iibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibso
f.g3 (-saday, -satay) Bedeeco lacag ku beddelesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iibso
f.g3 (-saday, -satay) Bedeeco lacag ku beddelesho. m.f.dh, iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibso
v. buy (for oneself); acquire by trade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibso
-iibsaday / iisatay: (v) buy for yourself ~ soo gado. Ex: kabo cusub soo iibso!; buy a new pair ofshoes for yourself!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibso
(fal) wax aad rabtay, lacag ku bedelo. Dh: gado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibso
de: buy (for oneself); acquire by trade Usually with preposition soo
lx: iibso
pd: (iibsaday)
ps: v3a=
syn: gado
key: iibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibso
f.mg3 (-saday, -satay) Diib marsasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diibso
v. use some scent, perfume oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diibso
de: use some scent, perfume oneself
lx: diibso
pd: (diibsaday)
ps: v3a=intr
key: diibso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibso
(fal) edeb iyo asluub yeelo oo gaabso. Dh: xishoo, sarriigo.
dibso: (ereydhawaaq) awr inuu labadiisa lugood isku soo dhaweeyo ku amar si aad u dabarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsi
(Iibsi-ga)
Alaabta, kd. ganacsiga rogrogashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsi
m.l la-mid: iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsi
vl. n. purchase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsi
-ga: (n) buy (baay)-, purchase (peerjas)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsi
a: iibsasho
de: purchase
lx: iibsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: iibsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsasho
m.f.dh eeg iibso. la-mid: iibsad, iibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaho
(fal) cid kale xoolo ka sii deynso; qof kale qaan wax kaga iibso. Amaaho haddaanad haysan lacag kugu filan. Dh: qardayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbax
(fal) dhar aad ku arradbaxdo soo iibso. Dharkii baa kugu dul humoobaye arradbax.
arradbax-a: (magac, lab, keli) dhar helid oo kii duugoobay iska tuurid. Dh: arratir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqaalad
-da: (magac, dhedig, keli) dukaan cuntada iyo alaabta xaafaduhu u baahan yihiin iibiya. Kiiloo sonkor ah baqaaladda ka iibso. Dh: daas, tukaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecso
(fal) wax iibi oo wax gado. Suuqa ka beecso. Dh: baayacmushtar, iibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaanso
(fal) suuqa alaabo kala duwan ka soo iibso. Dh: adeego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gado
(fal) iibso wax. Gado kabahan way qurxoon yihiine.
gado: (tilmaame) ahaanshaha wax isku mid ah da ahaan. Labo nin oo isku gado ah baad tihiin. Dh: asaag, fil, da'.
gado -ha: (magac, lab, keli) da'da iyo fac ahaan inta uu qof ama wax kale yeelan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddi
(fal) bedbedil, doordoori oo kolba si rogrog. Gedgeddi gaadhiga oo midkale soo iibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamro
(fal) dhammaan wada iibso. Jamro waxa meesha yaal oo dhan. Dh: jilmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimleyso
(fal) iibso gado darsin iyo wax ka badan. Dh: jumladayso. Li: tafaariiqayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumladay
(fal) iibso deraasiin iyo wax ka badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumladayso
(fal) alaabta aad gadanaysid, si jimlo ah u iibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumladee
(fal) iibso wax deraasiin ah. jumlee: (fal) eeg jimlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiil
(fal) badeecad si joogto ah cid uga iibi ama uga iibso mar walba. Aniga shan litir o caano geel ah ii macmiil.
macmiil -ka: (magac, lab, keli) qof si joogta ah meel wax uga iibsada ama xidhiidh baayacmushtar la leh. Kolkaad meherad leedahay macmiilka waa la soo dhaweeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilo
(fal) maalin walba iibso oo si joogto ah u gado. Masaariifta bisha meel keliya ka macmiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaafaan
-ka: (magac, lab, keli) heer kama danbays ah oo aanay wax socdaa dhaafi karin. Wax akhriyay buug la yidhaa madhaafaanka murtida. Dh: lamadhaafaan.
madhaafaan-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu wanaagsan wax la kala xulanayo. Dircaasi waa madhaafaane iibso. Dh: lamadhaafaan, haldoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidh
(fal) sonkor iyo wax la mid ah, in yar oo far iyo suul ah cid kale sii. li qadhiidh sonkorta.
