ikhyaarayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhyaarayn
m.f.dh eeg ikhyaaree. la-mid: aqyaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhyaar
(Ikhyaar-ka)
Qof isku darsaday bulshannimo iyo reermagaalnimo iyo fiicnaan; wabar, reermagaal; bulshey; gob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhyaar
ikhyaar¹: m.l (-riin/ikhyaar, m.dh) Qof kulansaday garaad wacan iyo anshax wanaagsan. la-mid: aqyaar¹.
ikhyaar²: m.dh Bulsho dadka madaxda u ah ee taladeeda gooysa. la-mid: aqyaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikhyaar
m.dh Bulsho dadka madaxda u ah ee taladeeda gooysa. la-mid: aqyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhyaar
m. n. well-mannered man, civilized person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ikhyaar
-ka: (n) [ plural ikhyaar-ta] a well-mannered and considerate man; gentleman (jen-tal-man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhyaar
(tilmaame) qof wanaagsan oo inahabardoobireed ah.
ikhyaar -ka: (magac, lab, keli) madaxbannaani caqliyeed oo qof qaangaadhey yeesho; awood shaqsiyeed oo ruux isku maammulo; muqdarnimo xilqaad noqosho. Ikhyaarkii wax kaa bi'inayaa aabbe waa belo e', oday waa helaa talagelyada maad igu addeecdid. Dh: ikhtiyaar, iqyaar, akhyaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ikhyaar
de: well-mannered man, civilized person
lx: ikhyaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ikhyaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqyaarayn
m.dh la-mid: ikhyaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhyaaree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Arrin, xaajo iyo wixi lamida ka odayeyn la-mid: aqyaaree.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikhyaaree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Arrin, xaajo iyo wixi lamida ka odayeyn m.f.dh, ikhyaarayn. la-mid: aqyaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhyaaree
(fal) arrin, xaajo iyo wixii la mid ah, ka odayayn. Dh: aqyaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaarayn
(Bishaarayn-ta)
Bishaaro sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarayn
m.f.dh eeg bishaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sirid. Dh: dhagrid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaanayn
(Khayaanayn-ta)
Khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanayn
m.f.dh eeg khayaanee. la-mid: khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, siyaasadayn oo khiyaamayn. Dh: qiyaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn; cid kale sirid oo khatalid. Dh: dhagrid, khayaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaanayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: khayaamayn, sirid, khatalid, dhagrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tikhraaran
(tilmaame) ah wax qori kala hayo. Af yaxaas oo tikhraaran ayaan arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaarhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl laga hayo bakhaar dhexdii iyo wixii la xidhiidha sida furahiisa iyo qufulkiisa ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhyaarnimo
(Ikhyaarnima-da)
Ikhyaar ahaansho; sansaanka iyo falaadka ikhyaarka; wabarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhyaarnimo
m.dh Ikhyaar ahaansho. la-mid: aqyaarnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhyaarnimo
f. n., [collective] good manners, civilized behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ikhyaarnimo
-ikhyaamimada: (n) the act of being considerate or kindly; gentleness (jen-tal-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhyaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta qof wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ikhyaarnimo
de: good manners, civilized behavior
lx: ikhyaarnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: ikhyaarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tikhraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) qori kala dhex gelitaanka. Tikhraaritaanka ila caawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhyaar
m.l Nin wax garad ah. la-mid: ikhyaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhyaar
m.l Nin wax garad ah. la-mid: ikhyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhyaar
m. n. distinguished person; notables
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhyaar
-ka: (n) 1. gentle person (jentel peerson); considerate and thoughtful person ~ ikhyaar. 2. freedom to choose; choice (jooys); option (op shen); free will ~ istikhyaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhyaar
-ka: (magac, lab, keli) qof waxgarad ah oo la xushmeeyo. Qaasim waa nin akhyaar ah.
akhyaar -ta: (magac, dhedig, keli) haweenka inta u waaweyn. Fadlan, haweenayda akhyaarta ah kursiga uga kac.
akhyaar -ta: (magacwadareed) dad ixtitiraam iyo qadarin mudan oo aad u wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhyaar
bw: Arabic
de: distinguished person; [pl] notables
lx: akhyaar
pd: (-ka Pl: akhyaar (ta))
ps: n5-m, n2-m
key: akhyaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaran
(tilmaame) eeg dhaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharayn
(Dharayn-ta)
Dhar u yeelid, u xirid; hubayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharayn
m.f.dh eeg dharee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraan
(Haaraan-ka)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay ama noqday oo la isku eedeeyo, laysku dagaalo, wax laysaga sheego; hiif; canaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. la-mid: haaraamid.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn. m.f.dh, haaraamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaraan
v. blame, reprove
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaraan
-ka: (n) censure (sensher); reproof (ripruuf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraan
(fal) wax xumaaday, ciddii ka masuulka ahayd, ku eedee. Dh: hiif, canaano.
