il-adaygid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adaygid
m.f.dh eeg il-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adayg
il-adayg¹: m.l Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. la-mid: il-adkaan.
il-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Wax si cabsi iyo gabbasho la'aan ah ugu dhiirrasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
il-adayg
m.l Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. la-mid: il-adkaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-adayg
-ga: (n) 1. shamelessness (sheeym-les-nes). 2. boldness (booldh-nes)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) la-mid: il-adayg².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il-adag
der. [adjective] shameless, impudent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-adag
-kaa: (adj) 1. feeling no shame; shameless (sheeym-les), bare-faced (beer-feeyst). 2. bold (booldh); fearless and daring
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il adayg
m. n., idiom: bravery, courage, boldness, brazenness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
il'adayg
-ga: (magac, lab, keli) khajilaad la'aan iyo dhiirranaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
il_adayg
de: bravery, courage, boldness, brazenness Lit: hard eye
lx: il adayg
pd: (-ga)
ps: np-m-idiom
key: il_adayg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhaliil iyo cillad qarsoon yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooladaygid
m.f.dh eeg calooladayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adaygid
m.f.dh eeg dhega-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adaygid
m.f.dh eeg gacan-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adaygid
m.f.dh eeg madax-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildabid
-da: (magac, dhedig, keli) il isku qabasho ujeeddo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildayad
-ka: (magac, lab, keli) xeelaysi caqli lagaga fooso meel aan ixsaan oolin, itaalna danqumis ka gaabsho. Ma daguugan tahay saw ildayad, kuguma diimmoona!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadeyid
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta meesha uu ka soo baxayo dareere qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaaxid
(Ilxaaxid-da)
(aragga) indhaha ka badasho, wareerin; indhawirqid; in- dhasarcaadid; indhaddaraandarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaaxid
m.f.dh eeg ilxaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaagid
(Istaagid-da)
Fadhi ka kicid; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagid
m.f.dh eeg istaag². la-mid: istaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaagid
-da: (magac, dhedig, keli) joogitaan aanan la dhaqdhaqaaqayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
istaagid
قيام، نهض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaagid
(Wadaagid-da)
Wada lahaan; qaybsasho; is wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaagid
m.f.dh eeg wadaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaagid
-da: (magac, dhedig, keli) si siman oo aan la kala bursan wax u wada cunid. Wadaagidda cuntadu waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay. Dh: wadaagis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-adayg
m.l Dabeecad qof leeyahay oo ah in uusan go'aankiisa ka noqon. la-mid: hal-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hal-adayg
m.l Dabeecad qof leeyahay oo ah in uusan go'aankiisa ka noqon. la-mid: hal-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hal-adayg
m. n. or [adjective] firmness, tenacity; man of firm judgement; decisive; stubborn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan natiijadiisa la hubin, isku dayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadiyid
m.f.dh eeg hilaadi. la-mid: hilaadin, hilaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) si foojigan u eegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandayrid
-da: (magac, dhedig, keli) laandeyr wax ku dabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-afdhaafid
m.f.dh eeg is-afdhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadaygid
-da: (magac, dhedig, keli) keni adaygid oo wixii kuu muuqda maahee wax kale iska diidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaadaysad
-ka: (magac, lab, keli) Alle caabudid oo u hoggaansamid. Dh: cibaadaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladaysan
der. [adjective] in difficulty, having problems
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladaysan
-cilladaysnaa / cilladaysnayd: (adj) malfunctioning (maal-funk-shen-ing)', not functioning; defective (di-fektiv) ~ cillaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysan
(tilmaame) mid cillad leh; mid dhaliil qarsoon leh; mid kharriban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladaysan
de: in difficulty, having problems
lx: cilladaysan
ps: adj-der
key: cilladaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtirid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur hoose oo uu qabay iyo cadilnaan, ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagid
m.f.dh eeg cirbataag². la-mid: cirbataag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagid
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbataagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkaraarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaabxumo ilkaha carruurtu yeeshaan kolka ay yaryar yihiin, taasna waxay ku timaaddaa kolka ilkacaanoodkii oonan ilmaha laga ridin kuwii dambe ay ka soo hoos baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacaysad
m.l la-mid: illaacaysasho, illaacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogid
m.f.dh eeg jilbajoog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilibdhigid
(Jilibdhigid-da)
Dagaal jilibka u laabid; diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigid
m.f.dh eeg jilibdhig². la-mid: jilibdhig¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibdhigid
-a: (magac, lab, keli) qof iska difaacayo cadow. Dh: iska cabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kitaabdayid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xanuunsanaya, u kitaabfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magwadaagid
m.dh la-mid: magwadaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magwadaagid
-da: (magac, dhedig, keli) mag wada bixin oo ninba saami kaga qayb galid haddii la qaadanayana wada qaybsasho.