iftiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiin
(Iftiin-ka)
Waxa u salka ah aragga oo aan la'aanti wax la arki karin; if; ilays; bidhaan; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiin
iftiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
iftiin²: m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga.
iftiin³: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Wax kaah yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iftiin
iftiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
iftiin²: m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Sii deynta kaaha ka imanaya walax saxarradeedu nuugeen tamar, iyagoo gaadhaya xaalad kacsan, kaddibna ku noqday xaalad tamar hooseysa markii ay sii daayeen kaaha birlab-danabowga. m.f.dh, iftiimid.
iftiin³: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Wax kaah yeelasho. m.f.dh, iftiimid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iftiin
Illumination
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iftiin
m. n. light; enlightenment
iftiin v. give light, shine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iftiin
name-unisex light; enlightenment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iftiin
-ka: (n) light (laayt), —iftiin -iftiimay / iftiintay: (v) emit light; illuminate (iluumaneyt); shine (shaayn); lighten (laayten),
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiin
(tilmaame) mugdi iyo madow la'aan. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan. Li: mugdi.
iftiin -ka: (magac, lab, keli) ilays meel mugdi ah siraada oo wax lagu arko.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iftiin
نور، ضياء، ضَوْء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiino
(Iftiina-da)
Goor iftiin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiino
m.dh Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iftiino
f. n. daylight; daytime
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iftiino
-iftiinada: (v) sunlight (sanlaayt); daylight (dheeylaayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiino
-da: (magac, dhedig, keli) inta qorraxdu soo jeeddo. Dh: dharaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iftiino
de: daylight; daytime
lx: iftiino
pd: (/da)
ps: n6-f-time
key: iftiino
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ITIIN
(Itin) N Commiphora boiviniana Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayaan
(Ayaan-ka)
1. Xoog la moodo inuu dadka u keeno xumaan ama samaan; cawo; hoodo; ul; nasiib;
2. (Ayaan-ta) Qorrax-soo-baxa iyo qorraxdhaca inta u dhexaysa oo iftiinka ah; maalin; dharaar; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaan
(Bidhaan-ta)
Muuqaal yar oo meel fog laga arko; iftiin ama dhalaal yar oo meel ka bilig yiraahda; birbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilig
(Bilig-ta)
Iftiin ama dhalaal yar oo muuqashadiisa iyo qarsoomiddiisu isu dhow yihiin; big; bidhaan; walac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birid
(Birid-da)
Iftiin yar oo meel ka bilig yiraahda; daarmid; hurid; shidmid; hillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birin
(Birin-ta)
Dab yar daarid; iftiin yar muujin; shidid, hurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadceed
(Cadceed-da)
1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meereyaasha kale ku meeraan; qorrax; qundhac; libdho; gabbal.
2. Iftiinka qorraxda oo barqada iyo galabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daal
(Daal-ka)
1. (-') Culayska iyo juucjuuca oogadu iska dareento kolkay socod ama hawl badan qabato.
2. Iniino jaadka digirta kamid ah oo qaab wareegsan leh; xoolaha iyo dadkuba waa cunaan. 3.* Cad dhalo duwan ah oo labada dhinacba ka foocsan oo fallaaraha iftiinka uruursha ama faafiya; cadad jaadkaas ah oo aragga loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dab
(Dab-ka)
Kulaylka iyo iftiinka ka yimaada, wixii la gubo ama la shido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalayn
(Dalayn-ta)
1. Dal ka dhigid.
2. Qurxin; dheehid; jalayn.
3. Aqal, kd., meelo ka banbannayn, si neecawda iyo iftiinku u soo galaan; neecaabin; khalfado u furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dariishad
(Dariishad-da)
Daloollada loo yeelo aqallada, kd., oo iftiinka iyo neecawdu kasoo galaan; khalfad; shabaako, daaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalanteed
(Dhalanteed-ka)
Waxyaalo fogfog muuqaalladood ishu moodayso inay arkayso, waxaana ku wacan, iftiinka qorraxda, oo inta soo dhex mara, lakabyo kala sarreeya oo kala qabow, kalana cumursan oo neecaw ah, kolkuu dhulka yimaado misna kor u jinbacma haya; muuqaallada laga arko dhulalka kululi waa ka duwan yihiin kuwa laga arko dhulalka qabow; wirwir; dhaan dabaggaalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalo
(Dhala-da)
1. Madaxa meesha ugu sarraysa; kug; dhako.
2. Wax adag, jabina og, oo dhalaala, oo wixii ka shisheeyaa muuqdaan oo dabaysha celiya iftiinkana soo daaya; waxyaalo badan oo aan la tirin karin oo dadka aad iyo aad wax u tara baa laga sameeyaa; dhawr waxyaalood oo laysku dardaray bay ka kooban tahay: ciid, sooda, xaraar...
