ibidimooloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibidimooloji
m.l (daawo) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibidimooloji
m.l (daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intimooloji
m.l Barashada cayayaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
intimooloji
m.l Barashada cayayaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aydiyooloji
m. n. ideology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aydiyooloji
a: idiloojiyad, idoloojiyo
de: ideology
lx: aydiyooloji
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: caqiido {Eng}
key: aydiyooloji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisiyooloji
m.l (baayoloji) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fisiyooloji
m.l (baay.) Barashada shaqooyinka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayooloji
m. n., [collective] biology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayooloji
-ga: (n) [science] biology (baay oolaji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayooloji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada noolaha. Ardeyga aan bayooloji baran dhakhtar ma noqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayooloji
de: biology
lx: bayooloji
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
syn: nololaqoon {Eng}
key: bayooloji
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiyooloji
-ga: (n) geology (jiyoolaji)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatooloji
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baatooloji
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
histooloji
m.l (baayoloji) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
histooloji
m.l (baay.) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibadaboolo
m.dh la-mid: ibadaboole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyurooloji
m.l (daawo) Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyurooloji
m.l (daaw.) Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyurooloji
-ga: (magac, lab, keli) barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiisiyoolojiye
fiisiyoolojiyaga: (n) [science] physiology (fizi yoo-laji)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
épidémiologie
épidémiologie, n.f. - barashada ama cilmiga aafada sida daacuunka,