ihaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaano
(Ihaana-da)
Xurmaddarro; muunajebis; dulli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaano
m.dh Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihaano
f. n. contempt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ihaano
-da: (n) contempt (kon tamt); disdain (dis dheyn) ~ xaqiraad, yasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaano
-da: (magac, dhedig, keli) xurmadarro kula kicid; maamuus la'aan kula dhaqmid. Boqorka beeshani wuu ihaano badan yahay.
ihaano -da: (magac, dhedig, keli) quudhsi iyo yaraysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihaano
bw: Arabic
de: contempt
lx: ihaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ihaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
contempt
/kontempt/ (n) xaqiraad (ihaano).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
contemptuous
/kontempshuwas/ (adj) ihaano ah (xaqiraad ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiraad
-da: (n) contempt (kon-temt), disdain (dis-dheeyn) ~ ihaano, yasid, xaqiris
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiris
-ta: (n) contempt (kon-temt), disdain (dis-dheeyn) ~ ihaano
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yasid
-da: (n) 1. underestimation (ander-esta-meey-shin); humility (hiyuu-militi) ~ quursi. 2. contempt (kon-temt); disdain (dis-deyn) ~ xaqiraad, ihaano
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaanno
v., pl., relative form, [inchoative] that we be / become ...
ahaanno v., pl., opt. form: may we be, let us be ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaanno
(v) let us be. Ex: aan saaxiibbo ahaanno; let us befriends
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaano
m.dh (muus.) Qalabka muusikada jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo codad aad u kala duwani ka soo baxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaano
m.dh (muus.) Qalabka muusikada jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo codad aad u kala duwani ka soo baxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaano
-da: (magac, dhedig, keli) agab muusikada noociisa waaweyn ka mid ah, codod kala duwani ka soo baxaan. Biyaanada kuma ciyaaree waan kaga cisiiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. m.f.dh, dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanso
v. fetch water (for oneself); fill something up (with liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanso
(fal) buuxso oo wax meel aad ku shubatay daf ka sii. Dh: buuxso.
dhaanso: (fal) ceelka weel kaga dhaanso biyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanso
de: fetch water (for oneself); fill s.t. up (with liquid)
lx: dhaanso
pd: (dhaansaday)
ps: v3a=
xe: I only fill up my stomach so I dont think about anything else.
xv: Anigu caloosheyda uun baan dhaansadaa ee waxba kama fekero.
key: dhaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaanto
(Dhaanta-da)
Cayaaraha Soomaalidu tumato oo waaweyn mid kamid ah; hirwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanto
f. n., [collective] major Central & Western Somali partner clap dance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaanto
-dhaantada: (n) Somali folk dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanto
-da: (maga, dhedig, keli) dhadaanbi raad aad u badan oo bahal ama dad meel ay si is dhaafdhaaf ah u marmareen.
dhaanto -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar loo yaqaanno magacyo kala duwan sida Hirwo iyo Weglo oo ka mid ah ciyaaraha ugu fac weyn ee Soomaalida. Ciyaarta wiilashu waxay ku labbistaan toorrey, labo go' oo maxamuudi ah, garbagale iyo kabo jaangeri ah, gabdhuhuna waxay xidhaan kuul shakaalan oo cunaabi ah, dugaagado, maro saddex qayd ah oo boqor iyo dhacle wadata, shalmad subeeciyad ama khayli ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanto
de: major Central & Western Somali partner clap dance involving both men and women
lx: dhaanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhaanto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanay
(fal) ha xurmayn oo sharafdil ku samee. Dh: ihaanee, dullee, dullay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho. m.f.dh, ihaanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihaanee
v. despise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ihaanee
-yey / ihaaneysay: (v) treat as contemptible or unworthy: despise (dispaays); condemn (kondteem); scorn (iskoon) ~ xaqir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanee
(fal) eeg ihaanay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihaanee
de: despise
lx: ihaanee
pd: (ihaaneeyey)
ps: v2b=
key: ihaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama hal-abuurnimo aan cid laga baran yeelasho. Gabaygu waa ilhaamiyo sed uu Guulle bixiyaaye. Dh: hibo, deeq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaaco
-da: (magac, dhedig, keli) war aan sax ahayn oo la faafiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaaro
(Ishaara-da)
Far ku fiiq; baaq; tusmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaaro
m.dh Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaaro
m.dh Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaaro
f. n. indication, sign, omen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ishaaro
name-f indication, sign, omen (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishaaro
-ishaarad: (n) 1. prediction (piridikshin), prophecy. 2. traffic light stoplight, traffic signal. 3. indication (in-dikeeyshin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaaro
bw: Arabic
de: indication, sign, omen
lx: ishaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ishaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbo
(Shaanba-da)
