iin-cufaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iin-cufaad
m.dh (-iimo ..., m.l) (kiimika) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroon-nada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iincufaad
m.dh (-iimo ..., m.l) (kiim.) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroonnada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iincufaad
-da: (magac, dhedig, keli) cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas oo E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroonnada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iin cufaad
Mass defect
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-isuhayn
m.dh (fiisikis) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamar-isuhayn
m.dh (fiisikis) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mass defect
Iin cufaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diinceelaad
(Diinceelaad-ka)
Diin yar oo biyaha macaan ku dhexnool; diinbiyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinceelaad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: diimbiyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinceelaad
m. n., [compound] small fresh-water turtle species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinceelaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg diinbiyood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinceelaad
de: small fresh-water turtle sp.
lx: diinceelaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: diinceelaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horaad
m.l Fiidka intiisa hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horaad
m. n. early in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiid-horaad
-ka: (v) early evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidadaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liin-macaan
f. n. orange, tangerine, sweet lime
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIN-MACAAN
(Lin-ma'n) S, N Citrus sinensis (L) Osbech. Labiatae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BILCIL-CADAAD
[BIL-EL, BEL-EL ADAD] Acacia hamulosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BILCIL-CADAAD
(Bilil-adad) C Acacia hamulosa Benth. Mimosaceae.