3. Ubbo dhalo laga sameeyey; qarsho; quraarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin-caanood
(Diillin-caanood-da)
Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filim
(Filim-ka)
1. Daliig ama dhuub xalleefsan oo galoolan oo dusha laga marshey wax iftiinka aad u dareemi og oo wax lagu masawiro.
2. Masawirro is dabo xiimaya, oo dheeraynta darteed la mooda hayo, wax dhaqdhaqaaqa haya ama nool; shineemo (ama filin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gal
(Gal-ka)
1. Dhar yar oo la tolo oo qalabka qaarki, sida barkimooyinka, lagu rogo ama la dhex geliyo oo dhawraarin u ah.
2. Dabool harag ah ama qori ama bir ama wax kale, oo qalabka qaarki (billawe, seef, kd.) loo sameeyo, laguna qaado.
3. Biyo kooban oo meel fadhiya; balli; haro.
4. (shax, waalo, kd.) badin; ka dhicid; foorad.
5. Garangar iftiin ah oo xilliyada qaarkood dayuxu dhex galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudcur
(Gudcur-ka)
1. Bisha barkeeda danbe oo aan caddada ahayn.
2. Iftiin la'aan; mugdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawtulhamag
(Hawtulhamag-ga)
1. Cayayaanka duulduula oo habeenkii dabka iftiinkiisa soo raaca oo ku gubta.
2. Qofka aan kala aqoon waxa u roon iyo waxa u daran; xagga waxgarashada ka indhala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaac
(Hillaac-a)
Iftiin xoog badan oo daruuraha da'a haya ka dhex muuqda kolka jacdu qarxato oo onkodku yeero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaacid
(Hillaacid-da)
Iftiin xoog badan daruuraha da'a haya dhexdooda ka muuqasho, kolka jacdu qarxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiimin
(Iftiimin-ta)
Iftiin u yeelid; ifin; ilaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiimin
m.f.dh la-mid: ifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilays daarid; si cad u muujin. Dh: ifin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iftiin_1
cf: bidhaan, big, bilig, walac
de: light; enlightenment Opp: gudcur ~ mugdi 'darkness'
hm: 1
lx: iftiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iftiin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iftiin_2
de: give light, shine
hm: 2
lx: iftiin
pd: (iftiimay)
ps: v1=
key: iftiin_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Iftiinka
de: Light of Education (Somali literary magazine)
lx: Iftiinka
pd: \pd-Aqoonta
ps: np
key: Iftiinka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiinso
(fal) iftiin ka day; ilays ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixin
m.f.dh eeg ifbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ifi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iftiimi
v. enlighten, make bright, shed light on, light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iftiimi
-yey / say: (v) make to shine brightly; lighten (laayten), illuminate (iluumaneyt); glow (g/oow) ~ kaahi. Ex: Shutnacan baa gurigii oo dhan iftiimiyey; This candle illuminated the whole house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iftiimi
(fal) eeg ifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iftiimi
de: enlighten, make bright, shed light on, light
lx: iftiimi
pd: (iftiimiyey)
ps: v2a=tr
key: iftiimi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iftiimo
name-f daylight; daytime. Lit: born in daytime
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intihin
m.f.dh eeg intihi. la-mid: intihayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg rifitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiitiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin, tiintiin Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiin
(Fiin-ta)
1. Shinbir ci gaar ah oo la wada yaqaan leh: waxay ka cidaa baa la yiri, wax dhici doona (col, roob, ...); galow; dhebed.
2. (buuro; kuudad, kd.) meesha ugu dheer; baar; caarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiin
m.dh 1. Jaad ka mid ah shimbiraha oo leh qaylo dheer oo meel fog laga maqlo, dadkuna rumaysanyahay inay ka digto colaad ama roob badan; galaw, dhebed. 2. Geed, buur iyo wixi lamida meeshooda ugu sarreysa. 3. Kuul yaryar oo haweenku xirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiin
m.dh 1. Jaad ka mid ah shimbiraha oo leh qaylo dheer oo meel fog laga maqlo, dadkuna rumaysanyahay inay ka digto colaad ama roob badan; galaw, dhebed. 2. Geed, buur iyo wixi lamida, meeshooda ugu sarreysa. 3. Kuul yaryar oo haweenku xirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiin
f. n., [collective] bustard bird species, whose cry is held to predict events
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fiin
name-m predicter; a buzzard bird sp., whose cry is believed to predict future events. Lit: he who was born while a buzzard bird was sitting ontop his family's hut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiin
-ta: (n) peak (piik); summit (samit) ridge (rij)~baar ama caarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fiin
magac loo baxsho wiil cod qurux badan laga arkay ama xilligii uu dhalanayay shinbirkaasi ag joogay guriga oo khayr laga bishaaraystay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiin
-ka: (magac, lab, keli) afarta gees ee bubka, midkood.
