ifis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifis
m.l la-mid: ifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifiso
(Ifisa-da)
1. Iftiin ka dhigta; wax aan muuqan muujisa.
2. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo; birbiriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo, birbiriso. 2. Xabbad iftiin bixisa oo habeenkii cadowga lagu yoolbaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifiso
f. n. illumination, light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifiso
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas marka la rido olol bixisa oo iftiinta. Dh: midhcas, tarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifiso
de: illumination, light
lx: ifiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ifiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rifid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
efficiency
/ifishensi/ (n) wax-qabad fiicni.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flashlight
/flaash-layt/ (n) 1. toosh, karbuuno (n) 2. falaashka ama ifisada kaamarada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniiniso
-da: (magac, dhedig, keli) walax iftiin bixisa. Dh: ifiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullalaydh
-ka: (magac, lab, keli) rasaas ifta oo habeenkii samada loo rido si ay wax u iftiimiso, ciidamadu cadowgooda ku arkaan. Magaaladii waxa dharaar lagaga dhigay buullalaydh. Dh: ifiso, buullalayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallo
-da: (magac, dhedig, keli) waran, gantaal ama gamuun iyo wixii la mid ah oo xagga cirka loo gano ama loo tuuro. Ifiso cirtaallo ah ayaan riday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegcas
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaasta ifisada. Dhegcas ayuu cirka u riday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifis; soo iftiimitaan. Kaahista dayaxa ma u jeeddaa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libdho
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigta weyn ee dunida maalintii ifisa. Waa xiddigta ay meerayaashu ku wada wareegaan. Dh: qorrax, cadceed, gabbal, qundhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifi
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax iftiin ku qabasho. 2. Raadraac yar arrin iyo wixi lamida ka bixin. la-mid: iftiimi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ifi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax iftiin ku qabasho. 2. Raadraac yar arrin iyo wixi lamida ka bixin; iftiimi. m.f.dh, ifin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifi
v. enlighten, make bright, light; kindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ifi
-yey / say: (v) cause to give out light; make luminous ~ daar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifi
(fal) dab, nal iyo wax la mid ah, shid; siraad. Tooshka ku ifi aqalka oo fandhaallada noo soo qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifi
de: enlighten, make bright, light; kindle
lx: ifi
pd: (ifiyey)
ps: v2a=tr
key: ifi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaaniso lagu daro cajiinta daqiiqda si ay u faxdo oo loo dubo. Dh: dhanaaniso, fixiso, khamiiriso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ibis
/aybis/ (n) shimbir weyn oo laga helo meelaha biyo galeenka ah iyo cimilada kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifid
(Ifid-da)
Iftiin wax lagu arko yeelasho, ilays soo saarid; iftiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifid
m.f.dh eeg if².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifid
-da: (magac, dhedig, keli) ilays bixin, iftiin bixin. Dh: iftiimid, nuurid, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifin
(Ifin-ta)
If u yeelid; iftiimin; ilaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifin
m.f.dh eeg ifi. la-mid: ifis, iftiimin, iftiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mugdi ah, ilays ku bixin; dab, nal iyo wax la mid ah, shidid. Dh: iftiimin; caddayn
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
iris
(n) the colored, round, membrane of the eye, situated between the cornea and lens.
xayuubka midabka leh ee wereegsan isha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
iris
/ayris/ (n) 1. bu'da isha (birta isha) 2. ubax qurxoon.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
iris
iris, n.m. - qaybta madow ee isha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifis
-ta: (magac, dhedig, keli) biifid ku samayn. Biifiska ka jooji waad caddaysaye. Dh: qurxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifis
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax taagnaa, dhulka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiifis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bi'is
m.l la-mid: bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bi'is
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka tiris meeshuu ku yaallay ama ku qornaa. Bi'ista cashirka adigaa u sabab ah. Dh: baabi'is, tirtiris.
bi'is-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan ama xoolo, baabi'is. Biis looga cabsi qabaa gabdhaha dugsigan wax ka barta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
biais
biais, n.m. - Duwid; Dhinac u qalloocin; aan toosnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidis
-ta: (magac, dhedig, keli) dareen bidid ah. Bidis laguma talageli karo.
bidis -ta: (magac, dhedig, keli) noola ama wax baad leh bididdiis. Bidis may karaysaa shinbirtii dhagaxa lagu dhuftay. Dh: duulis, haadis.
bidis-ta: (magac, dhedig, keli) bididda ku dhacda timaha. Dh: rifmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikis
-ka: (magac, lab, keli) bikin ku samayn. Halkaa daloosh bikisteedaan haleeli kari waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilis
(Bilis-ta)
1. Cid wanaagsan ka dhashay; gob; dhalad; xor.
2. Haween; dumar; dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilis
f. n. noble, well-off, high-caste, free-born person
bilis [feminine] n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilis
-ta: (n) women (wi-men); women considered as a group; womenkind ~ dumar, bilis-xaawalay, haween, naago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilis
-ta: (magac, dhedig, keli) bilid ku samayn.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) qoys wanaagsan ka dhashay. Bilis buu ka soo jeedaa dadnimada lagu yaqaanno. Dh: xor, gob, dhalad.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid ku samayn oo kor u qaadis. Bilis baa wax lagu qaadi jirey oodda jiiddada ahi.
bilis-ta: (magacwadareed) dhedigoodka aadamaha oo aan kala reeb lahayn, yar iyo weyn. Dh: dumar, haween, gambooleey, xaawaley, bilisxaawo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilis
نبيل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
binis
-ka: (magac, lab, keli) siligyada mareegta marka uu dahaadhku ka dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biris
-ta: (magac, dhedig, keli) hurinta dab yar. Dh: bidhis, daaris, huris. Li: demis, bakhtiis.
biris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhid.
biris -ta: (magac, dhedig, keli) leexista ama laabista walax fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixis
m.l la-mid: bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixis
vl. n. departing, act of going out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bixis
a: bixid
de: departing, act of going out
lx: bixis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: bixis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cafis
m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. la-mid: cafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafis
vl. n. pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cafis
-ka: (n) the act of forgiving or excusing; pardon (paar-den); forgiveness (fer-giv-nes); amnesty (aam-nest); absolution (ab-suuli-shin) ~ dambi dhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafis
-ka: (magac, lab, keli) wax xun oo qof falay ama loo qabey oo eedii uu mutaystay laga daayo. Cafis ayaa loo fidiyey dambiilihii. Dh: saamaxaad, cafiyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cafis
de: pardon; amnesty, forgiveness; apology, excuse
lx: cafis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: cafis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifid
m.dh la-mid: cifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafis
-ta: (magac,dhedig, keli) boob degdeg ah ku dafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Di'is
(Di'is-ta)
Di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
di'is
m.dh la-mid: di'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibis
(ereycodeed) awrta lagu yidhaa oo lagu amarayo inuu lugaha isku keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didis
-ka: (magac, lab, keli) eeg didin.
didis -ka: (magac, lab, keli) kala boodidda labo walxood oo leh danab kala duwan, ku togan iyo ku taban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diris
(Diris-ta)
Meel u dawis; meel aadsiis; dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diris
m.dh la-mid: dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diris
vl. n. act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diris
de: act of sending
lx: diris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: diris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidis
m.l la-mid: fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidin.
fidis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figis
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid dareere ama burcad ah oo kulul oo jidhka markuu ku xanuuno la is mariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firis
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: fidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gifin
(Gifin-ka)
Wax yar; gibin; gaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gifin
gifin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gifin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gifin
m. n. small thing ~ amount
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gifin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar; gibin; gaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gifin
a: gaban ~ gibin
de: small thing ~ amount
lx: gifin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
key: gifin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafis
m.l la-mid: hafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hufid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iblis
le Diable.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ifilo
-ifilada: (n) influenza (infulu-weensa)', flu (fuluu) ~ hargab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifilo
-da: (magac, dhedig, keli) hargab daran oo qandho badan iyo madax wareer xoogle leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibis
(Iibis-ka)
Iibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibis
m.l la-mid: iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibis
vl. n. buying, selling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibis
-ka: (n) the act of selling (seeling) ~ gadid -da, iibin -ta.
soo iibiska: (n) the act of purchasing (peerjaasing)