ictikaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictikaaf
(Ictikaaf-ka)
Fadhi masaajidka gudihiisa muddo la fariisto oo la niyoodo, oo camal san lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaaf
ictikaaf¹: m.l Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Cibaado awgeed masaajid ku raagid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictikaaf
m.l Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictikaaf
m. n. attitude for sitting in mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictikaaf
-ka: (n) the act of spending time inside a Mosque for worshipping ~ itikaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictikaaf
-ka: (magac, lab, keli) masaajid gudihii oo in muddo ah lagu sugnaado cibaadaysi dartii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictikaaf
bw: Arabic
de: attitude for sitting in mosque
lx: ictikaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ictikaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiraaf
(Ictiraaf-ka)
1. Qiraal.
2. Aqoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraaf
ictiraaf¹: m.l Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
ictiraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiraaf
ictiraaf¹: m.l Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
ictiraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Cid wanaaggeeda aqoonsasho. m.f.dh, ictiraafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictiraaf
m. n. recognition
ictiraaf: v. recognize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictiraaf
-ay I tay: (v) accept officially: recognize (rekegnaayz)
ictiraaf -ka: (n) recognition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictiraaf
-ka: (magac, lab, keli) aqoonsiga jiritaanka dawlad, qof iyo wax la mid ah. Dh: aqoonsi.
ictiraaf -ka: (magac, lab, keli) qirashada gef ama qalad la geystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafid
m.f.dh eeg ictikaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafsanaan
m.f.dh egg ictikaafsan. la-mid: ictikaafsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafsanaansho
m.l/dh la-mid: ictikaafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaqab
-ka: (magac, lab, keli) daahir ahaansho wixii weysada burinaayay aanay kugu iman. Masaajidka waysaqab ku ictikaaf. Dh: weysaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictimaad
m. n. reference, basis (for something); letter of recommendation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictimaad
bw: Arabic
de: reference, basis (for s.t.); letter of recommendation
lx: ictimaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ictimaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiqaad
(Ictiqaad-ka)
Rumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiqaad
ictiqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiqaad
ictiqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Diin, mabda' iyo wixi lamida aaminid. m.f.dh, ictiqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictiqaad
m. n. belief, faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ictiqaad
-ay I day: (v) expect or suppose; think (thiink); believe (be liiv) ~ citiqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ictiqaad
-ka: (magac, lab, keli) mabda' iyo wax la mid ah, aaminsanaan ama tixgelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictiqaad
bw: Arabic
cf: mooddo
de: belief, faith
lx: ictiqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ictiqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictikaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictiraaf_1
bw: Arabic
de: recognition
hm: 1
lx: ictiraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ictiraaf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictiraaf_2
de: recognize
hm: 2
lx: ictiraaf
pd: (ictiraafay)
ps: v1=
key: ictiraaf_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiraafid
(Ictiraafid-da)
1. Qirasho.
2. Aqoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraafid
m.f.dh eeg ictiraaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igtishaaf
igtishaaf¹: m.l Soo saaridda wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon.
igtishaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
igtishaaf
m.l Soo saaridda wax cusub oo aan hore loo arag ama loo aqoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
igtishaaf
m. n. discovery
igtishaaf v. discover, explore; uncover, reveal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igtishaaf
-ka: (magac, lab, keli) wax aan hore loo ogayn, soo saarid; wax cusub daahfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhtilaaf
(Ikhtilaaf-ka)
Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan (ama iskhilaaf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhtilaaf
ikhtilaaf¹: m.l Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. la-mid: iskhilaaf¹.
ikhtilaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Isweydaarasho; isku diidid (arrin). la-mid: iskhilaaf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikhtilaaf
m.l Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. la-mid: iskhilaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhtilaaf
m. n. divergence of opinion, disagreement, discord
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ikhtilaaf
-ka: (n) a conflict or difference of opinion; disagreement (dis-agriiment); inconsistency (in-kan-sis-tansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhtilaaf
-ka: (magac, lab, keli) is maandhaaf iyo iska hor'imaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ikhtilaaf
bw: Arabic
de: divergence of opinion, disagreement, discord
lx: ikhtilaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ikhtilaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Intikhaab
(Intikhaab-ka)
Is-doorasho; cubtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intikhaab
m.l (-byo, m.dh) Doorasho dadku u codbixiyo qof loo wakiilanayo barla-maan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
intikhaab
m.l (-byo, m.dh) Doorasho dadku u codbixiyo qof loo wakiilanayo barlaamaan iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intikhaab
m. n. election
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intikhaab
-ka: (magac, lab, keli) doorashada qof ama dad hoggaan loo dhiibayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intikhaab
bw: Arabic
de: election
lx: intikhaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: intikhaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ictiraafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ictiraafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof). m.f.dh, ictiraafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaaf
-ka: (magac, lab, keli) maro yar oo raggu qoorta ku xidho oo xarrago loo qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istikad
f. n. eraser, India rubber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istikad
bw: Arabic
de: eraser, India rubber
lx: istikad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: istikad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itifaaq
(Itifaaq-a)
Heshiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itifaaq
m.l Heshiis la isku wada af-garto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
itifaaq
m. n. agreement, accord
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
itifaaq
bw: Arabic
de: agreement, accord
lx: itifaaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: itifaaq
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itimaal
Probability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itixaad
(Itixaad-ka)
Midnimo; midoobid; midow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaad
m.l Isutagga siyaasadeed, dhaqaale, iyo wixi lamida ee dhex mara laba dawlad iyo wixi lamida; midow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
itixaad
m.l Isutagga siyaasadeed, dhaqaale, iyo wixi lamida ee dhex mara laba dawlad iyo wixi lamida; midow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
itixaad
m. n. unity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
itixaad
-ka: (n) unity (yuniti)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
itixaad
bw: Arabic
de: unity
lx: itixaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: itixaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaan
itixaan¹: m.l la-mid: imtixaan¹.
