ibakuryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibakuryo
-da: (magac, dhedig, keli) gumbo hore oo gamuuran oo naaska maraqu u yeelo; naaska qaybta dhiiggu ka xidhmo. Dh: ibokudhyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagurayo
m.dh Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagurayo
-da: (magac, dhedig, keli) bararka naasaha geela marka si xun loo maro oo ay bararaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryo
m.dh la-mid: ibamar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibakuryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naas xoolaad, maraq si xun ugu marid ama dhexda maraq kaga duubid. Irmaanaatay maandeeqe waa ibakuryeeyeene. Dh: ibakudhyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayo
m.dh Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryo
(Barya-da)
Hadal cid wax lagaga doona hayo; tuugmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryo
m.dh Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baryo
f. n. begging, entreaty, prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baryo
-baryada: (n) begging (beeging); plea (pilii); request (rik-weesti); petition (pa-ti-shin); praying (pareey-ing); entreaty ~ tuugmo, codsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryo
-da: (magac, dhedig, keli) qofka waxa uu doonayo cid kale waydiista. Baryo badan iyo bugtaan badan waa la isku nacaa. Li: kaaftoomis.
baryo -da: (magac, dhedig, keli) masaariifta iyo dhaqaalaha ku baxa guddi xeerbeegti oo garta u kala qaadda laba dhinac oo xaajo isku haya. Labada dhinac waxay bixiyaan baryo is le'eg cad iyo caanaba. Dh: martigelin, sooryo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baryo
de: begging, entreaty, prayer
lx: baryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baryo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baryo
شِحَادَة، تَسَول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuryo
(Kurya-da)
Qaab sida kan kubbada u wareegsan, u kankoonsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuryo
m.dh 1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuryo
m.dh 1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuryo
f. n. sphere, round shape, circle; ball
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuryo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan.
kuryo-da: (magac, dhedig, keli) shinbir duunyada dusha ka fagta ee dalooshata oo dhuuqda. Dh: huryo.
kuryo -da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta luqunta ka sarraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuryo
bw: Arabic
cf: kankoon, wareeg
de: sphere, round shape, circle; ball
lx: kuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kuryo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bakery
/beeykari/ (n) meesha rootiga iyo keega lagu dubo (foorno). e.g. I met him at the bakery last night
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bakery
n., mukhbaasad, - di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryo
(Buurya-da)
Wiilasha la gudayo cadka laga gooyo; beejo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryo
f. n. foreskin, prepuce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryo
-buuryada: (n) foreskin (foor iskiin); prepuce (pirii piyuus) ~ balag, beejo, caabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryo
-da: (magac, dhedig, keli) cadka balagga ku yaal ee kurayga laga jaro marka la gudayo. Buuryada ka goo wiilka. Dh: baaro, hanjaf.
buuryo -da: (magac, dhedig, keli) qoodhaha carruurtu inta ay yaryar yihiin gaar ahaan inta la jaro. Kolkuu kor u boodo buuryadu nig bay tidhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryo
de: foreskin, prepuce
lx: buuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: beejo
key: buuryo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buuryo
خُلْفَةٍ، قُلْفَة، غُرْلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujo
m.dh Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagujo
-da: (magac, dhedig, keli) salaaxidda naasaha neef geel ah oo irmaan si uu u godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Hal irmaan afarta naas ka marasho. la-mid: ibamaryeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibayaro
m.dh Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryo
m.dh la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeyn
m.f.dh eeg ibaguryee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfuryo
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo dikri lagu aqriyo ruux la falay oo lagaga rogo sixirka si looga buriyo. Allebari iyo baabfuryo ha loo sameeyo bukaanka baaban. Dh: sixirfuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaryo
m.dh Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujeyn
m.f.dh eeg ibagujee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibalaroor
m.l.u Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. la-mid: iballaroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibalaroor
-ka: (magac, lab, keli) geednagaadh xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, dhaqsona ugu dararaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: ibamar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakurus
-ka: (magac, lab, keli) geel labo kurus leh. Dh: labakurusle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeyso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: ibamaro.