsii. Dh: dhaawac.
cawar -ka: (magac, lab, keli) magac loo yaqaan nin ay Diintu sheegtay in uu yahay calaamadahal qiyaamaha oo soo bixi doona dhammaadka. Ilaahii Nebi Ciise, ... Cawar seef ugu dhiibayoow. Dh: dajaal, dajaalcawar
cawar -ka: (magac, lab, keli) qof ama nafley kale oo aan labada indhood middood waxba ka arag; mid il la'.
cawar -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah libaaxbadeedka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarow
(fal) nafley, mid il la' noqo.
cawarow-ga: (magac, dhedig, keli) mid cawar ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweer
-ka: (magac, lab, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah.
caweer: (timaame) cid il la' ama indhahu kala marooraan. Dh: cawiran, cawiir, cawir, weershe, cawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawir
-ka: (magac, dhedig, keli) qof ama nafley kale oo aan il wax ka arag; mid il la'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawiran
(tilmaame) mid dhaawac gaadhay, cawaran.
cawiran: (tilmaame) mid il la'; weershe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawirmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac noqosho; dhaawacmid.
cawirmid -da: (magac, dhedig, keli) weershe noqosho; mid il la' noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid nabar qaba ahaan. Dh: cawarnaan.
cawirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid il la' ahaan. Dh: caweernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkulul
-ka: (magac, lab, keli) biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululayso. Sidaa darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha kolka qaraxa folkaanuhu istaago.
ilkulul -ka: (magac, lab, keli) mid il laga cabsado leh ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumi
(fal) wax hallee oo wax aan il lagu hayn kat dhig. Dh: ambi, hallaabi, dhumi, faki. Li: hel.
lumi: (fal) jidka toosan ka leexi oo khatal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqli
-ga: (magac, lab, keli) eeg maqle.
maqli-ga: (magac, lab, keli) hilbo yar yar oo ka mida kuwa xaabka loo yaqaano oo laga sameeyo sanuunadda. Maqli iyo sanuunad iyo kimis saa'il lagu dooni.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eye
n., il, ishi; eyes, indho, -ihi; ball, the pupil, isha inankeda, or isha wiilkeda, indhaha wiilkoda (plur.); beam, glance, daymo, -adi, eegmo, adi; brow, kod, -ki; drop, ilmo, -adi.
black-eyed, a., nin indha madow; pink-eyed, nin indha yaryar; grey-eyed, nin indha cawlan; one-eyed, qof cawaran, il la’.
one-eyed person, n., cawar, -ki.
be one-eyed, v.i., cawarnaw, cawar ahaw, cawaran, cawar noqo.
eye-lash, n., isha baalkeedi, indhaha baalkooda (plural).
eye-lid, n., xirib, -ti; upper eyelid, xirib sare, -ti; lower eyelid, xirib hoose.
eye-sight, n., arag, -gi.
eye-sore, a., isha boog ku leh.
eye-tooth, n., mici, -di; eye-teeth, miciyo, miciyihi.
iris of the eye, n., bu', -di, isha bu'deeda, indhaha bu'dooda.
cornea of the eye, n., isha caloosheeda cad, indhaha calooshooda cad (plural).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkala'
(tilmaame) mid aan ilko lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaa
e.d Eray yaab ku jiro. Tusaale: “Illaa Cali waa geesi!”. la-mid: illayn (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaa
e.d Erey yaab ku jiro. Tusaale: Illaa Cali waa geesi! la-mid: illayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaa
inter. my!; oh!; wow!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaa
(xidhiidhiye) eeg ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaa
de: my!; oh!; wow! Word introducing a sentence and indicating surprise
lx: illaa
ps: intj
key: illaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kabo gashan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illan
(tilmaame) mid kabo gashan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaw
(fal) ha xusuusan. Dh: hilmaam, illow.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAD
(Ilad) N, C Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAS
(Il-as) C Kelleronia obbiadensis Chiov. Zygophyllaceae.
N Kelleronia quadricornuta Chiov. Zygophyllaceae.
N Kelleronia revoilii (Franch) Chiov. Zygophyllaceae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
N Indigofera arabica Jaub. & Spach. Papilionaceae.
N Taverniera multinoda Thulin. Papilionaceae.
C, S Crotalaria emarginella Vatke. Papilionaceae.
C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Boerhavia elegans Choisy Nyctaginaceae.
NFD Ruttya fruticosa Lidau. Acanthaceae.
S Glossonema revoilii Franch. Asclepiadaceae.
S Satanocrater somalensis (Lindau)Lindau. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilla'
(tilmaame) eed la'. Ninkaasi waxa uu sameeyey wuu ku xilla' yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cid la'
adj., [expression] uninhabited
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cid_la'
de: uninhabited
lx: cid la'
ps: adj-expr
see: cidla'
key: cid_la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idhala'
(tilmaame) qof aan waxba arag oo indhaha beelay; idhoole ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) la-mid: il-adayg².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il-adag
der. [adjective] shameless, impudent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-adag
-kaa: (adj) 1. feeling no shame; shameless (sheeym-les), bare-faced (beer-feeyst). 2. bold (booldh); fearless and daring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-jabi
-yey / say: (v) blink (bilink); wink (wingk)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-YARO
(Il-iero) S Crotalaria massaiensis Taub. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalay
(fal) wax ama shaqo, korka kala soco. Dh: kormeer.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iliilad
Underfit river
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
in-laws
/inloos/ (n) xididka (sida soddoga iyo soddohda).