ibn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ibn
ibn, n.m. - magac Carabi kasoo jeeda, waa wiil.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humane
/hyuumeyn/ (adj) bini-aadninimo leh, ibni-aadanimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bini-aadninimo
-bini-aadninimada: (n) humanity (hiyuu-maaneti); humane (hiyuu meeyn) ~ ibni-aadanimo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
anthropology
/aanthropaalajy/ (n) barashoothy ibny eedingky i dhaghangshey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dalyagaan ah oo meelo badan arkay. Ibnu Khalduun dhulmareen buu ahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka labo qof ay isugu yimaadaan wax isku ahaansho. Cumar iyo Cabdi waxa ka dhexeeya ibnimo. Dh: aanaysi, qaraabanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naa'ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) masuul ku xigeen ahaan. Yuusuf naa'ibnimo ayaa loogu ballan qaaday Dh: kuxigeennimo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saoudite
saoudite, adj. - la xidhiidha dawladdii Ibnu Sacud ee 1932
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ib
(Ib-ta)
Daloolka yar oo naasaha oo caanuhu ka soo baxaan; kuwa kaadida, biyaha iyo wixii kaloo la mid ahi ka soo baxaan; ibta surta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ib
m.dh (-bo, m.l) 1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ib
f. n. orifice, especially of nipple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ib
-ta: (n) mouth (mowth); vent (vent); nipple (nipal); orifice (oorifis); opening. Ex: ibta naasta; the nipple of the mammary gland [ teat (tiit) ]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ib
-ta: (magac, dhedig, keli) daloolka yar ee caanaha naasku ka soo baxaan. Ibta ayaa qori ka muday hasha.
ib-ta: (magac, dhedig, keli) xubinta taranka ee labka iyo dhedigaba.
ib-ta: (magac, dhedig, keli) dhuunta yar ee dhuuban ee ka samaysan xanjada ee dhuunyaalaha malabka sameeyi geedka ka galo, kana soo baxo. Fiiriya dhuunyaalaha, ibta surta ka sii gelaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ib
de: orifice, especially of nipple
lx: ib
pd: (-ta Pl: ibab)
ps: n1-f, n4-f
key: ib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
In
1. Uyaal/xiriir ulajeeddooyin badan leh.
2. (In-ta) Tiro; wax; qaar; cad; xoogaa; xig.
-in — Tiraab magaca iyo falka qaarki lagu dabakaro oo ulajeeddo gaar ah u yeela (sida: mari, marin; tali, talin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
in
in¹: m.dh 1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.
in²: xi. 1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iyo wixi lamida). Tusaale: “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tusaale: “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tusaale: “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
in
in¹: m.dh 1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.
in²: xi. 1. (naxwe) Erey lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iyo wixi lamida). Tusaale: In uu imaanayaa waa hubaal. Waxaan doonayaa in aan tago, Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tusaale: Bal inaan eegi karo aan soo durko. Weyddii bal inay fog tahay. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: Inta aan soo noqonayo, Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tusaale: Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
In
Gudaha
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
in
conj., relative form, ative form: that, which
in [feminine] n. amount (of), part, share, bit, piece; extent
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
In
quelque, que (conj.), afin que, tandis que, pour ne pas, si.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
in
/in/ (prep) 1. naxwe ahaan, meeleeye. 2. gudaha (meel gudeheed tilmaamid). e.g. in the house 3. wakhti dhexdiis. e.g. in July 4. xaalad ama duruuf tilmaamid. e.g. She is in poor health. 5. xiriir ama cilaaqo tilmaamid. e.g. They trust in Allah. 6. saami (ama nisbo tusinaya).e.g. Two in every five are ten. 6. xirfad ama shaqa gaar ah tilmaamaya. e.g. She is in accounting.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
in
-ta/tee: (n) quantity (kuwaantiti); amount (a mawnt); the number; total; a sum. Ex: inta mitir uu hal mayl yahay; the number of meters in a mile. Ex: inta u dhaxaysa 5 ilaa 10; the all numbers between 5 and 10
in: (suffix) not (not); opposite of; contrary to: with negative ma, maanu, yaanu, ha.. Ex: ma arkin; I didn't see him [her or it]
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
in
prep. - ku (gudaha).