1. Libaaxa badda iyo wixii la mid ah, dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan.
2. Kolka biyaha gudohooda lagu cayaarayo, oo inta si gaar ah oo xoog leh la isu geddiyo, lugaha la isla dhaco; huy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbo
-da: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeedka iyo wixii la halmaala, dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan.
shaanbo -da: (magac, dhedig, keli) dadka dabaalanayaa ciyaar ay isku dhuftaan lugaha. Shaambo culus baan ku dhuftay: Dh: laagbadeed.
shaanbo -da: (magac, dhedig, keli) libaaxa badda iwim ahi sida ay dabada wax uugu dhuftaan. Iska jir shaanboda yaxaaska.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Shaando
Xubinta ka tirsan buufin-bireedka ee kala hufta dambaska iyo dhuxusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aano
m.dh Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aano
m.dh Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aano
f. n. resentment, blame, revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aano
-aanada: (n) resentment (ri zent ment)-, anger (an ger)-, grievance aroused by something unjust, mean, or unworthy ~ godob, dakano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aano
-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gef hore la isku gaadhsiiyey oo lagu kala aargoosato. Aano duug ma leh, oodi hagar ma leh. Dh: dakano, utun, godob, hiijo, biili.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aano
cf: godob, hiijo, utun
de: resentment, blame, revenge
lx: aano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: aano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haan
1. (Haan-ka) Dhuun; galow.
2. (Haan-ta) a) Weel la tolo ama qori laga sameeyo oo saab leh oo biyaha lagu shubto. b) Weel kastoo weyn oo wax shubma lagu kaydiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haan
haan¹: m.l (-nan, m.l) 1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.
haan²: m.dh (-aamo, m.l) 1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haan
m.dh (-aamo, m.l) 1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haan
Table mountain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haan
f. n. water vessel of fiber, wood bucket; any large jar; gas ~ petrol tank
haan m. n. throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haan
-ta: (n) 1. vessel for water storage often used by nomads. 2. tank for water, gasoline etc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haan
(fal) beer, caleen ama caws majo kaga jar.
haan-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah dhuumaha waaweyn ee wadnaha dhiigga ka qaada iyo kuwa ku soo cesha. Tuuggii waran baa haanka lagu jaray. Dh: halbawle, galow.
haan-ta: (magac, dhedig, keli) weel qori laga qoro ama xadhko laga tolo, saab na loo sameeyo oo caanaha lagu lulo ama biyaha lagu shubto. Intuu haanta qabada ah, qaarka sare bannaan yahay, daarkuna qabyada yahay, qalabka waan sidaynaa. Dh: dhiil. Wa: haamo.
haan-ta: (magac, dhedig, keli) weel kaste oo weyn oo bir ama caag ama wax kale ka samaysan oo lagu shubto biyaha, shidaalka iyo wixii la mid ah. Tuulada waxa loo sameeyay haan biyaha lagu kaydiyo. Dh: taangi. Wa: haamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hano
(Hana-da)
1. Cudur ku dhaca haragga madaxa oo timuhu la hoolmaan.
2. Booli: Xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hano
hano¹: m.dh 1. Finan madaxa ka soo baxa oo timaha hoolhoola. 2. Booli; xaaraan.
