ihaaneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaaneyn
(Ihaaneyn-ta)
Xurmaddarrayn; muunajebin; liidid; dulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaaneyn
m.f.dh eeg ihaanee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mortify
/moortifay/ (v) muuna-jabin; niyad jabin (liidid); ihaaneyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuna-jabin
-ta: (n) wounded pride; mortification (moortifi-keey-shin); humiliation ~ niyad jabin, liidid, ihaaneyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) naf ama hanti aad haysato oo aad jeceshahay cid kale u quudhid oo siin. Hanneynta maalkaaga magac wanaagbaa laga dhaxlaa. Dh: hurid, siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanay
(fal) ha xurmayn oo sharafdil ku samee. Dh: ihaanee, dullee, dullay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho. m.f.dh, ihaanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihaanee
v. despise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ihaanee
-yey / ihaaneysay: (v) treat as contemptible or unworthy: despise (dispaays); condemn (kondteem); scorn (iskoon) ~ xaqir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanee
(fal) eeg ihaanay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihaanee
de: despise
lx: ihaanee
pd: (ihaaneeyey)
ps: v2b=
key: ihaanee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaneyn
v., neg., progressive v. form: was / were not coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaneyn
de: was / were not coming
lx: imaneyn
pd: (imanayn ~ imaneynin)
ps: v4b-neg-prog
xe: Who is not coming to work tomorrow?
xv: Yaan shaqada imaneyn berri?
key: imaneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanseyn
m.f.dh eeg haansee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleyn
m.f.dh eeg ilaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaaneyn
m.f.dh eeg diiwaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) diiwaanka ku qorid. Qalabka casriga ahi diiwaanaynta aad ayuu u fududeeyey. Dh: diiwaangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanaysan
(tilmaame) mid aanan la xurmayn oo la sharafdilay. Dh: dullaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaanneen
v., pl., neg. condition: we would not have been
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaanneen
(v) we have been [with negative maannu] would not. Ex: Haddaan Somaaliya joogilahayn sidaan maannu ahaanneen; if we had been in Somalia; we would not have been like this
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaanneen
de: we would not have been
lx: ahaanneen
ps: v5a-1pl-neg-cond
xe: We would not have been teachers.
xv: Macallimiin maannu ahaanneen.
key: ahaanneen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaantayn
(Dhaantayn-ta)
Dhaanto tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaantayn
m.f.dh eeg dhaantee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaantayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaanto ciyaarid. Tartan dhaantayn ah ayaa la qabanayaa. Dh: dhaantays.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaleyn
m.f.dh eeg jibaalee. la-mid: jibaaleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaaneyn
(Macaaneyn-ta)
Macaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneyn
m.f.dh eeg macaanee. la-mid: macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid. Dh: macaanayn. Li: qadhaadheyn.
macaaneyn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sheegko, iyo wixii la mid ah xalladayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Sheeko macaaneyn bay doonaysaa. Dh: xalladayn, macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaaseyn
m.dh la-mid: najaaseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbayn
(Shaanbayn-ta)
Shaanbo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaasheyn
m.f.dh eeg shaashee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAFAWEYN
(Shafawen) N,S? Maerua decombens (Brongh) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua edulis (Gilg&Bened) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua pseudopetalosa (Gilg&Bened) Dewolf. Capparidaceae.
N Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
S, May Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miishaareyn
m.dh la-mid: miinshaareyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aneyn
a: =-aneynin
de: is ~ was / are ~ were not doing (X)
lx: -aneyn
ps: v3-neg-prog
key: -aneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaney
neg., vl. pron. she / they ... not,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaney
(v) it is the one she didn't... Ex: Ali baaney arag; Ali is one she didn't see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaney
a: beeyan
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + aan + ay
lx: baaney
pd: (baanay)
ps: focus + neg + vpro
xe: It is vegetables that the children dont like to eat.
xv: Carruurtu khudaar baaney jecleyn iney cunto.
key: baaney
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaney
m.dh la-mid: caaneeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadey
Haadey!
Erey, qof dhibaato weyni gaartey, inti is celin waayo, ku dhawaaqo; duulay! hoogey! jabay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadey
e.d Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. la-mid: hoohey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadey
inter. Woe is me!, Alas!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haadey
(expression) used to express sorrow or regret of danger; alas (a-laas) ~ hoogey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadey
haadey! (ereydhawaaq) erey qof dhibaato weyni gaadhay uu ku tayaaqsado. Haadayey maxaa ilmahaygii helay! Dh: hoogay, ba'ay, balanbalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadey
de: Woe is me!, Alas! Exclamation of great distress
lx: haadey
ps: intj
key: haadey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haahey
Haa; haaheeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haahey
qr. la-mid: haa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haahey
inter. yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haahey
(tilmaame) waa sidaa; waa runtaa. Dh: haa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haahey
de: yes Also: 'I'm here' (response when called)
lx: haahey
ps: intj
key: haahey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyo
f. n. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haanyo
-haanyada: (n) hug (haag); embrace (embareey) ~ habsiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyo
de: hug, embrace
lx: haanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawey
(Haawey-da)
Haadun; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawey
m.dh Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawey
f. n., [collective] the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawey
-da: (magacwadareed) dad sabool ah oo fara madhan; dad aan hanti lahayn. Dh: haadun, hoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawey
de: the poor
lx: haawey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: haadun
key: haawey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeyn
m.f.dh eeg hadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaano
(Ihaana-da)
Xurmaddarro; muunajebis; dulli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaano
m.dh Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ihaano
m.dh Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihaano
f. n. contempt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ihaano
-da: (n) contempt (kon tamt); disdain (dis dheyn) ~ xaqiraad, yasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaano
-da: (magac, dhedig, keli) xurmadarro kula kicid; maamuus la'aan kula dhaqmid. Boqorka beeshani wuu ihaano badan yahay.
ihaano -da: (magac, dhedig, keli) quudhsi iyo yaraysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihaano
bw: Arabic
de: contempt
lx: ihaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ihaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Banneyn
Ciearning
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweyn
m.dh la-mid: dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aa, fogayn keenid. Dh: dhawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneed
(Haaneed-ka)
1. Dhinaca geela la iska taago kolka la lisa hayo.
2. Sida la isu taago kolkaas.
3. Hab wanaagsan; habsami; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneed
haaneed¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
haaneed²: f.g1 (-day, -dday) 1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. la-mid: haneedi. la-mid: haaneedi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaneed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaneed
m. n. left side of a cow-camel (where one stands when milking)
haaneed m. n. good form, nice style, lovely way ~ shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaneed
-ka: (n) correct style; proper form
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneed
(fal) hal aad lisayso, haaneedka iska taag. Waa qaab loo joogsado kolka geela la lisayo.
haaneed-ka: (magac, lab, keli) dhinaca bidix ee marka geela la lisayo ee hadhuubka lagala galo. Haaneedka adigaa hayee gorofka hay dhaafin.
haaneed -ka: (magac, lab, keli) hab geela loo wada liso oo la joogsado. Labada nin midkood baa cagta inta uu jilibka lugta kale saaro, gorofka bawdada kor u taagan dul dhiga. Dh: miskeed.
haaneed-ka: (magac, lab, keli) quruxda iyo habka wanaagsan. Dh: habsami, qurux.
haaneed -ka: (magac, lab, keli) lisidda geela guud ahaan. Haaneedka geelu waa hab la barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.