iblays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iblays
-ka: (magac, lab, keli) makhluuq aan dhiman oo xumaan iyo shar ka shaqeeya kuna qalqaaliya dadka inay ka tegaan wanaagga, xumaantana falaan. Dh: Shaydaan, Ibliis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilays
(Ilays-ka)
Waxa aan la'aantiis wax la arki karin; if; iftiin; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilays
Light
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilays
m. n., [collective] faint ~ dim light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilays
-ka: (n) light (laayt) ~ iftiin, if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilays
-ka: (magac, lab, keli) iftiin; nuur. Iilku waa aqal aan ilays lahayn. Dh: nal, tiriig, laydh, kaah.
ilays -ka: (magac, lab, keli) hirar birlabdanab oo hirbaacyo u gooniya leh, ishuna arki karto oo ka kooban midabada oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilays
cf: if, nuur
de: faint ~ dim light
lx: ilays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: ilays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shaydaan
-ka: (magac, lab, keli) makhluuq Ilaahay abuuray ka ugu sharka badan, ugu dhega adag, ugu gaalsan, cadawga ugu weyn ee qof leeyahay, aan waligi khayr ka talin, duufsada dadka, wanaagga kala dagaallama, xumaanta ku qalqaaliya, aan wad lahayn, aanay ishu arkaynin, diiday inuu Nebi Aadan u sujuudo, kibir badan, Aaden iyo Xaawo jannada kasoo saaray, Raxmaanka caasiyey, ku waari doona cadaabta. Shaydaan sharkii Allaw naga bedbaadi. Dh: Iblays, indhaxammil, cirfiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlal
-ka: (magac, lab, keli) legga iyo feedhaha hilibkooda. Iblayskii Xakiim duufsadaa awlalka u lulaye. Dh: dhinac, sarar.
awlal -ka: (magac, lab, keli) xabagbarshada is haysata ee ay shinnudu ku shubto malabka.
awlal -ka: (magac, lab, keli) malabka kiisa raagey oo madow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idhaxammil
-ka: (magac, lab, keli) shaydaanka ugu weyn shaydaannada. Dh: ibliis, iblays, indhaceel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlays
m.l la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ibadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax dhammaantood isticmaalid. 2. Wax inta ugu dambeysa isticmaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idlayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax dhammaantood isticmaalid. 2. Wax inta ugu dambeysa isticmaalid. m.f.dh, idlaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlayso
v. finish, complete something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idlayso
-idlaystay / idlaysatay: (v) consume all of; use up; finish (fin ish) ~ dhammayso. Ex: cuntada idlayso; finish the food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlayso
(fal) wax meel ku jira ama yaalla, dhammayso oo wada qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlayso
de: finish, complete s.t. for oneself
lx: idlayso
pd: (idlaystay)
ps: v3b=
key: idlayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayse
xi. la-mid: illowse.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayse
conj. but
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayse
a: illowse
de: but
lx: illayse
ps: conj
key: illayse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiflayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lays
pron., pro: someone ... him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lays
-ka: (magac, lab, keli) eeg layn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lays
de: someone ... him = la + is
lx: lays
ps: pro + pro
key: lays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablay
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo afaysan, daab la qabsado na leh oo wax lagu goosto laguna dagaallamo. Waxay ka yartahay billaawaha. Dh: toorray, toorri, amley.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iblis
le Diable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlay
(fal) wax qiyaasnaa ama tirsanaa, ama meel yaalla dhammay oo eber ka dhig. Li: hanbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulays
m.l la-mid: ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulays
-ka: (magac, lab, keli) ul ku garaacis; ul la dhicis. Ulayska ayuu wax ku maqlaa qofkii madax adagi. Dh: dhengedays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belays
-ka: (magac, lab, keli) belo iyo baas u keenis. Dh: balays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulays
-ka: (magac, lab, keli) bulaynta ul qoyan. Bulayska cidaaddu dhiilshaa lagu cugaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culays
(Culays-ka)
Culaab; miisaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culays
culays¹: m.l Xoog walaxda u jiidaya. la-mid: cuslaan.
