ictiqaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: citiqaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof diin, mabda' iyo wixi lamida aaminsan. la-mid: ictiqaadsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
citiqaadsan
der. [adjective] believed, convinced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
citiqaadsan
-aa / ayd: (adj) believed (be liivit); perceived as true; trusting (tarasting); trustful ~ rumaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadsan
(tilmaame) mid wax rumaysan. Dh: ictiqaadsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
citiqaadsan
de: believed, convinced
lx: citiqaadsan
pd: (citiqaadsanaa)
ps: adj-der
key: citiqaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiraafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof). m.f.dh, ictiraafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) rumaysnaansho; ictiqaadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qab
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax xagga sare ka soo dhaca oo dhulka foorar ugu dhaca. Albaab ayaa qab nagu yidhi.
qab: (fal) ha lagugu lahaado; dushaada ha ahaato. Kharashka kirada nus adu qab nusna anaa qabaya.
qab: (fal) xaas meher ha kuugu xidhnaado; islaan guur ha inniga dhexeeyo. Gabadha ha furine qab kol haddaad jeceshahay. Li: fur, qalaaq.
qab: (fal) cudur lahaw; cudur ha ku hayo. Haddaad is dawayn weydo weligaaba xanuunka qab. Dh: nuunsanaw, bukoo. Li: bogso.
qab: (fal) aaminsanaw; sidaa u hayso oo u ictiqaadsanaw. Fikraddaan qabo ila qab qof ha ku qasbin. Dh: rumaysnaw. Li: diidanaw.
qab -ka: (magac, lab, keli) edeg qalwo ama raar ka samaysan oo maqasha loo dhiso oo lagaga ilaaliyo bahalaha iyo dhaxanta.
qab -ka: (magac, lab, keli) isla wayni iyo is qaadqaad. Isagana qab baa dilay, iyo nabarkaan dawo lahayn.
qab -ka: (magac, lab, keli) qalab iyo wax badan oon kala caddayn oo qof sito ama meel lagu tuulay. Cali wuxu noo soo galay isaga oo qab badan sita. Dh: jil, cafash.
qab -ta: (magac, dhedig, keli) bir dugaagga iyo bahalaha loo dhigo si loogu qabto. Qab u dhig si aad u qabato. Dh: gebti, dabin, qabato.
qab -ta: (magac, dhedig, keli) balo lama filaan ah oo si kedis ah u dhacda. Annaga oo hurudna ayay qabtii nagu dhacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaadsanaan
m.dh la-mid: citiqaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiqaad
(Ictiqaad-ka)
Rumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaad
ictiqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiqaad
ictiqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid. m.f.dh, ictiqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictiqaad
m. n. belief, faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictiqaad
-ay I day: (v) expect or suppose; think (thiink); believe (be liiv) ~ citiqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictiqaad
-ka: (magac, lab, keli) mabda' iyo wax la mid ah, aaminsanaan ama tixgelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictiqaad
bw: Arabic
cf: mooddo
de: belief, faith
lx: ictiqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ictiqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaadid
m.f.dh eeg ictiqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaadsanaan
m.f.dh eeg citiqaadsan. la-mid: citiqaadsanaansho, ictiqaadsanaan, ictiqaadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rumaysnaan; ictiqaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafsanaan
m.f.dh egg ictikaafsan. la-mid: ictikaafsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraafsanaan
m.f.dh eeg ictiraafsan. la-mid: ictiraafsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciqaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Cid, wax la ciqaabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciqaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Cid, wax la ciqaabay ahaansho. m.f.dh, ciqaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciqaaban
(tilmaame) mid la ganaaxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictimaad
m. n. reference, basis (for something); letter of recommendation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictimaad
bw: Arabic
de: reference, basis (for s.t.); letter of recommendation
lx: ictimaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ictimaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intaadan
conj., vl. pron., neg. before you ...; not until you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intaadan
(conjunction plus pronoun) before you...~inta aadan, intaanad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intaadan
de: before you ...; not until you ... = inta + aad + aan
lx: intaadan
ps: conj + vpro + neg
key: intaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsan
(tilmaame) mid dheelsan; mid cayaarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: imtixaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabsan
(tilmaame) la tijaabiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imtixaaman
f.mg4 (-aamaa, -aamayd) 1. Wax imtixaan laga qaaday ahaansho. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda ahaansho. la-mid: intixaaman, itixaaman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imtixaaman
f.mg4 (-aamaa, -aamayd) 1. Wax imtixaan laga qaaday ahaansho. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda ahaansho. m.f.dh, imtixaannaan. la-mid: intixaaman, itixaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intixaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: imtixaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqaalad
m.dh la-mid: istiqaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiqaalad
m.dh la-mid: istiqaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intifaacsad
m.l la-mid: intifaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intifaacsad
-ka: (magac, lab, keli) wax ama talo, dan iyo manaafacaad ka raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaadsan
der. [adjective] overworked; troubled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaadsan
cf: hawshoon
de: overworked; troubled
initial: s
lx: shiidaadsan
ps: adj-der
key: shiidaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caafimaad leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaadsan
der. [adjective] healthy, in good health, fine, well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadsan
(tilmaame) caafimaad qaba; aan jirranayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaadsan
de: healthy, in good health, fine, well
lx: caafimaadsan
pd: (caafimaadsanaa)
ps: adj-der
key: caafimaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imtixaannaan
m.f.dh eeg imtixaaman. la-mid: imtixaannaansho, intixaannaan, intixaannaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intixaannaan
m.dh la-mid: imtixaannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarsad
m.l la-mid: isticmaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarsad
-ka: (magac, lab, keli) quruumo kale, addoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiqaad
-ka: (magac, lab, keli) cod shicibka laga qaado oo ay go'aan mahuraan ah ku oggolaadaan ama ku diidaan, sida dustuur cusub oo dal in laga hirgelinayo la rabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaad
citiqaad¹: m.l la-mid: citiqaadid.
citiqaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iyo wixi lamida u qasdiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
citiqaad
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iyo wixi lamida u qasdiyid. m.f.dh, citiqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
citiqaad
v. have faith in, believe in, be convinced of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
citiqaad
-ay / day: (v) have faith, confidence, or trust; believe (beliiv) ~ aamminid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad; ictiqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
citiqaad
bw: Arabic
de: have faith in, believe in, be convinced of
lx: citiqaad
pd: (citiqaaday)
ps: v1=
key: citiqaad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaadsan
name-f tied up; noticed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadsan
(tilmaame) mid dabran oo dhaadka ka xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo). m.f.dh, diqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqaysan
(tilmaame) wax halkii uu ku jiray laga guray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtixaan
-ka: (magac, lab, keli) shirrab marin; tijaabo. Dh: imtixaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictikaaf
(Ictikaaf-ka)
Fadhi masaajidka gudihiisa muddo la fariisto oo la niyoodo, oo camal san lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaaf
ictikaaf¹: m.l Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Cibaado awgeed masaajid ku raagid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictikaaf
m.l Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictikaaf
m. n. attitude for sitting in mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictikaaf
-ka: (n) the act of spending time inside a Mosque for worshipping ~ itikaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictikaaf
-ka: (magac, lab, keli) masaajid gudihii oo in muddo ah lagu sugnaado cibaadaysi dartii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictikaaf
bw: Arabic
de: attitude for sitting in mosque
lx: ictikaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ictikaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiraaf
(Ictiraaf-ka)
1. Qiraal.
2. Aqoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraaf
ictiraaf¹: m.l Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
ictiraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiraaf
ictiraaf¹: m.l Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
ictiraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Cid wanaaggeeda aqoonsasho. m.f.dh, ictiraafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictiraaf
m. n. recognition
ictiraaf: v. recognize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictiraaf
-ay I tay: (v) accept officially: recognize (rekegnaayz)
ictiraaf -ka: (n) recognition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictiraaf
-ka: (magac, lab, keli) aqoonsiga jiritaanka dawlad, qof iyo wax la mid ah. Dh: aqoonsi.
ictiraaf -ka: (magac, lab, keli) qirashada gef ama qalad la geystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax iidaan loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iidaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax iidaan loo yeelay ahaansho. m.f.dh, iidaamnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iidaaman
der. [adjective] seasoned, spiced, dressed (etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iidaaman
-aa: (adj) seasoned or dressed with ghee or oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaaman
(tilmaame) cunto, lagu daleeyay wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iidaaman
de: seasoned, spiced, dressed (etc.)
lx: iidaaman
pd: (iidaamnaa)
ps: adj-der
key: iidaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax iin leh ahaansho (nafley). m.f.dh, iimaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijtihaad
(Ijtihaad-ka)
1. Arrin sharci ah oo aan Quraanka iyo Xaddiisku ka hadlin, oo ra'yi, qof dadaalay oo mujtahid ahi lee yahay lagu meel mariyo.
2. Dadaal badan; hagarbax.
3. Mujtahidnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meelmariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meelmarin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meel-marin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin. m.f.dh, ijtihaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijtihaad
m. n. judgement; reasoned opinion of a Muslim jurist on a religious question
ijtihaad: v. judge, exercise judgement on a religious question; work hard, make an effort, exert oneself to the utmost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijtihaad
(fal) dedaal badan samee; hagarbax.
ijtihaad -ka: (magac, lab, keli) dedaal badan; hagarbax.
ijtihaad -ka: (magac, lab, keli) dedaal aqoon ku salaysan oo cilmiga masalooyinkiisa lagaga soo dhanbasho salkiisa, siiba Quraanka iyo Xadiiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imtixaan
(Imtixaan-ka)
Aqoonta ama tabarta qof ama wax kale lee yihiin oo la eego intay gaaraan; tijaabo loo sameeyey in arrin, kd. runteeda lagu gaaro; salgaar; baxnaanis.