fiin -ta: (magac, dhedig, keli) buuro iyo wixii la mid ah, meesha ugu dheer. Dh: baar, caarad, fig.
fiin-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shimbiraha oo cidiisu caan tahay. Waxa loo haystaa, in marka uu ciyo uu farrinayo roob soo da'aya ama colaado soo fool leh. Filan waaga igu dhacay, fiintu ba la oydee. Dh: galow, dhebed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiin
cf: galow; shimbir
de: bustard bird sp., whose cry is held to predict events
lx: fiin
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: fiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifin
(Ifin-ta)
If u yeelid; iftiimin; ilaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifin
m.f.dh eeg ifi. la-mid: ifis, iftiimin, iftiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mugdi ah, ilays ku bixin; dab, nal iyo wax la mid ah, shidid. Dh: iftiimin; caddayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiin
(Tiin-ka)
1. Miro yaryar oo macaan badan oo gudaha ku leh gan ubax ah; waxay lee yihiin dalool yar oo uurka iyo afka isu haya; wax ka bisayldhaafi og, oo sidaas daraaddeed, waa la engejiyaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
3. Geed dhulka kulul iyo lamaddegaannada ka baxa oo aan caleemo lahayn oo laamihiisu ka samaysan yihiin xubno bagbagafsan oo wada buruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin; wuxuu dhalaa miro qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana qodxo ku rogan yihiin; qurcis; tiin-hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiin
tiin¹: m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
tiin²: (-tiin) dk.lh.dh la-mid: tiinna².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiin
m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiin
Cactus
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiin
m. n. cactus plant; succulent used as a hedge
tiin m. n. fig tree; fig ~ figs (fruit)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIIN
(Tin) S, C, N, May. NFD Opuntia ficus indica L. Cactaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiin
-ka: (magac, lab, keli) geed lamaddegaannada iyo dhulka kulul ka baxa oo aan laamihiisu caleemo lahayn ayse ka kooban yihiin xubno bagbagafsan oo wada baruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin, wuxuu dhalaa midho qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana ay qodoxi ku rogan tahay. Dh: qurcis, tiinhindi.
tiin -ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka tiinka ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftin
(Aftin-ta)
1. Kobta banka iyo dhirtu dhinaca isaga hayaan oo labadaba laga gaari karo; iran.
2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftin
f. n. virgin land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftin
-ta: (magac, dhedig, keli) kobta banka iyo dhirtu dhinaca iskaga hayaan oo labadaba laga gaadhi karo. Reerku waxa uu deggan yahay aftinta ugu sokaysa. Dh: qoor, idhan, iran, afmeer.
aftin-ta: (magac, dhedig, keli) meel dihin oo aan la daaqin. Dh: cogor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftin
de: virgin land
lx: aftin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: aftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idiin
1. Uyaalka qofka lala hadla hayo oo koox ah; dartiin; daraaddiin.
2. (Idiin-ta) Haragga megedda laga dhigo oo aad loo jilciyo; maas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idiin
m.dh Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idiin
pron. and preposition: to you all, for you, on your behalf
idiin: [feminine] n. leather (dyed and prepared)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Idiin
pour vous (pluriel).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idiin
(pronoun) you (plural). Ex: waxaan idiin sheegayaa; I want to tell you [all]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idiin
(magac'uyaal) qofka labaad ee lalahadlaha ah oo wadar ah. Waxaan idiin sheegayaa in maanta la guurayo. Dh: idinka.
idiin-ta: (magac, dhedig, keli) harig la jilciyay ama la deebiyay oo dhogortii laga muldhiyey. Idiinta masalle ayaa laga samaysan jirey, masaftana waa lagu gaaran jirey, qardhaastana waa lagu jaxaasan jirey.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Idiin
Saan magdaysan ee jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniin
(Iniin-ta)
Abuur yar oo adag; lafta miraha; hal ciid ah ama badar ama wixii kaloo sidaas u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniin
f. n. grain, seed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iniin
-ta: (n) [iniino-ha] seed (siidh); nut (nat); pip (pip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iniin
-ka: (magac, lab, keli) subagga burcadka ah ee mar soo baxa. Dh: burcad.
iniin-ta: (magac, dhedig, keli) laf yar oo ku jirta midhaha dhexdiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniin
cf: daafi
de: grain, seed
lx: iniin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: iniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iniin
حَبَّة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intii
conj. since, from the time; while, until
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intii
(conjunction) during the time that: while (waayl). Ex: intii aan ku sugayey; bay timid; she came, while I was waiting for you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intii
de: since, from the time; while, until
lx: intii
ps: conj
key: intii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iqiin
v., sg., simple past tense: I knew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iqiin
(v) [past tense of aqaan] knew (nuu) aqiin, iqiinay. Ex: waan iqiin; I knew
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iqiin
de: I knew
lx: iqiin
pd: (aqiin)
ps: v4d-1sg-past
key: iqiin