ibagorayeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayeyn
m.f.dh eeg ibagorayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la ibagorayeeyey ahaansho (hal irmaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagorayeysan
(tilmaame) hal irmaan, mid aan naasaha si fiican looga marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagorayee
(fal) hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga mar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeyn
m.f.dh eeg ibaguryee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayeyn
m.f.dh eeg dabaggorayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayo
m.dh Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeyn
m.dh la-mid: ibamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagujeyn
m.f.dh eeg ibagujee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagurayo
m.dh Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibagurayo
-da: (magac, dhedig, keli) bararka naasaha geela marka si xun loo maro oo ay bararaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibakuryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naas xoolaad, maraq si xun ugu marid ama dhexda maraq kaga duubid. Irmaanaatay maandeeqe waa ibakuryeeyeene. Dh: ibakudhyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wagaradeyn
m.f.dh eeg wagaradee. la-mid: we- geredeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wagaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gammaan suunka ku giijin. Bal waraabahaa daya siduu wagaradka u giijay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgorayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qarsoon ugu hiilin; hoos u caawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalgoroyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u labo ruux oo looltamaya, dagallaamaya soo dhexgelid oo labada mid u hoosaasin ama u hoodaadin; labo qof oo ishaysa, midkood si dadban ugu hiilin; u mijin qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Heeryo dabaggoryo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryeyn
m.f.dh eeg dibugguryee. la-mid: dibuggurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ibamaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgorayayn
m.dh la-mid: suulgoranyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibaguryeysnaan
m.f.dh eeg ibaguryeysan. la-mid: ibaguryeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareyn
m.dh la-mid: bureyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab awrtu u dagaallanto oo awrku intuu geliyo luqunta awrka kale qoortiisa iyo jilibkiisa inta u dhaxaysa shafkana dhulka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaggale
-ha: (magac, lab, keli) wax yar oo ku awdan ibta naaska caanaleyda marka u horaysa ee aan weli la jaqin ama ay dhasho. Ibaggalaha ka saar hasha oo noo soo danbari. Dh: furagale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). la-mid: ibamaryeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaaneyn
(Ihaaneyn-ta)
Xurmaddarrayn; muunajebin; liidid; dulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaaneyn
m.f.dh eeg ihaanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleyn
m.f.dh eeg ilaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarameyn
m.f.dh eeg qaramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garanku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooryeyn
(Sooryeyn-ta)
Soorid; martiqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bamgareyn
m.f.dh eeg bamgaree. la-mid: bangareyn, bongareyn, bungareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqageyn
(magac, dhedig, keli) daajinta xoolaha ee barqadii. Barqageynta adhiga ha barina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorimeyn
m.f.dh eeg boorimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib si boorimo ah u dubid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: ibamar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilagobayo
-da: (magac, dhedig, keli) xabag madow oo geedaha qaarkood jiriddooda ka baxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayeen
v., pl., past progressive form: they were coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imanayeen
de: they were coming
lx: imanayeen
pd: (imaneyeen)
ps: v4b-3pl-ppgr
key: imanayeen
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isgarayya
s'accorder, se met-tre d'accord.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaleyn
m.f.dh eeg jibaalee. la-mid: jibaaleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanayeyn
m.f.dh eeg maanyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaraweyn
m.dh Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabeyn
m.f.dh eeg tagaabee. la-mid: tagaabo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caawin; kaalmayn; taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan duula oo xilliga roobku da'o la arko oo dabka iyo halka uu iftiin ka baxayo ku soo xoonta. Dh: xayrawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxyeyn
m.f.dh eeg dhagaxyee. la-mid: dhagxin, dhagxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax ku tuurtuurid; shiid ku kicid. Dh: shiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuxorayn
m.dh Madaxbannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ebyid iyo dhammaystirid. Dh: gabaggabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatoonyeyn
m.dh la-mid: tantoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatoonyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoon ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaraysan
(tilmaame) qof dhiig galay oo qof kale xaqdarro ku dilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarageyn
m.f.dh eeg fagaaragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarsoonaa, bannaanka soo dhigid; meel fagaare ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaggabeyn
(Gabaggabeyn-ta)
Gabaggabo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabeyn
m.f.dh eeg gabagabee. la-mid: gebaggebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguriyeyn
(Hunguriyeyn-ta)
Hunguri ka gelid; wax ka damcid; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyeyn
m.f.dh eeg hunguriyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibajitaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ibajito hayso ahaansho (neef geel ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibajitaysan
(timaame) neef geel ah, mid ay ibajito hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeysi
m.l la-mid: ibamarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryeyso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: ibamaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyeyn
m.f.dh eeg dibindaabyee.