itixaan²: f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: imtixaan².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ibtisaam
name-f smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtixaan
-ka: (magac, lab, keli) shirrab marin; tijaabo. Dh: imtixaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijtihaad
(Ijtihaad-ka)
1. Arrin sharci ah oo aan Quraanka iyo Xaddiisku ka hadlin, oo ra'yi, qof dadaalay oo mujtahid ahi lee yahay lagu meel mariyo.
2. Dadaal badan; hagarbax.
3. Mujtahidnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meelmariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meelmarin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meel-marin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin. m.f.dh, ijtihaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijtihaad
m. n. judgement; reasoned opinion of a Muslim jurist on a religious question
ijtihaad: v. judge, exercise judgement on a religious question; work hard, make an effort, exert oneself to the utmost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijtihaad
(fal) dedaal badan samee; hagarbax.
ijtihaad -ka: (magac, lab, keli) dedaal badan; hagarbax.
ijtihaad -ka: (magac, lab, keli) dedaal aqoon ku salaysan oo cilmiga masalooyinkiisa lagaga soo dhanbasho salkiisa, siiba Quraanka iyo Xadiiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imtixaan
(Imtixaan-ka)
Aqoonta ama tabarta qof ama wax kale lee yihiin oo la eego intay gaaraan; tijaabo loo sameeyey in arrin, kd. runteeda lagu gaaro; salgaar; baxnaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imtixaan
imtixaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Imtixaan lagu tijaabo cid aqoonta. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda. la-mid: intixaan, itixaan.
imtixaan²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Tijaabin heerka aqooneed ee qof. 2. Cid dulqaad-keeda tijaabin. la-mid: intixaan², itixaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imtixaan
imtixaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Imtixaan lagu tijaabo cid aqoonta. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda. la-mid: intixaan, itixaan.
imtixaan²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Tijaabin heerka aqooneed ee qof. 2. Cid dulqaadkeeda tijaabin. m.f.dh, imtixaamid. la-mid: intixaan, itixaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imtixaan
m. n. examination, test, exam
imtixaan v. examine, put someone to the test
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imtixaan
-ka: (n) 1. examination (ig-zaa-mineeyshin), exam (ig zaam); test (test)~intixaan. 2. problematic situation. Ex: waa nin imtixaan ah; he is a problematic person
imtixaan: -ay -tay: (v) examine (ig-zaamin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imtixaan
-ka: (magac, lab, keli) shirrabaad iyo weydiimo qoran ama afka la iska weydiiyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
imtixaan
امْتِحَانٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Intifaac
(Intifaac-a)
Wax ka dheef; wax ku qabsi; waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intifaac
intifaac¹: m.l 1. Waxtar. 2. la-mid: intifaacid.
intifaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Ku i.: wax, waxtarkiisa ku dhaqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
intifaac
intifaac¹: m.l Waxtar.
intifaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Ku i.: wax, waxtarkiisa ku dhaqmid. m.f.dh, intifaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intifaac
m. n. resource, benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intifaac
-a: (magac, lab, keli) wax ka dheefid. Dh: waxtar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intifaac
bw: Arabic
cf: waxtar
de: resource, benefit
lx: intifaac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: intifaac
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Intisaar
name-f victory; victorious, triumph
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intixaan
intixaan¹: m.l la-mid: imtixaan¹.
intixaan²: f.g1 (-aamay, -aantay) la-mid: im- tixaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intixaan
m. n. examination, test, quiz
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intixaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg imtixaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intixaan
de: examination, test, quiz
lx: intixaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: imtixaan
key: intixaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iqtiraac
-ay -day: (v) discover (dis kaver)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iqtiraax
(Iqtiraax-a)
Arrin la soo jeediyo; talo; fikrad; ra'yi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iqtiraax
m.l (-xyo, m.dh) Arrin la soo jeediyo oo loo filayo in ay faa'iido leedahay; talo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iqtiraax
m.l (-xyo, m.dh) Arrin la soo jeediyo oo loo filayo in ay faa'iido leedahay; talo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iqtiraax
m. n. proposal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iqtiraax
bw: Arabic
de: proposal
lx: iqtiraax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: iqtiraax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iqtisaad
(Iqtisaad-ka)
Dhaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iqtisaad
m.l Dhaqaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iqtisaad
m. n., [collective] economy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iqtisaad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqaale iyo ganacsi.