ibagujeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujeyn
m.f.dh eeg ibagujee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeyn
m.f.dh eeg ibaguryee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagujee
(fal) hal irmaan, si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujeyn
(Gujeyn-ta)
Gujo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyn
m.f.dh eeg gujee. la-mid: gujeys, gujin, gujis (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujo
m.dh Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagujo
-da: (magac, dhedig, keli) salaaxidda naasaha neef geel ah oo irmaan si uu u godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagurayo
m.dh Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagurayo
-da: (magac, dhedig, keli) bararka naasaha geela marka si xun loo maro oo ay bararaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayeyn
m.f.dh eeg ibagorayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ebyid iyo dhammaystirid. Dh: gabaggabeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagebeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ebyid oo dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujagujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gugujin oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibakuryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naas xoolaad, maraq si xun ugu marid ama dhexda maraq kaga duubid. Irmaanaatay maandeeqe waa ibakuryeeyeene. Dh: ibakudhyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeyn
m.dh la-mid: ibamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryeyn
m.f.dh eeg dibugguryee. la-mid: dibuggurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeyn
(Gufeyn-ta)
Weel afki ama meel kaloo daloosha ama furan, guf gelin, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeyn
m.f.dh eeg gufee. la-mid: cufayn, cufays, gufeys (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gujo ku dhufasho. Wayshu way gujayn badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeys
m.l la-mid: gujeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xujeyn
(Xujeyn-ta)
1. Xujo ku xirid.
2. Qof denbi falay ka dhigid; eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujeyn
m.f.dh eeg xujee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof denbi falay ka dhigid. Dh: eedayn, xujayn.
xujeyn-ta: (magac, dhedig, keli) su'aal habidhaa ah ku xidhid. Habluhu xojeynta ragga way ku bilkeedin jireen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badweyn
(Badweyn-ta)
1. Bad weyn oo xeebta ka fog.
2. Badda qaybaheeda waaweyn oo shanta ah, mid ka mid ah (Badweynta Atlaantik, Badweynta Deggan, Dadweynta Hindi, Badweyn-Barafta Woqooyi iyo Badweyn-Barafta Koofure).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badweyn
badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.
badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badweyn
Ocean
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badweyn
f. n., [compound] ocean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badweyn
-ta: (n) ocean (oow shin); sea (sii); high seas bad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badweyn
-ta: (magac, lab, keli) bad ballac iyo baaxad ba leh; qaybaha waaweyn ee ay baduhu ukala baxaan.
badweyn -ta: (magac, dhedig, keli) badda inteeda baaxadda leh ama weyn ee xeebta ka fog. Warsame waa badmaaxoo, badweyntuu dabbaal ku tagaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badweyn
de: ocean
lx: badweyn
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: badweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balweyn
m.f.dh eeg balwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod ay dibidu samayso marka saco orgoonaayo oo ah guux hoose oo jiidan. Lagama gam'in xalay balwaynta dibiga.
balweyn -ta: (magac, dhedig, keli) fanka balwada ku hees. Khadiija balweynta aad bay u taqaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Banneyn
Ciearning
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjayn
m.f.dh eeg barjee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunitaan qaadka; barjo cunid. Dh: qayilaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan gaaxqab ku lisid. Ibadayn baan ku lisay qaalinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibgeyn
m.f.dh eeg iibgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuqgeyn oo lacag ku beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaneyn
v., neg., progressive v. form: was / were not coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaneyn
de: was / were not coming
lx: imaneyn
pd: (imanayn ~ imaneynin)
ps: v4b-neg-prog
xe: Who is not coming to work tomorrow?
xv: Yaan shaqada imaneyn berri?
key: imaneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeyn
isugeyn¹: m.f.dh eeg isugee.
isugeyn²: m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu maga-caabo wadar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugeyn
m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu magacaabo wadar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isugeyn
Addition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isugeyn
-ta: (n) addition (adhishin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isugeyn
Totale
Total
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isugeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku biirinta labo tiro si ay wadar mid ah u sameeyaan. Isugeynta 5 iyo 6 waa 11.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyn
m.dh la-mid: megdeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragleyn
m.dh la-mid: raqleyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xagleyn
to lob in
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasheyn
m.f.dh eeg baashee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibakuryo
-da: (magac, dhedig, keli) gumbo hore oo gamuuran oo naaska maraqu u yeelo; naaska qaybta dhiiggu ka xidhmo. Dh: ibokudhyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibtileyn
(Ibtileyn-ta)
Ibtilo ku ridid; hoojin; beleyn; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibtileyn
m.f.dh eeg ibtilee. la-mid: ebtileyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaaneyn
(Ihaaneyn-ta)
Xurmaddarrayn; muunajebin; liidid; dulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaaneyn
m.f.dh eeg ihaanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleyn
m.f.dh eeg ilaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bamgareyn
m.f.dh eeg bamgaree. la-mid: bangareyn, bongareyn, bungareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggeyn
m.f.dh eeg dabaggee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore wax dambe ka daba kaxayn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayo
m.dh Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaleyn
m.f.dh eeg jibaalee. la-mid: jibaaleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaggabeyn
(Gabaggabeyn-ta)
Gabaggabo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabeyn
m.f.dh eeg gabagabee. la-mid: gebaggebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebaggebeyn
m.dh la-mid: gabaggabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleyn
m.dh la-mid: ilgalacleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.