culays²: m.l (-syo, m.dh) (fiisikis) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culays
culays¹: m.l Xoog walaxda u jiidaya. la-mid: cuslaan. culays²: m.l (-syo, m.dh) (fiisikis) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Culays
Weight
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
culays
weight
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culays
m. n. heaviness; weight {physics}; shot-put
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culays
-ka: (n) weight (weeyt); load (lowdh)-, heaviness, burden ~ culaab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Culays
Pesantezza
Heaviness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culays
-ka: (magac, lab, keli) culaab; miisaan.
culays -ka: (magac, lab, keli) wax miisaan badan leh; aan fududayn. Li: fudayd.
culays-ka: (magac, lab, keli) miisaanka xaddiga ay walaxi leedahay. Halbeegga lagu cabbirina waa Kg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culays
cf: culus
de: heaviness; weight {physics}; [ext.] shot-put
lx: culays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: culaab
key: culays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibliis
(Ibliis-ka)
Uun xun oo Ilaah ku fallaagoobey oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraana hayo u horkaca; jinni xun; shayddaan; indhaxamil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibliis
m.l (-syo, m.dh) Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibliis
m.l (-syo, m.dh) Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ibliis
m. n. Satan, the Devil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ibliis
-ka: (n) name of a devil (de-vel); demon (diiman) ~ shayddaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ibliis
-ka: (magac, lab, keli) eeg Iblays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ibliis
bw: Arabic
de: Satan, the Devil
lx: Ibliis
pd: (-ka)
ps: n0-m
syn: Shayddaan
key: Ibliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idlayn
(Idlayn-ta)
Dhammays tirid; wada dhammayn; wax ka reebid la'aan; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlayn
m.f.dh eeg idlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaynta wax tirsanaa ama tuulnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Eray hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Erey hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayn
conj. but, on the other hand
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Illayn
en effet.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illayn
(conjectiori) on the contrary; yet (yat); but (bat) ~ illeen, illayse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illayn
(xidhiidhiye) erey la yidhaahdo marka wax aan la ogayn la ogaado. Alaabtii aqalka ka soo qaado aan is lahaa, illayn Cali baa ila soo waydaartay. Dh: shaw, illeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayn
a: illeen
de: but, on the other hand
lx: illayn
ps: conj
key: illayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkays
'Magiigane' min ka mid ah lix iyo toban min ee faalka. Faal la dhigay oo uu soo hadhay inkays wuxuu u fiican yahay nin iinle oo wuu gargaaraa waana min arliya ah. Dh: inkiis.
inkays: (tilmaame) qof madax adag oo xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libays
m.l (-syo, m.dh) (cilmiga naflayda) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libays
m.l (-syo, m.dh) (cilmiga naflayda) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malays
-ka: (magac, lab, keli) eeg malayn. malaysad' -ka: (magac, lab, keli) sida ay wax noqonayaan ka arrinsasho oo talada ku habboon meel dhigasho. Dh: malaysi, arrinsi, malaysasho, tashi. Li: hubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milays
-ka: (magac, lab, keli) eeg milayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nalayn. nalee: (fal) iftiimi; nal ku xidh. Xaafadda soo nalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalays
m.l la-mid: qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salays
m.l la-mid: salayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salays
-ka: (magac, lab, keli) sal u yeelid; salayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tibayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysi
m.l la-mid: bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysi
-ga: (magac, lab, keli) karsasho oo wax bislaaday ka dhigasho. Bislaysiga cuntadayda waan ka adagahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon. m.f.dh, bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayso
(fal) cuntadaada karso. Qadada bislayso bisle: magaca loo baxsho wiil dhashay isaga oo leh timo jilicsan oo bis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedaha xun oo sunta ah. Ibaatays ayuu neefku cunay. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedquwaaxa oo sun ah. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadays
m.l la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadays
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, irbad ku mudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qibleysi
m.l la-mid: qibleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qibleyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid qiblo u jeedsasho. 2. (f.mg) Waxqiblo u jeedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.