ibaadshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaadshe
-ha: (magac, lab, keli) walax jilicsan oo kooraha iyo faraska loo dhaxaysiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaadshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Barkimooyin jilicsan oo kooraha laga hoos mariyo, si uusan kooruhu faraska u qaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaadshe
-ha: (magac, lab, keli) maro ama wax kale oo jilicsan oo loo dhaxaysiiyo kooraha iyo qofka faraska fuushan. Wa: libaadsheyaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhe
-ha: (magac, lab, keli) qof kormeere sare ah oo hawlo dabagal ah ku jira, dabadeedna hawshaa xog ka soo gudbiya. Baadhe ayaa khasnadda dawlladda loo diray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baashe
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo nin madax ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashe
-ha: (magac, lab, keli) darajo turkiyeed la siiyo ciidammada; nin meel sare jooga ama haysta. Dayib, illaa heer baashe ayuu gaadhay.
baashe -ha: (magac, lab, keli) kolka turubka la ciyaarayo, warqadda sarraynta labaad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaanshe
-ha: (magac, lab, keli) qof tudhaal iyo xannaano u leh howsha uu qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsad
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaadsasho
(Ilbaadsasha-da)
Ilbaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsasho
m.f.dh eeg ilbaadso. la-mid: ilbaadsad, ilbaadsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadh
v. search
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadh
-ay / tay: (v) search (seerji); -ay/tay: seek (siik), investigate (in-vesti- geeyt); examine (ig-zaaman) ~ baar, raadi. -Syn: hunt, quest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadh
(fal) raadi wax ka maqan ama ka dahsoon. Qaamuuska ka baadh macnaha ereyga. Dh: raadi, baar, ji.
baadh -ka: (magac, lab, keli) afarta haad ee turubku leeyahay mid ka mid ah. Dh: baar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadh
de: search
lx: baadh
pd: (baadhay / baadhdhay)
ps: v1=
see: baar {N}
key: baadh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baase
conj. but [, CONTRAST.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baase
-ha: (magac, lab, keli) belada iyo colaadda aad u daran ee wax galaafata. Baase Allaw naga xijaab. Dh: hoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baase
de: but [FOCUS + CONTRAST] = baa + -se
lx: baase
ps: focus + conj
key: baase
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baash
m.l la-mid: baashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhe
m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqraafi) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badhe
Equator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhe
-ha: (magac, lab, keli) xarriiq aan muuqan oo maangadeedka oo cilmi ahaan lagu tusmaysto dhexidhka dhulka.
badhe -ha: (magac, lab, keli) kala qaybiyaha walax, meel ama dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadhi
f. n. party, affair; side, direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadhi
-ga: (n) party (paar ti); a social gathering for pleasure ~ xaflad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadhi
de: party, affair; side, direction Alt sp: baadhdhi
lx: baadhi
pd: (-ga)
ps: n2-f
syn: xaflad {N < Eng}
key: baadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadho
(fal) wax kaa qarsoon doondoono; wax kaa dahsoon raadso. Buugga aad raadinayso ka baadho maktabadda.
baadho: (fal) gelgelin ku galgalo; isrogrog adiga oo dhinacyada kolba mid u jiifsanaya. Awrkii dhaanka laga furay gelgelintuu baadhanayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashi
m.l (-iyo, m.dh) Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. la-mid: baash.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baashi
m.l (-iyo, m.dh) Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. la-mid: baash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baashi
pr. n., masculine: Bashi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baashi
m. n. king (playing card)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baashi
name-m King
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baashi
-ga: (n) king (king); of the playing card
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baashi
magac loo baxsho wiil la rajaynayo inuu noqdo madax taliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashi
-da: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo gacan ku salaaxid ay naxariisi weheliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasho
baasho¹: m.dh Dhunkashada dhabanka ama dibnaha la iska shumiyo.