hano²: f.g3 (-ntay, -natay) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hano
f.g3 (-ntay, -natay) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hano
v. take for one's own; possess; defraud, get by fraud
hano [feminine] n., [collective] disease of the scalp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hano
-hantay / hanatay: (v) handle well or conduct responsibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hano
(fal) gacanta ku dhig oo yeelo. Dh: hanti, qabso, hel, taab. Li: waa.
hano -da: (magac, dhedig, keli) cudur keena finan madaxa ku dhaca oo timaha daadiya. Timihii hano ayaa ka xoodhiyay. Dh: tufe, tufo.
hano-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aanad lahayn oo si sharci darro ah lagu cuno. Hano nin cunay haybad beel. Dh: boolli, xaaraan. Li: xalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaan
(Ahaan-ta)
Noqod; ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaan
m.f.dh eeg ah. la-mid: ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaan
v.-inf: to be
ahaan vl. n., [abstract] state of being, becoming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaan
(v) he or it might be. Ex: sidee buu ahaan lahaa; how he might have been
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noqod; ku sugnaan. Waxaan shirka uga soo qayb galay aqoonyahan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baano
f.g/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baano
f.g/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho. m.f.dh, baanasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baano
v. care for, nurse; feed someone on a special diet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baano
-baantay / baanatay: (v) recuperate (ri kuupereeyt); feed someone to return to health or strength ~ baani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baano
(fal) sii cunto nafaqo leh sida hilib iyo wixii la mid ah; tadaawi oo qof bukaan ah nafaqee. Dh: buullee, xannaanee, baxnaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baano
de: care for, nurse; feed s.o. on a special diet
lx: baano
pd: (baantay / baanatay)
ps: v3b=
key: baano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano
m. n., (mass n.): milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano
-caanaha: (n) milk (milk)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caano
Latte
Milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caano
-ha: (magac, lab, keli) dareeraha cad ee naasleyda oo dhan naasaha ka yimaadda marka ay dhalaan, si ilmuhu u nuugo. Hooyo caano i sii, horta reerku ha dego.
caano-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo dareere ah oo midabka caanaha leh, sida dheecaanka cad ee ka yimaadda dhirta qaarkeed. Dh: cananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caano
de: milk
lx: caano
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: cow's milk
xv: caano lo'aad
key: caano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caano
حَلِيبٍ، لَبَنٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaan
(Dhaan-ka)
Rati ama gaadiid kale oo weel biyood saaran yahay, oo inta ceel ama webi ama meel kale, oo biyo ku jiraan la geeyo, biyo lagu soo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaan
dhaan¹: m.l (-aaman, m.l) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan²: f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaan
dhaan¹: m.l (-aaman, m.l) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan²: f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho. m.f.dh, dhaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaan
v. get better, improve; be better (than)
dhaan v. get dirty ~ soiled, be all messed up
dhaan m. n. camel loaded with water vessels; water caravan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaan
-ka: (n) 1. water fetching; especially using a camel loaded with water vessels. 2. dhaan -dhaamay / dhaantay: (v) become better; feel better; improve (impuruuv). Ex: sidii hore waan dhaamaa; 1 feel better now
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaan
-ka: (magac, lab, keli) muurka biyaha lagu arooray, cidda wadda iyo biyahaba. Dhaan baa u maqan reerkan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhano
(Dhana-da)
1. Biyaha dhanaan oo fariista ama kor qulqula dhul ciiddiisu cusbo u badan tahay.
2. Dhulka jaadkaas ah laftiisa; jaan.
3. Cusbo; (ama dhane).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhano
m.dh 1. Biyo aad u dhanaan. 2. Dhul cusboole ah. la-mid: dhane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhano
f. n., (mass n.): bitter water; salt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhano
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhane.