if qorraxeed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
If qorraxeed
Sunshine
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ifqorraxeed
m.l (ifaf ..., m.l) (fiisikis) Iftiinka toos uga yimaadda qorraxda, kaasoo suurtageliya in la arko waxyaalaha dhulka oogadiisa ah. Wuxuu ka koobanyahay qeybta kaah cadceedeedka ee leh dherer mowjadeedka ee u dhexeeya kuwa cas iyo iftiinka casuusta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
if-qorraxeed

Sunshine recorder
If qorraxeed sajile
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar qorraxeed
Sunspot
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tub qorraxeed
m.l (-bbo ..., m.l) Jidka qorraxdu ay u muuqanayso inay marayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tub qorraxeed
Ecliptic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqorraxeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqorraxeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habqorraxeed
m. n. solar system
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqorraxeed
-ka: (magac, lab, keli) nidaamka iyo qaabka dhigan ee ay xiddigaha badhkood cadceedda ugu wareegaan oo ugu raadaysmaan.
habqorraxeed -ka: (magac, lab, keli) qaabka dab iyo tamar looga dhaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habqorraxeed
de: solar system
lx: habqorraxeed
pd: (-ka)
ps: n0-m
syn: bah cadceedeed
key: habqorraxeed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaah qorraxeed
Insolation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahqorraxeed
-ka: (magac, lab, keli) tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqoraxeed
m.l Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habqoraxeed
m.l Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tamar qorraxeed
Solar Energy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaah-qorraxeed
m.l (fiisikis) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaah-qorraxeed
m.l (fiisikis) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin qoraxeed
Solar day,mean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinqorraxeed
-da: (magac, dhedig, keli) celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-qorraxeed
m.dh (fiisikis) Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamar-qorraxeed
m.dh (fiisikis) Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilqooreed
(Ilqooreed-da)
Godka isha, dhinaciisa karingaabadka ah oo xagga dhegta xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooreed
m.l/dh (cilmiga naflayda) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. la-mid: ilqoor, ilqooraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilqooreed
m.l/dh (cilmiga naflayda) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. la-mid: ilqoor, ilqooraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilqooreed
f. n. outer corner of the optical alveolus; corner of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilqooreed
-ka: (magac, lab, keli) isha dhinaceeda dhegda xigta. Dh: ilqoor, ilqoodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilqooreed
a: ilqoor (ta) [n-f]
de: outer corner of the optical alveolus; corner of the eye
lx: ilqooreed
pd: (-da)
ps: n-f
key: ilqooreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxood
m.f.dh eeg qorraxoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsad
m.l la-mid: qorraxsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf qaaradeed
Continental glacier
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirlf birlabeed
Magnetic pole
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiiro qaaradeed
Continental slope