iimayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimayn
(Iimayn-ta)
Iin u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimayn
m.f.dh eeg iimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar iyo iin u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biimayn
(Biimayn-ta)
Biimo ka dhigid; meel cabsi ah gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimayn
m.f.dh eeg biimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax halis gelin. Bimaynta naftaada ka daayoo bannaanka mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiimayn
(Qiimayn-ta)
Qiime u yeelid; simid; tamminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimayn
m.f.dh eeg qiimee. la-mid: qaymeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiimayn
-ta: (n) appraisal (ap-reeysal); assessment (a-sees-ment); evaluation (ivaal-yuweey-shin); estimation (es-ti-meey-shin) ~ qiimays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) inta uu noqon karo maanka ka qiyaasid. Qiimaynta aqalka kolka la dhiso ayaa la garan. Dh: qiyaasid.
qiimayn-ta: (magac, dhedig, keli) qime lagu libiyo u yeelid. Dh: simid, tamminid, qiimays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaan
(Iimaan-ka)
1. (diin) Ilaah, malaa'ig, nebiyo, kd., jiriddooda rumaysasho.
2. Wixii la helo, in kasta ha le'ekaadeene, oo lagu laabsamaado ee aan la saluugin; qaneeco.
3. Ugaas, Islaan, Wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (- nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. Ugaas, Islaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaan
m. n., [abstract] belief, faith; confidence, contentment
iimaan: m. n. chief, headman
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iimaan
name-unisex belief, faith; confidence, contentment (Arb)
name-unisex faith, compassion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaan
-ka: (n) 1. faith and trust in Allah [God]; contentment; satisfaction; contentedness. 2. clan chief or leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaan
-ka: (magac, lab, keli) niyadsami iyo qanaaco uu qofku ku qabo wixii la siiyo. Nin iimaanku dhuunsaday ma oga dhuxusha hoos taalle. Dh: qanaaco.
iimaan -ka: (magac, lab, keli) rumaynta Alle iyo wixii qeybka la xidhiidha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iimaan
إيمان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqayn
(Iiqayn-ta)
Ciriiri gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmayn
(Ilmayn-ta)
1. Indhaha biyo ka keenid; ilmo qubid.
2. Ilmo isdabajoog ah dhalid.
3. (Faal, kd.) isku sii jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmayn
m.f.dh eeg ilmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha illin ka keenid. Dh: ooyid, lilmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimayn
(Jimayn-ta)
Isu foodin; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimayn
m.f.dh eeg jimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isbarbardhigga qiimaha ay leeyihiin labo wax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaal
gulaal¹: m.l 1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. la-mid: gulaalid.
gulaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Qodax, nabar iyo wixi lamida neef geel ah addin ka iimayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax iin u yeelid. m.f.dh, iimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley). m.f.dh, iimaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifayn
m.f.dh eeg biifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid: biyo ku bilbilid oo ku qoyn.
biifayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin. Dh: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimays
-ka: (magac, lab, keli) biimo ku samayn: halis ku ridid. Biimayska markii horeba adaa i geliyey ee iga saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carro ku rogid ama ku daadin; ciid ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqayn
m.f.dh eeg ciiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirayn
m.f.dh eeg ciiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciiro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqayn
m.f.dh eeg diiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmayn
m.dh la-mid: fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidayn
(Miidayn-ta)
Miid ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidayn
m.f.dh eeg miidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciqaab figo ah u xidhid. Dh: figayn.
miigayn-ta: (magac, dhedig, keli) miigo u beerid. Miigayntu way fiican tahay haddaan xayawaanku faqan. Dh: miigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinayn
* (Miinayn-ta)
Miino gelin, ku aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinayn
m.f.dh eeg miinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) miino dhigid: miino qaraxda xidhid. Dh: miinays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiimays
vl. n. evaluation, appraisal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiimays
-ka: (n) appraisal (ap-reeysal) ~ see also [eeg] qiimayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qiimayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiimays
de: evaluation, appraisal
lx: qiimays
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qiimays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qiimeyn
Valutazione
Evaluation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaxid; oodda ka rogid. Siidaynta dad badan ayuu Madaxweynuhu amray. Dh: fasxid. Li: haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin, boodh iyo omos kicin oo siigo abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabbo tusid: meel ku hoggaamin. Wiidaynta ciidanka nin dhulyaqaan ah ayaa loo dhiibaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) in badan ereyga 'wii' ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimaan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan timo lahayn oo dhukuran ahaan. Dh: moolaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisayn
(Xiisayn-ta)
Xiiso u qabid, u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisayn
m.f.dh eeg xiisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiiso u qabid; xiise u hayn. Dh: xiisays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmayn
(Xirmayn-ta)
Xirmo xirmo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmayn
m.f.dh eeg xirmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhmooyin badan oo dhandhan iskugu xidhan ka dhigid. Dh: xidhmayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iima
pron. and preposition, neg. not ... to / for me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iima
(pronoun with negative) not me.. Ex: iima sheegin; he or she didn't tell me
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iima
de: not ... to / for me = u + i + ma
lx: iima
ps: pro + prep + neg
xe: He didnt tell me.
xv: Iima uu sheegin.
key: iima
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iman
v.-inf: to come
iman v., neg., simple past tense: did not come
iman v., neg.-imp: don't come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iman
-imaaday / imaatay: (v) come. Ex: Cali ma iman; Ali didn't come
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayn
-ka: (magac, lab, keli) nooc hubka ka mid ah oo dhulka lagu aaso si uu ugu qarxo ciddii dul marta ama ku joogsata. Sida maynka inaan ciidda galo uma maleeyaane. Dh: miin, miino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amayn
m.dh (kiimika) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amayn
m.dh (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid). m.f.dh, idmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idman
der. [adjective] permitted, authorized
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Idman
name-f permitted, authorized; lit: authorized by God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idman
-aa / ayd: (adj) commissioned (komishenidh); authorized (oo tha raayzidh), empowered (impaaweridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Idman
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in xagga Alle ay ka eedtirnaato oo ay ka fasaxnaato ama Alle ku manaysto wanaag.

(tilmaame) wax la oggolaaday oo fasaxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idman
de: permitted, authorized
lx: idman
pd: (idmanaa)
ps: adj-der
key: idman
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Igman
name-f elected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Igman
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in xagga Alle ay ka eedtirnaato oo ay ka fasaxnaato ama Alle ku manaysto wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaan
m.l la-mid: imaam.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaan
v.-inf: to come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaan
a: iman
de: to come
lx: imaan
ps: v4b-inf
key: imaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof si gaar ah shey loogu keli yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liman
La limay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Beer wax la limay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liman
der. [adjective] cultivated, farmed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liman
-limnaa: (adj) ploughed (palaawidh)-, tilled soil; cultivated ~ carrorogan, falan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liman
(tilmaame) carragedisan oo loo diyaariyay in la qodo. Beerta oo liman ayuu roob ku da'ay. Dh: rogan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liman
de: cultivated, farmed
lx: liman
pd: (limnaa)
ps: adj-der
key: liman
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niman
m. n., pl. men
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niman
-ka: (n) [plural of nin-ka] men (miin) ~ nimanyaal, rag