iidheh-a
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iidheh-a
publicité.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
advertisement
/adhvartaysment/ advertisements; (n) iidheh ama xayaysiis. e.g. an advertisement for the new product.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handbill
/haandh-bil/flier,flyer (n) qoraal warqadeed oo ogeysiin ama iidheh ah, oo gacan lugu qaybiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pavé
pavé, n.m. - dhagax yaryar oo la sinsimay oo lagu shubo wadooyinka, jay.
être sur le pavé - aan shaqo iyo aqal midna lahayn.
pavé publicitaire - iidheh aad u wayn ama u fara badan.
tenir le haut du pavé - horseed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidheh
m.dh (-hyo, m.l/dh) Xayeysiis iyo ammaan dheerad ah oo laga sheego wax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iidheh
m.dh (-hyo, m.l/dh) Xayeysiis iyo ammaan dheerad ah oo laga sheego wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iidheh
f. n. advertisement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iidheh
-da: (n) advertisement (adhvartaayzment)-, commercial advertisement ~ xayeysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidheh
-da: (magac, dhedig, keli) xayaysiiska dadka dareenkooga lagu soo jiido; alaabo ganacsi ama wax kale oo cusub oo iib ama kiro u tagaan dadka tustusid, u sheegsheegid, adiga oo adeegsanaya qoraal ama idaacad. Dh: xayaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iidheh
de: advertisement Lit: say it for me
lx: iidheh
pd: (-da)
ps: n2a-f, n1-f
key: iidheh
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iidheh
إِعْلَانِ
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
IIDAHA
Festivita
Holidays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
II-DHEH
Pubblicità
Advertisement
Waa habka suuqyada loogu baahiyo tacab Warshad, Shirkad ama ganacsata kale ku doonayso inay dadweynaha kalsooni uga hesho, si loo jeclaysto, loona gato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhaha
(n) /plural of il -isha] the eyes
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hilibleh-a
boucher.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhexgal
m.l (fiisikis) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdhexgal
m.l (fiisikis) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhexgal
-ka: (magac, lab, keli) habka dabiiciga ah ee ay dareerayaasha iskugu darsamaan oo ay atamyadu si isle'eg iskuga dhexfirdhaan.
isdhexgal -ka: (magac, lab, keli) dhaqanwanaagga iyo nololwadaagga ummadaha ama dad wada deggan ka dhexeeya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xidhiidh-ka
relations, rapports.