haaraan -ka: (magac, lab, keli) canaan hiif leh. Dh: foolxagad, eed, canaan, hiifid, haaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaraan
de: blame, reprove
lx: haaraan
nt: haaraan (ka) [vn-m] 'reproof, blaming'
pd: (haaraamay)
ps: v1=
key: haaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanay
(fal) ha xurmayn oo sharafdil ku samee. Dh: ihaanee, dullee, dullay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cidi ijaaratay ahaansho (baabur, guri iyo wixi lamida)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cidi ijaaratay ahaansho (baabur, guri iyo wixi lamida) m.f.dh, ijaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijaaran
der. [adjective] rented, leased
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ijaaran
-aa: (adj) rented (rentidh). Ex: Guri ijaaran; a rented house
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ijaaran
de: rented, leased
lx: ijaaran
pd: (ijaarnaa)
ps: adj-der
key: ijaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhwaan
(Ikhwaan-ka)
Walaal (xagga diinka); waxaana aalaa isyiraahda wadaaddada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhwaan
m.l (-nno, m.dh) Walaalnimo diineed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikhwaan
m.l (-nno, m.dh) Walaalnimo diineed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhwaan
m. n. brother-in, relative form, religion; religious person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ikhwaan
-ka: (n) brother-in-Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhwaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka aad xerta wada tihiin ee aad wax wada barataan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ikhwaan
bw: Arabic
de: brother-in-religion; religious person (also used as term of respect)
lx: ikhwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ikhwaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarayn
-ta: (magac, dhedig, kali) si beelaha la isugu geeyo oo ay ku wada degaan. Dh: ollogeyn. Li: fogeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaraan
(tilmaame) meel la geeyo dadka la takooro.
kaaraan -ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo xoolaha iyo dadkaba ku dhaca. Dh: kud, xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarayn
(Maarayn-ta)
1. Maaro u helid; arrin ama wax kale, wax ka qabasho, hagaajin.
2. Maar ka dhigid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maarayn
Direzione
Management
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid. Dh: idaarayn.
maarayn-ta: (magac, dhedig, keli) daxal u yeelid; wax midhidhsan ka dhigix. Maaraynta ka ilaali weelasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarayn
(Qaarayn-ta)
Qaar la dhicid; burareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarayn
m.f.dh eeg qaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaar ama bud la dhicid. Badraanigu qaaraynta wuu ku habboon yahay. Dh: budhayn; qaarays, budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaarayn
m.f.dh eeg awaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogid, hadhuuka shinnida ah marka ciidda lagu rogo. Awaaraynta hadhuudhku waa berri.
awaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho darteed, siigo kicin. Ilko dheere iyo luuq haddaan, laga awaaraynin.
awaarayn -ta: (magac, dhedig, keli) (kala ~) ka dhaqaajin; ka tegitaan. Nin kaloo Ilaah kuu idmaba kala awaaraynay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahaaran
Dahaar loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dahaaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dahaaray ahaansho. m.f.dh, dahaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahaaran
der. [adjective] decorated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahaaran
-dahaarnaa / dahaamayd: (adj) covered (kaveridh)', encased (en-keeysidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaran
(tilmaame) wax dahaadh ku jira. Diinku qolof adag ayuu ku dahaaran yahay. Dh: dahaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahaaran
de: decorated
lx: dahaaran
pd: (dahaarnaa ~ dahaarraa)
ps: adj-der
key: dahaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaraan
m.l (-nno, m.dh) Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaraan
m.l (-nno, m.dh) Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaraan
Common N. work clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaraan
-ka: (magac, lab, keli) dharka shaqada loo sito. Dh: dhaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaraan
de: work clothes
lx: dhaaraan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: dhaaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaaneyn
(Ihaaneyn-ta)
Xurmaddarrayn; muunajebin; liidid; dulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaaneyn
m.f.dh eeg ihaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro sahan sugasho oo u kuurgelid iyo hullo ogaaneed; dersid iyo salgaadh dhammays ah. Guur saddex buu eedaa: ma aqoon, ma abraacin, ma ilaalayn. Dh: kuurgal, dersid.
ilaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) eeg'eegid ay foojignaani ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaaran
Inkaar qaba; habaar qaba; habaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho. m.f.dh, inkaarnaan.