ibtilaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtilaw
(fal) itixaan iyo belaayo, ha kugu dhacdo.
ibtilaw -ga: (magac, lab, keli) belaayo qabid; masiibo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtilow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ibtilo la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtilow
-ga: (magac, lab, keli) belaayo qabid; masiibo qabid.
ibtilow: (fal) eeg ibtilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaw
(Bilaw-ga)
Wax la fala hayo qaarkiisa ugu horreeya; unug; abuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaw
v. begin, start
bilaw vl. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilaw
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billaw). Syn: Bilow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaw
-ga: (n) starting (istaarting); novice (noovas); beginning (bi gin ning) ~ bilow, billaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilaw
magac loo baxsho wiilka curadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaw
(fal) meel wax ka unkamo u samee; kow ka qaad oo hawl socodsii.
bilaw-ga: (magac, lab, keli) ambaqaadka u horreeya; gudagalidda hawsha ee u horreeya. Hawshu imika ayay bilaw tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtilo
(Ibtila-da)
Dhibaalo aad u xun; belo; belaayo; hoog; ba'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtilo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhib weyn. la-mid: ebtilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibtilo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhib weyn. la-mid: ebtilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ibtilo
f. n. disaster, calamity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ibtilo
-ibtilada: (n) a disaster (dhizaaster); calamity (kalaamati); or catastrophe (ka taas tarofi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtilo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad uu xun oo daran. Dh: belaayo, belo, balo, masiibo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ibtilo
bw: Arabic
de: disaster, calamity
lx: ibtilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ibtilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtilee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Dhibaato daran cid gaarsiin. la-mid: ebtilee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibtilee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Dhibaato daran cid gaarsiin. m.f.dh, ibtilayn. la-mid: ebtilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ibtilee
v. ruin, bring disaster upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ibtilee
-yey I ibtileysay: (v) cause a disaster, calamity or catastrophe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtilee
(fal) cid kale, ibtilo ku rid. Dh: hooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ibtilee
de: ruin, bring disaster upon
lx: ibtilee
pd: (ibtileeyey)
ps: v2b=
key: ibtilee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtileyn
(Ibtileyn-ta)
Ibtilo ku ridid; hoojin; beleyn; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtileyn
m.f.dh eeg ibtilee. la-mid: ebtileyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ibtiloob
inch. v. be ruined (mentally ~ morally), go to the bad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ibtiloob
de: be ruined (mentally ~ morally), go to the bad Alt sp: ibtilow
lx: ibtiloob
pd: (ibtiloobay)
ps: v1=inch
key: ibtiloob
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ibtisaam
name-f smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtixaan
-ka: (magac, lab, keli) shirrab marin; tijaabo. Dh: imtixaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtileysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ibtilo ku dhacday ahaansho la-mid: ebteleysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibtileysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ibtilo ku dhacday ahaansho m.f.dh, ibtileysnaan. la-mid: ebteleysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtileysan
(tilmaame) mid ibtilo ku dhacday: dhibaataysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iila
pron. and preposition: to ~ for me ... with (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iila
(pronoun with preposition) for me or with me.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iila
de: to ~ for me ... with (X) = i + u + la
lx: iila
ps: pro + prep
xe: Come to me with something good!
xv: Wax wanaagsan iila imow!
key: iila
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablaw
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balaw
(Balaw-da)
Bootin gaaban oo dhaqso iyo fudayd leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaw
vl. n. jump, hop, leap
balaw vl. n. bellowing in pain ~ fear (of cow)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaw
-da: (n) a light, springy jump or leap; hop (hop); leapfrog (liip- faroog). Ex: balaw dheh!; jump on!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaw
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabitaanka aadka ah ee la hubo. Dh: baw.
balaw: (ereycodeed) tusmeeya meel ka boodista degdegga ah. Marku askartii arkaay buu balaw yidhi. Dh: haw.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaa
(preffix) -less; without; lacking ~ la'aan, billaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilad
(Bilad-ka)
Bisha dhalashadeeda ama bilaabashadeeda; bilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilad
m.l la-mid: bilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilad
vl. n. appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilad
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah ciyaaraha jiibta, jaanta iyo sacabka keliya lagu dheelo, waana ciyaaraha ay wada dheelaan ragga iyo haweenku. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Bari, Nugaal iyo Waqooyi Galbeed.
