ibadays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ibadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadays
m.l la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadays
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, irbad ku mudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badays
-ka: (magac, lab, keli) ceel weyn oo biyo badan. Dh: birqod. Li: goof, dhadhiin, galle, laas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadaya
-da: (magac, dhedig, keli) hal caano badan oo madihool ah; hal caaneheeda lagu jimeeyo kuwa geela kale ee la ibadayo. Ibadayada geel, xidid u ma cubtamo, xilkadhawrisna looma baxsho. Dh: sharriba, biqjaar, ibodaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan gaaxqab ku lisid. Ibadayn baan ku lisay qaalinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadays
m.l la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cirbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedaha xun oo sunta ah. Ibaatays ayuu neefku cunay. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedquwaaxa oo sun ah. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadayn
m.f.dh eeg irbadee. la-mid: cirbadayn, cirbadays, irbadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof buka, irbad ku durid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baday
-ga: (magac, lab, keli) huudhiga yar looxa lagu wado. Badaygii badduu ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacays
-ka: (magac, lab, keli) bac ku ridis. Bacays la'aan alaabta ha soo rarina.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadays
-ta: (magac, dhedig, keli) miraha aan bislaan wali. Midhuhu shin ma gaadhin wali oo waa cadeys. Dh: qadhaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iblays
-ka: (magac, lab, keli) makhluuq aan dhiman oo xumaan iyo shar ka shaqeeya kuna qalqaaliya dadka inay ka tegaan wanaagga, xumaantana falaan. Dh: Shaydaan, Ibliis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardays
-ta: (magac, dhedig, keli) ul xagga sare ka soo godan, dhabannadana looxsan oo geela lagu kaxeeyo. Dh: ul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadays
-ka: (magac, lab, keli) bandhig maaweelo iyo maadi ka buuxdo oo qof ama wax ka badani jilaan lana daawado. Waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan. Dh: majaajillo, maweelo, maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaadaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) camal wanaagsan samayn oo Alle ku faray yeelid. Dh: cibaadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cibaadayso
v.auto: worship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cibaadayso
-cibaadaystay / cibaadaysatay: (v) pray, honor or worship accorded to God; perform an act of worship; worship (weer-shiip)-, revere (ri-viir) ~ caabud. —Syn: venerate, adore, idolize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaadayso
(fal) Alle caabud oo camal san fal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cibaadayso
a: cibaadeyso
de: worship
lx: cibaadayso
pd: (cibaadaystay)
ps: v3b=auto
key: cibaadayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca. la-mid: isbahaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbahaysi
m. n., [compound] treaty of alliance; kinship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbahaysi
-ga: (n) alliance (allaayansiy, coalition (koelishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbahaysi
-ga: (magac, lab, keli) urur ama xulafo ku salaysan dhalasho ama fikir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbahaysi
de: treaty of alliance; kinship
lx: isbahaysi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: isbahaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaanbuuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid. m.f.dh, isbahaysasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jibadayya
grogner.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixnadays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato samayn; mixnad u horseedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadays
-ka: (magac, lab, keli) sabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifadays
-ka: (magac, lab, keli) siifadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiikadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiikadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadays
-ka: (magac, lab, keli) xabbado ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg adyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysi
m.l la-mid: caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysi
vl. n. habit, custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysi
-ga: (n) getting used to; accustoming [oneself to] ~ u barasho. Ex: caadaysiga hawada qabawga ah; getting used to the cold weather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caadaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysi
de: habit, custom
lx: caadaysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: caadaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho. m.f.dh, caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadayso
v.auto: get used ~ accustomed to something; form ~ make into a habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadayso
-caadaystay I caadaysatay: (v) accustom (a-kas-tam) habituate; get used to ~ caadeyso. Ex: waxaan caadaystay inaan saacado badan shaqeeyo: I have accustomed myself to working long hours
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayso
(fal) si joogto ah u samee; fal samayntiisa caado ka dhigo. Caadayso in aad tukato. Dh: joogtayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadayso
a: caadeyso
de: get used ~ accustomed to s.t.; form ~ make into a habit
lx: caadayso
pd: (caadaystay)
ps: v3b=auto
key: caadayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cukadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka murugoosho wax horay u dhacay laga qoomammeeyo. Dh: shallayn, hibatays, qoomammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadeyid
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta meesha uu ka soo baxayo dareere qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryo
m.dh la-mid: ibamar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il adayg
m. n., idiom: bravery, courage, boldness, brazenness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
il'adayg
-ga: (magac, lab, keli) khajilaad la'aan iyo dhiirranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adayg
il-adayg¹: m.l Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. la-mid: il-adkaan.
il-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Wax si cabsi iyo gabbasho la'aan ah ugu dhiirrasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
il-adayg
m.l Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. la-mid: il-adkaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-adayg
-ga: (n) 1. shamelessness (sheeym-les-nes). 2. boldness (booldh-nes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
il_adayg
de: bravery, courage, boldness, brazenness Lit: hard eye
lx: il adayg
pd: (-ga)
ps: np-m-idiom
key: il_adayg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayso
v., sg., neg., present progressive: you are not / she is not coming
imanayso v., sg., relative form present progressive: that you are / she is coming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadayn
(Nabadayn-ta)
Nabad ka dhigid, ka dhexridid; nabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadayn
nabadayn¹: e.d Nabadgeliyo.
nabadayn²: m.f.dh eeg nabadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadayn
e.d Nabadgeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heshiis ka dhex ridid; nabad ka dhigid. Nabadaynta colaaddu waa Diin iyo dadnimo. Dh: heshiisiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nowadays
/nawa dheys/ (adv) maalmahaan (ayaamahaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quwadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdays
-ka: (magac, lab, keli) eeg raacdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandays
m.l la-mid: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxaysi
m.l la-mid: ubaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ubaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho (geed). la-mid: ubxayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ubaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho (geed). m.f.dh, ubaxaysasho. la-mid: ubxayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ubaxayso
v. flower, produce flowers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxayso
(fal) geed, ubax soo bixi; ubax yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ubaxayso
de: flower, produce flowers
initial: u
lx: ubaxayso
pd: (ubaxaystay)
ps: v3b=intr
key: ubaxayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatays
-ka: (magac, lab, keli) sida uubato u qalis. Dh: uubatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg yabarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cibaadeysi
(Cibaadeysi-ga)
Camal wanaagsan falasho; Ilaah-ka-yaab; cibaadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibaadeysi
m.l la-mid: cibaadeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cibaadeysi
vl. n. worship, act of worshipping
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cibaadeysi
de: worship, act of worshipping
lx: cibaadeysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cibaadeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibaadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, cibaado samaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cibaadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, cibaado samaysasho. m.f.dh, cibaadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayso
(fal) qof ama qalab, kharriban; xumaw; caddilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dawo lagu duray ahaansho (nafley). la-mid: cirbadeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysad
m.l la-mid: isbahaysasho.