ibitiiliyam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibitiiliyam
m.l (-mo, m.dh) (baayoloji) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibitiiliyam
m.l (-mo, m.dh) (baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Epithelium
Ibitiiliyam
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory epithelium
Ibitiiliyam ureed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiibiyam
m.dh (kiimika) Summad: sb. Bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka V ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiibiyam
m.dh (kiim.) Summad: sb. Bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka V ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiibiyam
-ta: (magac, dhedig, keli) bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka 5aad (V) ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51, summaddeeduna waa sb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiiliyam
m.l (kiimika) Neef hal atamle ah oo midab aan lahayn; xubinta ugu horreysa neefaha wahsada (ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiiliyam
m.l (kiim.) Neef hal atamle ah oo midab aan lahayn; xubinta ugu horreysa neefaha wahsada (ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maysiiliyam
m.l (-myo, m.dh) (botani) Hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka koobanyahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maysiiliyam
m.l (-myo, m.dh) (botani) Hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka koobanyahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maysiiliyam
-ka: (magac, lab, keli) hayfa wada shaqeeya oo sameeya jidhka fangaska. Wuxuu ka kooban yahay hayfa quudiye iyo hayfa taran oo wada jira, kaas oo dhala boodhsidayaal iyo gaametajiyam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtileyn
(Ibtileyn-ta)
Ibtilo ku ridid; hoojin; beleyn; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtileyn
m.f.dh eeg ibtilee. la-mid: ebtileyn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ibtisaam
name-f smile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiilid
(Istiilid-da)
Xoog kale ama dadaal kale oo aan la lahayn iska doonid; isdhibid; mintidid; xoog hor leh iska raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiilid
m.f.dh eeg istiil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Istiilid
Sforzarsi
To endeavour
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Itaaliya
pr. n., loc. Italy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Itaaliya
(n) Italy (itali); Rome is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Itaaliya
de: Italy {It}
lx: Itaaliya
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Itaaliya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liitiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiimika) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liitiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitiligsi
-ga: (magac, lab, keli) (la ~) in yar qaadiddeeda ama la kacaakufiddeeda; in yar la butuluqsi. La bitiliqsi baan ku keenay xaabada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtileysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ibtilo ku dhacday ahaansho la-mid: ebteleysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibtileysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ibtilo ku dhacday ahaansho m.f.dh, ibtileysnaan. la-mid: ebteleysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibtileysan
(tilmaame) mid ibtilo ku dhacday: dhibaataysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
betrooliyam
m.l (kiimika) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
betrooliyam
m.l (kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
betrooliyam
-ka: (magac, lab, keli) iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaan iyo dhirta badda, lagana helo dhulka iyagoo jiifa oo ku dhex xanniban lakabyo dhagax ah dhexdooda. Waxaa lagu soo saaraa xeeladda riigga, waxaa kale oo lagu magacaabaa saliid qaydhiin ama ceeriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magniisiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiimika) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magniisiyam
m.l (-mo, m.dh) (kiim.) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magniisiyam
m. n., (mass n.): magnesium {chemistry}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magniisiyam
-ka: (magac, lab, keli) summadda: (Mg); curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka 2aad (II) ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). Mg waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud, gaar ahaan marka lagu daro aluumiiniyam iyo sinki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magniisiyam
de: magnesium {chemistry} {Eng}
lx: magniisiyam
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: magniisiyam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliiligaysad
-ka: (magac, lab, keli) boob xoolo dad kale, ku dhaqaaqid. Biliiliqaysadka hanti gaar iyo hantiguud waa isku mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imbiryaaliyad
m.dh Siyaasad dawlad weyni ku dhaqanto oo dawladaha yar yar ku khasbaya in ay danaheeda fuliyaan. la-mid: imberyaaliyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imbiryaaliyad
m.dh Siyaasad dawlad weyni ku dhaqanto oo dawladaha yar yar ku khasbaya in ay danaheeda fuliyaan. la-mid: imberyaaliyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imbiryaaliyad
f. n., [abstract] imperialism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imbiryaaliyad
-da: (n) imperialism (impiiriyaalism) ~ imberadooriyad -da
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imbiryaaliyad
a: imbeeryaaliyad
de: imperialism
lx: imbiryaaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: imbiryaaliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiriirixad
m.l la-mid: simbiriirixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiriirixad
-ka: (magac, lab, keli) sidbad; sinbiriirixasho.