idiyaalismo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idiyaalismo
m.dh Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idiyaalismo
-da: (magac, dhedig, keli) aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
idealismo
s.m. - raacid mabda' fiican, iyadoon la qiimayn nolosha maadiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aydiyaalism
m.l (fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aydiyaalism
m.l (fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof). m.f.dh, diyaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarso
v. prepare something for oneself, make something ready for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarso
(fal) eeg diyaargarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarso
de: prepare s.t. for oneself, make s.t. ready for oneself
lx: diyaarso
pd: (diyaarsaday)
ps: v3a=tr
key: diyaarso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
idealism
/aydhiyalism/ (n) fikrad ku salaysan in wax kasta horyaal noqdo ama heer sare. e.g. the idealism of the young generation.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
idéalisme
idéalisme, n.m. - idiyaaliisimada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyaalnimo
(Ciyaalnima-da)
Ciyaal ahaan; carruurnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaalnimo
m.dh Ciyaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyaalnimo
f. n., [abstract] childhood, childishness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaalnimo
-ciyaalnimada: (n) 1. childhood (jaayldhi huudh) ~ carruurnimo. 2. childish act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaal ahaan, dhaqanka carruurta yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyaalnimo
cf: carruurnimo
de: childhood, childishness
lx: ciyaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ciyaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciyaliso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr ama bahalaha kale ee qoor ah, marka ay wax guulayaan miciyo isku xoqid. la-mid: miciliso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miciyaliso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr ama bahalaha kale ee qoor ah, marka ay wax guulayaan miciyo isku xoqid. m.f.dh, miciyalisasho. la-mid: miciliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciyaliso
(fal) awr ama bahalaha kale marka ay wax guulayaan miciyo isku xoqid. Dh: miciliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
admiraalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) admiraal ahaan; qaadashada derejada admiraal. Admiraalnimo ayuun baa haddeed aabbahay u hadhay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
imperialismo
s.m. - gumaysi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
regionalismo
s.m. - goboleysi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
individualisme
individualisme, n.m. - keli noolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxis
dibaaxis¹: m.l la-mid: dubaaxin.
dibaaxis²: m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxis
m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Meel xilliga diraacda ku sugnaan. 2. Tamardarro, cunto yaraan ku noolaansho (xoolo). la-mid: diraaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraacso
v. enter into the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraacso
(fal) xilli diraaceed la kulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraacso
de: enter into the dry season (i.e., the time of Diraac)
lx: diraacso
pd: (diraacsaday)
ps: v3a=intr
key: diraacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq weyn oo ka daba shanqadha bixin. Diyaamidda hubka meel dheer baa laga maqlaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarin
(Diyaarin-ta)
Diyaar ka dhigid; darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarin
m.f.dh eeg diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaargarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaalso
(fal) wax aad dhibaato ka gabbaadsato ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalis
m.dh la-mid: dumaalid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
idealist
/aydhiyalist/ (n) tusaale sare oo khayaali ah. (falsafadda iwm) ~ fikrad sare oo khayaali ah aaminsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlaasho
m.dh la-mid: idlaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax yar ku raali noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax yar ku raali noqosho. m.f.dh, iimaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaanso
v. be content with what one has; be easy to please
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaanso
-iimaansaday / iimaansatay: (v) have a faith and trust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaanso
(fal) ku qanac wixii aad haysato oo ku kalsoonow. Dh: qanac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimaanso
de: be content with what one has; be easy to please
lx: iimaanso
pd: (iimaansaday)
ps: v3a=intr
key: iimaanso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaalso
f. n./m: stocking, pair of socks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaalso
-iskaalshada: (n) [Pl. iskaalshooyin-ka] sock (sook)-, socks (sookis), sox
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaalso
de: stocking, pair of socks
lx: iskaalso
pd: (/da ~ /ha)
ps: n6-f/m
syn: sharabaad, sigis {It}
key: iskaalso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalis
m.dh la-mid: jidaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaali
m. n. illusion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaali
-ah: (adj) mythical (mithikal); imaginary (imaajaneri); unreal (an riyal) ~ khayaali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaali
a: khayaali
bw: Arabic
de: illusion
lx: khiyaali
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: khiyaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaamo
m.dh la-mid: khayaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khiyaamo
m.dh la-mid: khiyaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaamo
f. n. cheating, deception, trick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaamo
-khiyaamada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (faroodh), deception (disapshan) ~ khayaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaamo
-da: (magac, dhedig, keli) dhagridda cid kale oo daacad ah. Dh: sir, mardabo, khiyaano, khayaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaamo
a: khayaano
de: cheating, deception, trick
lx: khiyaamo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khiyaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadis
m.l la-mid: siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadis
-ka: (magac, lab, keli) siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax kordhisasho. m.f.dh, siyaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ukiyaalo
-ha: (magac, lab, keli) muraayadda indhaha la gashado, qurux ama arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaliso
m.dh la-mid: dhalaaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaalis
m.l Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo wax kala gadanaya oo loo dhexeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaamiko
m.dh la-mid: daynaamiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinaamiko
f. n., [abstract] dynamics {physics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinaamiko
de: dynamics {physics} {It}
lx: dinaamiko
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dinaamiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarsan
U diyaar ah in wax laga qabto ama lagu qabto; agaasiman; darban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho. m.f.dh, diyaarsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarsan
der. [adjective] ready, prepared
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaarsan
-aa / ayd: (adj) prepared (piripeeridh); ready (reedhi); made ready; ready to go ~ la diyaariyey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarsan
(tilmaame) isku dubbadhacsan oo wixii loo baahnaa oo dhani diyaar u yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarsan
de: ready, prepared
lx: diyaarsan
pd: (diyaarsanaa)
ps: adj-der
key: diyaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaliso
m.dh la-mid: fulaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) Allabariga loo sameeyo haweenay foolanaysa in uu Ilaahay u dhibyareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulaaliso
(Fulaalisa-da)
Duco ama wax kale oo loo sameeyo haweenka fooshu hayso, si ay xanuunyari u dhalaan darteed; (ama falaaliso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. la-mid: falaaliso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fulaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. la-mid: falaaliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulaaliso
f. n. prayers for a woman about to give birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) duco iyo Allabari loo sameeyo haweenka fooshu hayso si ay dhibyari ugu dhalaan darteed. Dh: xaawiyafaadumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulaaliso
de: prayers for a woman about to give birth
lx: fulaaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fulaaliso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamiso
(Hayaamisa-da)
Cudur riiraxyo badan keena; hinjibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. la-mid: hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iyo wixi lamida; hinjibiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaamiso
f. n. tickling irritation of the throat (which causes coughing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamiso
-da: (magac, dhedig, keli) cudur riiraxanyo badan keena. Dh: yahaamiso, hinjibis.
hayaamiso -da: (magac, dhedig, keli) habaas xoolaha socdaa kiciyaan oo dadka afka iyo sanka ka gala oo mararka qaar hargab ama duray dhaliya. Dh: boodh, habaas, siigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaamiso
cf: riiraxyo
de: tickling irritation of the throat (which causes coughing)
lx: hayaamiso
pd: (-da)
ps: n-f
key: hayaamiso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
idéaliser
idéaliser, V. - fikrad fiican siin (qof)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
idealista
s.m. - e f. qofka aaminsan idealismo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
idéaliste
idéaliste, adj. et n. - qofka idiyaalistiga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlaansho
(Idlaansha-ha)
Dhammaansho; daba-go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlaansho
m.l/dh la-mid: idlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlaansho
vl. n., stative v. completion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlaansho
a: idlaad
de: completion
lx: idlaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: idlaansho