pref. - horkabe diidmo ama lid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
in
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama qaddar aanay caddayn qiyaastiisu.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
in
ما
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
in
prp., ku, gudihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibi
m.dh (-byo, m.l) (cilmiga naflayda) Mandheerta haweenka. la-mid: ebi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibi
m.dh (-byo, m.l) (cilmiga naflayda) Mandheerta haweenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iin
(Iin-ta)
Wax la qoonsado; ceebaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iin
m.dh (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iin
m.dh (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iin
Defect
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iin
Defect
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iin
f. n. damage, defect, physical imperfection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iin
-ta: (n) shortcoming (shoortkamin); deficiency (difishansi)-, fault (foolt); foible (fooybal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iin
Difetto
Defect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iin
-ta: (magac, dhedig, keli) goldaloolo; ceebaal la qoonsado. Dh: dhalliil, waxyeello.
iin -ta: (magac, dhedig, keli) nabar muuqda ama mid qarsoon oo ka hadha utun hore iyo aano gabawday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iin
de: damage, defect, physical imperfection
lx: iin
pd: (-ta Pl: iimo (/ha))
ps: n1-f
key: iin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inn
/in/ (n) huteel yar oo cunto iyo jiifba leh (albeergo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
inn
n., daas, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ion
ion, n.m. - ayoonada (kiimiko)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibin
(Dibin-(a)
Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal oo kolkii laysku qabto afka daboola, midkood; bushin; (ama debin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibin
-ta: (n) lip (lip) -bishin, faruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibin
-ta: (magac, dhedig, keli) labad faruuryood middood. Awrta kolka la xidhiidhinayo dibinita ayaa laga xidhaa. Dh: faruur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibin
de: lip
lx: dibin
pd: (-ta Pl: dibno (/ha))
ps: n3-f
syn: bushin, faruur
key: dibin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibno
m. n., pl. lips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibno
-dibnaha: (n) [Plural of dibin-ta] lips (lipis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibno
de: lips
lx: dibno
pd: (/ha Sg: dibin (ta))
ps: n3-m-pl
xe: your lips
xv: dibnahaaga
key: dibno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibin
(Gibin-ka, Gibin-ta)
1. Wax tiro yar; xig; xoogaa.
2. Wax fil yar; aan da' weyneyn.
3. Aan buurreyn; lixaad yar; (ama gaban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibin
gibin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gibin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibin
m. n. small thing ~ amount; child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gibin
-ta / ka: (n) not fully grown, very young, usually a small child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo aan badneyn ama da' yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibin
de: small thing ~ amount; child
lx: gibin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
see: gaban
key: gibin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibrin
-ka: (magac, lab, keli) aqal iyo wax la mid ah, afaafka laga galo. Ibrinka ka durug ha la maree. Dh: kadin, afaaf, irrid, albaab, af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibin
(Iibin-ta)
Alaabta, kd., la ganacsado rogrogiddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibin
m.f.dh eeg iibi. la-mid: iibis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibin
vl. n. sale, selling, marketing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibin
-ta: (n) selling (seeling)', sale (seeyl) ~ gadida, iibis-ka, —soo iibinta: (n) the act of purchasing (peerjaaysing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad, lacag ku beddelidi. Dh: gadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibin
de: sale, selling, marketing
lx: iibin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: iibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibin
(Jibin-ta)
1. Dhadhaab waaweyn oo bir ama dhagax ka samaysan oo meel fog oo Ilaah og yahay ka yimaada, oo kolkay hawada dhulkeenna soo galaan inta kululaada daarma oo qarxasho weyni ka yeerto; xiddigaha ridma ama dhaca.
2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe.
3. Yeerta weyn oo ka yeerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibin
f. n. falling star, meteor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibin
-ta: (magac, dhedig, keli) danab. Dh: danab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibin
de: falling star, meteor
lx: jibin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: jibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibin
(Kibin-ka)
Qol markab ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibin
m. n. cabin (in a ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibin
-ka: (magac, lab, keli) qol markab ku yaalla. Dh: qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibin
de: cabin (in a ship) {Eng}
lx: kibin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libin
(Libin-ta)
Guul; lib; adkaan; liibaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libin
libin¹: m.l Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.
libin²: m.dh Guul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libin
m.dh Guul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libin
vl. n. victory, success
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Libin
name-unisex victory; victor; victorious. Cf: Guuleed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
libin
-ta: (n) victory (viktori); the act of winning ~ lib-ta; guul
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Libin
Vittoria
Victory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libin
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.
libin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg lib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libin
de: victory, success
lx: libin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: libin