iimaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax yar ku raali noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax yar ku raali noqosho. m.f.dh, iimaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaanso
v. be content with what one has; be easy to please
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaanso
-iimaansaday / iimaansatay: (v) have a faith and trust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaanso
(fal) ku qanac wixii aad haysato oo ku kalsoonow. Dh: qanac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaanso
de: be content with what one has; be easy to please
lx: iimaanso
pd: (iimaansaday)
ps: v3a=intr
key: iimaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansi
m.l la-mid: iimaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanso
f.g3 (-saday, -satay) Neef irman cid ka ammaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecso
(fal) iimaanso, bismillayso. Wixii Alla ku siiyo qaneecso. Dh: iibaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraanso
(fal) higso; tiigso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansad
m.l la-mid: iimaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysid, ku gancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tilmaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho. m.f.dh, tilmaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tilmaanso
v. have a distinguishing mark, be marked out; take directions; direct oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanso
(fal) calaamadso meesha aad hadhow ugu imaan doonto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tilmaanso
de: have a distinguishing mark, be marked out; take directions; direct oneself
initial: t
lx: tilmaanso
nt: tilmaansad (ka) [vn-m], tilmaansasho (/da) [vn-f]
pd: (tilmaansaday)
ps: v3a=
key: tilmaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaan
(Iimaan-ka)
1. (diin) Ilaah, malaa'ig, nebiyo, kd., jiriddooda rumaysasho.
2. Wixii la helo, in kasta ha le'ekaadeene, oo lagu laabsamaado ee aan la saluugin; qaneeco.
3. Ugaas, Islaan, Wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (- nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. Ugaas, Islaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaan
m. n., [abstract] belief, faith; confidence, contentment
iimaan: m. n. chief, headman
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iimaan
name-unisex belief, faith; confidence, contentment (Arb)
name-unisex faith, compassion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaan
-ka: (n) 1. faith and trust in Allah [God]; contentment; satisfaction; contentedness. 2. clan chief or leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaan
-ka: (magac, lab, keli) niyadsami iyo qanaaco uu qofku ku qabo wixii la siiyo. Nin iimaanku dhuunsaday ma oga dhuxusha hoos taalle. Dh: qanaaco.
iimaan -ka: (magac, lab, keli) rumaynta Alle iyo wixii qeybka la xidhiidha.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iimaan
إيمان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanso
(Maansa-da)
Magac guud oo suugaaneed oo kooba waxyaalo badan oo la tirsho, sida gabayga iyo masafada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanso
m.dh (-ooyin, m.l) Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maanso
m.dh (-ooyin, m.l) Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanso
f. n. poem, verses, poetry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanso
-maansada: (n) poetry (po-watri); poem (powam); poetic work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanso
-da: (magac, dhedig, keli) magac guud oo kooba jaadadka suugaanta ee tixaysan sida gabayga iyo masaffada; waa tixo xarafraac iyo qaafiyo leh oo la allifo laguna luuqayn karo. Caloow maanka kuma hayn inaan maanso tiri-yaaye. Dh: suugaan, tixo.