qadhiidh -ka: (magac, lab, keli) sonkor aan badnayn oo kolka jaadka la cunayo lagu qayilo. Rubuc qadhiidh ah soo iibso. Dh: qariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho. m.f.dh, ciribsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribso
(fal) cidhbaha dhulka ka qaad oo faraha ku joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibso
f.g3 (-saday, -satay) Maro, harag iyo wixi lamida giijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biibbo
m.dh la-mid: bayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicso
f.g3 (-saday, -satay) Wax beec u raadsasho. la-mid: beecso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biicso
f.g3 (-saday, -satay) Wax beec u raadsasho. m.f.dh, biicsasho. la-mid: beecso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicso
(fal) wax iibso; ganacso. Orod suuga wax ka biicso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biinso
-biinsada: (n) [Pl. biisooyin- ka] pincers (pin saris); pliers (palaayaris) ~ kelbed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la kaydinayo hadba in ku kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biirso
f.g3 (-saday, -satay) Wax la kaydinayo hadba in ku kordhisasho. m.f.dh, biirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirso
v. increase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biirso
-biirsay / biirsatay: (v) [with preposition ku] add up for yourself ~ ku darso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirso
(fal) iskaa u kordhiso. Biirso fasaxa inta ay lugtu ku kabmayso. Dh: kordhiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirso
de: increase (for oneself)
lx: biirso
pd: (biirsaday)
ps: v3a=
key: biirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho. m.f.dh, ciirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirso
v. rely on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciirso
-ciirsaday / ciirsatay: (v) ask for emergency assistance or support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirso
(fal) «u ~» dhibaato ku haysa darteed, cid kale irko; kaalmo ka raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciirso
de: rely on
lx: ciirso
pd: (ciirsaday)
ps: v3a=
key: ciirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho. m.f.dh, dhibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibso
v. be annoyed, feel irritated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibso
-dhibsaday I dhibsatay: (v) hate (heeyt); loathe (loowth); feel offended by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibso
(fal) wax dhacay ama la yidhi, dhibaato ka dareen ama ku dhibaatoo. Dh: karaahayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibso
de: be annoyed, feel irritated
lx: dhibso
pd: (dhibsaday)
ps: v3a=
key: dhibso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibsoo
(ereydhawaaq) eeg dibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįifso
f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). la-mid: dųufso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diifso
dįifso: f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). m.f.dh, dįifsasho. la-mid: dųufso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifso
v. blow one's nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifso
-diifsaday / diifsatay: (v) blow one's nose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifso
(fal) diif yeelo. Gaajo la diifso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifso
a: duufso
de: blow one's nose
lx: diifso
pd: (diifsaday)
ps: v3a=
key: diifso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid. m.f.dh, diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirso
v. warm oneself; warm something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirso
(fal) (ku ~) ku caloolqaboojiso oo ku farax. Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne.
diirso: (fal) wax dabka saaro oo qabawga ka bi'i. Shaaha diirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirso
de: warm oneself; warm s.t. for oneself
lx: diirso
pd: (diirsaday)
ps: v3a=
key: diirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid. m.f.dh, fiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidso
v. spend the evening, be (in a place) at dusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidso
(fal) inta ay fiidka noqonayso, sug oo u kaadso. Dh: caweysin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidso
de: spend the evening, be (in a place) at dusk
lx: fiidso
nt: fiidsad (ka) [vn-m], fiidsasho [vn-f]
pd: (fiidsaday)
ps: v3a=
key: fiidso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiifso
-fiifsady / fiifsatay: (n) sniffle (snifal); blow one's nose~ diifso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore aayar kabbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore aayar kabbasho. m.f.dh, fiiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiqso
v. drink with a sucking motion, suck up ~ in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqso
(fal) caano iyo wixii la mid ah, adoo neefta ku soo jiidaya, kabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiqso
de: drink with a sucking motion, suck up ~ in
lx: fiiqso
nt: fiiqsad (ka) [vn-m], fiiqsasho (/da) [vn-f], fiiqsi (ga) [vn-m]
pd: (fiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: fiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax meel ka dayasho. 2. U f.: wax si fiican uga fekerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax meel ka dayasho. 2. U f.: wax si fiican uga fekerid. m.f.dh, fiirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiirso
v. observe, look at with interest, examine, pay attention to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiirso
-fiirsaday / fiirsatay: (v) observe or look carefully: watch (waaj).
u fiirso: (expression) think better of, have second thoughts, take into consideration; reconsider (rii kan sidher) ~ ka fiirso. Ex: Intaadan falin ka fiirso; look before you leap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirso
(fal) eeg daawo.
fiirso: (fal) (u ~) dhug u yeelo; ka feker.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiirso
bw: lifaaq
de: observe, look at with interest, examine, pay attention to
lx: fiirso
nt: fiirsad (ka) [vn-m], fiirsasho (/da) [vn-f], fiirsi (ga) [vn-m]
pd: (fiirsaday)
ps: v3a=tr
key: fiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigso
(fal) hadaf iyo yool aad u socoto yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: heenso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiinso
v. sip ~ suck up small amount of milk (etc.) from a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinso
(fal) wax yar oo caano ah oo weel ku jira, ka fuuqso. Dh: heenso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiinso
de: sip ~ suck up small amount of milk (etc.) from a vessel
lx: hiinso
nt: hiinsad (ka) [vn-m], hiinsasho (/da) [vn-f], hiinsi (ga) [vn2a-m]
pd: (hiinsaday)
ps: v3a=
key: hiinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsad
(Iibsad-ka)
Iibsashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsad
m.l la-mid: iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsad
vl. n. purchase (for oneself)