iidul-fidri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidul-Fidri
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda maalinta koobaad ee bisha Shawaal oo lagu soo gebagebeeyo soonka bisha Ramadaan. Dh: Ciidalfitri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidalfidri
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda maalinta koobaad ee bisha Shawaal oo lagu soo gebagebeeyo soonka bisha Ramadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidul-Adxa
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda maalinta la joogsado Carrafo ka danbaysa, camalka xajka na lagu soo xidho, oo ku beegan tobanka bisha Dul-Xija oo ah bisha labo iyo tobnaad sannadka Hijrida. Dh: Ciidal-Adxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulfadhi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Wax duljoogid iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Wax meel ku sugan ilaalin. Tusaale: “Ciidan baa na dulfadhiya”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulfadhi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Wax duljoogid iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Wax meel ku sugan ilaalin. Tusaale: Ciidan baa na dulfadhiya. m.f.dh, dulfadhiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulfadhi
v. sit on top of; pester, badger; wait all day ~ very long
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulfadhi
-yey / say: (v) stand by (standh baay), be ready or available to act ~ duljoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulfadhi
(fal) qof nafka'eeg ah ama wax inuu daranyoobaa halis ay tahay ilaali oo la joog.
dulfadhi -ga: (magac, lan, keli) qof sankaraad ah la joogid oo xaalkiisa ka warhayn.
dulfadhi -ga: (magac, lan, keli) ciidan ciidan kale uu dhawaan ku duuli lahaa soo duldega oo meel gaaban u barya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulfadhi
de: sit on top of; [ext.] pester, badger; [fig] wait all day ~ very long
lx: dulfadhi
pd: (dulfadhiyay / dulfadhiday)
ps: v1=tr
key: dulfadhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufid
(Ilduufid-da)
Ilduuf ku kicid; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufid
m.f.dh eeg ilduuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulfidsi
m.l Dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulfidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsi. dhulfiiq -a: (magac, lab, keli) qof dhulka hara oo qashinka ka xaadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhfidhi
(fal) caanaha lul oo subag kaga keen. Dh: cagaari.