bilad -ka: (magac, lab, keli) bisha dhalashadeeda. Biladka bishay la sugayaan carooska. Dh: bilasho. Biladdaya: magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed la iska dhex arko sida muraayadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilad
a: bilasho
de: appearance of a new moon
lx: bilad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: bilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilay ahaansho. m.f.dh, bilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilan
magac loo baxsho gabadh quruxda abuurka ay u dheertahay lebbis iyo qalab lagu bilay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilan
(tilmaame) wax qurxoon; wax la qurxiyay. Marwo bilan baro loogu hoydaa. Dh: bilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow¹.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. la-mid: billow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. m.f.dh, bilaabid. la-mid: billow.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bilow
start
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilow
m. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilow
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billow). Syn: Bilaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilow
-ga: (n) starting (istaarting)-, novice (noovas)-, beginning (bi-gin-ning) ~ bilaw, billaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilow
a: bilaw ~ biloow
de: beginning, start
lx: bilow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: bilow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilow
بِدَايَة، افتتاح، ابتِدَاء
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bylaw
/baay-loo/ (n) sharci hoosaad (sharciga beel gaar ahi ku dhaqanto).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaw
-ga: (magac, lab, keli) xiiso loo qabo wax aad loo jecelyahay oo muddo laga maqnaado. Dh: hilow, xiiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlaw
inch. v. finish, bring to completion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlaw
(fal) dhammaw; madho; ibir noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlaw
de: finish, bring to completion
lx: idlaw
pd: (idlaaday)
ps: v3a=inch
key: idlaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaw
(fal) ha xusuusan. Dh: hilmaam, illow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islaw
ama Islow, magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo hogaamiye reer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaw
-ga: (magac, lab, keli) martabo dhaqameed la siiyo duqa beel ama qabiil Soomaaliyeed. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, ugaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barlaw
-ga: (magac, lab, keli) aan bar xoolo ah lahayn. Barlaw baahi ma gooyo. Dh: caydh, sabool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaw
v. begin, start
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaw
a: bilaab ~ bilaw ~ billow
de: begin, start
lx: billaw
pd: (billaabay)
ps: v1=
key: billaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaw
(fal) wax bisil oo cunid diyaar u ah noqo. Dherigii wuu bislaaday ninkii cuniyoow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebtilo
m.dh la-mid: ibtilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isalaw
-ga: (magac, lab, keli) martabo dhaqameed uu leeyahay oday beel hoggaamiya. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, jiifcaaqil, ugaas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
outlaw
/awt-lo/ (n) 1. qof dambiile ah oo aan weli la qaban 2. mamnuucid (sharci-darro ka dhigid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiyow
abtiyow¹: m.l Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tusaale: “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”.
abtiyow²: f.mg1 (-obay, -owday) Gabar qaangaartay naas ka soo bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiyow
(fal) abti noqo.
abtiyow: (fal) naaska gabadh yar, soo bax oo muuqo.
abtiyow-ga: (magac, lab, keli) soo bixista naaska gabadh yar oo koraysa, welina aan qaangaadhin.
abtiyow-ga: (magac, lab, keli) gabadh qaangaadhay oo naaska u soo baxa. Leyla abtiyow ayaa u soo baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afbilaw
(Afbilaw-ga)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; quraac; hamuuntir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbilaw
m.l Cuntada ugu horreysa ee subaxdii la cuno; quraac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbilaw
m.l Cuntada ugu horreysa ee subaxdii la cuno; quraac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afbilaw
m. n., [compound] breakfast
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afbilaw
de: breakfast Lit: start mouth
lx: afbilaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: hamuuntir, quraac
key: afbilaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebtelow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: ibtilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebtilee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: ibtilee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iliilad
Underfit river
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iltiran
Aan meel bannaan lahayn; wada shakaran; buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax si fiican u buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iltiran
der. [adjective] full up; blank, featureless (country)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iltiran
(tilmaame) aan meel bannaan lahayn. Dh: buux, budh, daf. Li: madhan, faaruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iltiran
de: full up; blank, featureless (country)
lx: iltiran
ps: adj-der
key: iltiran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istikad
f. n. eraser, India rubber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istikad
bw: Arabic
de: eraser, India rubber
lx: istikad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: istikad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtisaraw
-ga: (magac, lab, keli) sarmooyin badan ama sarmo keli ah oo uu carruurta abtigood inta daamaha iyo indhah u dhaxaysa kaga sameeyo, deegaannada Soomaalida qaarkood. Dh: saraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtisarow
m.l Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilcillaw
(Cilcillaw-ga)
Labada cirguduudood; aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcillaw
m.l la-mid: cilcillow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilcillaw
m. n. colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilcillaw
-ga: (magac, lab, keli) muuqaalka jahada, labada cirguduud kolka ay tahay. Dh: hiimamooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilcillaw
a: cilcillow
de: colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
lx: cilcillaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: aas
key: cilcillaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhtilaaf
(Ikhtilaaf-ka)
Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan (ama iskhilaaf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhtilaaf
ikhtilaaf¹: m.l Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. la-mid: iskhilaaf¹.
ikhtilaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Isweydaarasho; isku diidid (arrin). la-mid: iskhilaaf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikhtilaaf
m.l Isweydaar; ismaandhaaf; heshiis la'aan. la-mid: iskhilaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhtilaaf
m. n. divergence of opinion, disagreement, discord