maanso -da: (magac, dhedig, keli) tix keli ah oo laga tiriyay fikrad ama arrin cayiman maansada sidaa loo tiriyaa waxay leedahay miisaan iyo xarafraac keli ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanso
bw: Arabic
cf: giis
de: poem, verses, poetry
lx: maanso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku a.: cid ammaano u dhiibasho. m.f.dh, ammaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanso
(fal) ammaano ahaan u soo qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaanso
v. yawn, gape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaanso
-hamaansaday / hamaansatay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanso
(fal) astaanta in ay hurdo ku hayso laga garto yeelo oo afka kala waax, oo neef badan ka keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaanso
de: yawn, gape
lx: hamaanso
nt: hamaansad (ka) [vn-m], hamaansasho (/da) [vn-f], hamaansi (ga) [vn-m]
pd: (hamaansaday)
ps: v3a=
key: hamaanso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaan_1
bw: Arabic
de: belief, faith; confidence, contentment
hm: 1
lx: iimaan
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: iimaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaan_2
bw: Arabic
de: chief, headman
hm: 2
lx: iimaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: iimaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imaansho
(Imaansha-ha)
Meel la yimaado; ~ imaatinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaansho
vl. n. arrival
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaansho
-ha: (n) the act of arriving; arrival (a reey-val); showing up (show-ing ap) ~ imaatin-ta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaansho
de: arrival
lx: imaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-f-st
key: imaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
imaansho
وصول، مجيء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansi
m.l la-mid: irmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg diirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansasho
m.f.dh eeg iimaanso. la-mid: iimaansad, iimaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirmaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xiiran oon timo lahayn ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirmaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaanxumo
(Iimaanxuma-da)
Iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaanxumo
m.dh la-mid: iimaandarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaanxumo
f. n., [compound] faithlessness; infidelity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaanxumo
-da: (n) see [eeg] iimaandarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaanxumo
-da: (magac, dhedig, keli) qaneecaadla'aan iyo iimaandarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaanxumo
a: iimaandarro
de: faithlessness; infidelity
lx: iimaanxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: iimaanxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaanyoog
m.l.kh I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaanyoog
m.l.kh Iimaanyoog ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaanyoog
m. n., [compound] (adj.): insatiable person; hard to please
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaanyoog
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u hungurixun. Dh: iimaanyuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaanyoog
de: insatiable person; [atr.] hard to please
lx: iimaanyoog
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: iimaanyoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limnaansho
m.l/dh la-mid: limnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) aan wax kala duwanaansho ah lahayn oo isku mid ah; aan kala wanaag-sanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax bidhaantooda eegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidhaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax bidhaantooda eegasho. m.f.dh, bidhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidhaanso
v. move ~ proceed towards (something seen ~ a light in the distance)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaanso
(fal) wax kuu muuqda muuqaalkiisa eego. Geed baaxad weynoo, la yidhaahdo Baaroo, bilig dheer hirkiisii, ma bidhaansanaynoo. Dh: bildhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidhaanso
de: move ~ proceed towards (s.t. seen ~ a light in the distance)
lx: bidhaanso
pd: (bidhannsaday)
ps: v3a=intr
key: bidhaanso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidaanyo
-ciidaanyada: (n) horde (hoordh); swarm (iswoorm); crowd (karowdh) ~ dad aad u-fara badan, diigaanyo, iwm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diigaanyo
(Diigaanya-da)
Aan la tirin karin; farabbadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diigaanyo
m.dh Wax aad u tiro badan (dad, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diigaanyo
f. n., [abstract] innumerability, uncountable quantity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diigaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) badi aan la koobi karin. Ayax diigaanyo ah ayaa beerihii ku degey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diigaanyo
de: innumerability, uncountable quantity
lx: diigaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: diigaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansi
-ga: (magac, lab, keli) dagaan ama dawlad ciddii kugu dhow oo ad wax uga baahantahay, hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siyey midii ka hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la ilowye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hollanayo oo xiiso loo qabo in la gaadho. Dh: hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiitaanyo
m.dh la-mid: hiirtaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlaansho
(Idlaansha-ha)
Dhammaansho; daba-go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlaansho
m.l/dh la-mid: idlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlaansho
vl. n., stative v. completion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlaansho
a: idlaad
de: completion
lx: idlaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: idlaansho
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iimaan-ka
croyance.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansad
m.l la-mid: irmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidaanyo
(Liidaanya-da)
Laqanyo; ladaadyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidaanyo
m.dh (daawo) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liidaanyo
m.dh (daaw.) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liidaanyo
f. n. gagging, wretching, nausea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidaanyo
-liidaanyada: (n) nausea (noosiya); nauseation ~ lablabbo, laqanyo, lallabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay: laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liidaanyo
de: gagging, wretching, nausea
lx: liidaanyo
pd: (/da)
ps: n-f
syn: ladaadyo, laqanyo, yaqyaqsi
key: liidaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasmaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid waxay nasiib u heshay ku qancid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasmaanso
-da: (magac, dhedig, keli) cid waxay nasiib u heshay ku qancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaansho
m.l/dh eeg samow. la-mid: samaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax san noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siilaanyo
(Siilaanya-da)
Bahal yar oo mulaca u eg kase yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilaanyo
m.dh Nooc xamaaratada yaryar ka mid ah oo mulaca u eg kana yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siilaanyo
f. n. small lizard species