baasho²: f.mg3 (-shtay, -shatay) Baal goray iyo wixi lamida iyadoo libin lagu muujinayo madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku dhegsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasho
f. n. kiss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasho
-baashada: (n) kiss (kis) ~ shumis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo gacanta oo qof naxariis loogu salaaxo. Baashadu carruurta way barbaarisaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasho
de: kiss
lx: baasho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhunko, shumis
key: baasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadee
(fal) neef irmaan gaaxqab ku lis oo cabbir caanihiisa; hadhuub ku sharrib neef xoolaad. Bal inay sidii hooyadeed madi tahay qaalinta ila ibaday: Dh: shirrab, ilaadi, ibadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadhe
-ha: (magac, lab, keli) shaqo joogto ah oo sii socod iyo soo socod ah, taasoo uu hayo gaadiid berri iyo kan badeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhe
-ha: (magac, lab, keli) qori dheer oo ganto leh oo kolka ay tigaaddu yaraato xoolaha calenta iyo dheemaalka geedaha waawayn loogaga soo daadiyo. Qaadhaha qaad oo maqasha dheemaalka u daadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababshe
-ha: (magac, lab, keli) eeg ababiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Dhunko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashee
(fal) eeg baashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaasho
(fal) wax aad leedahay, lumitaanka iyo baylahda ka ilaali. Dh: dhawro, xannaanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaasho
m.f.dh eeg imow. la-mid: imaad, imaatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaasho
-ha: (magac, lab, keli) eeg imaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaadh
-ka: (magac, lab, keli) haragga laga saaro lo'da oo aad loo jilciyay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaarshe
name-m sudden, sharp pain, throbbing; he who was born after a long period of painful and difficult labor. Cf: Muuddey or Muunye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaarshe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisu adkayd ama hooyadii la dhib aragtay fooshiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaadh
-ka: (magac, lab, keli) neef yar oo aad u weyd ah oo dhacaya haddii la hantaago. Dh: wayd, libaar. Li: joome.
libaadh-ka: (magac, lab, keli) wax sii libdhaya. libaadhi: (fal) wax itaal daran dhulka ku ledeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararshe
(Bararsha-ha)
Cudur dadka ku dhaca oo oogadu la barbararto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararshe
m.l Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararshe
m. n., [collective] disease that causes the body to swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur barariya oogada dadka. Barashe ayaa haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararshe
de: disease that causes the body to swell
lx: bararshe
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: bararshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaadsi
(Ilbaadsi-ga)
Qof ama wax kale oo dusha laga ilaaliyo, si isagoo dagan loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsi
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaadsi
vl. n. stalking, act of spying upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbaadsi
-ga: (n) surveillance (sar-veeylansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaadsi
a: ilbaadsasho (/da) [vn6-f]
de: stalking, act of spying upon s.o.
lx: ilbaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: ilbaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadso
f.g3 (-saday, -satay) Qof ama wax kale dusha ka ilaalsasho si isagoo dagan loo helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaadso
v. stalk, follow, spy upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbaadso
-ilbaadsaday / ilbaadsatay: (v) keep under surveillance; surveil (sarveel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbaadso
(fal) qof ama wax kale dusha ka ilaali si isagoo dagan loo helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaadso
de: stalk, follow, spy upon s.o.
lx: ilbaadso
pd: (ilbaadsaday)
ps: v3a=
key: ilbaadso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaaddee
v., sg., opt. form: suppose I come; I may come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaaddee
de: suppose I come; I may come
lx: imaaddee
ps: v4b-1sg-pot
key: imaaddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imaansho
(Imaansha-ha)
Meel la yimaado; ~ imaatinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaansho
vl. n. arrival
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaansho
-ha: (n) the act of arriving; arrival (a reey-val); showing up (show-ing ap) ~ imaatin-ta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaansho
de: arrival
lx: imaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-f-st
key: imaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
imaansho
وصول، مجيء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codbaahshe
-ha: (magac, lab, keli) qalab xoojiya oo codka kor u qaada oo siyow kala duwan loo adeegsado. Waa qalab rakaadda xiiska soo gala, reeme u noqda oo marba inta uu le'eg yahay in dhiggeeda ah oo cod ah, oo dhegaha binu'aadmigu maqli karaan, sii daaya. Dh: makarafoon, samaacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: dhibaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadsii
(fal) eeg dhibaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxasho
m.f.dh eeg dibaaxo. la-mid: dubaaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarasho
m.f.dh eeg ibamaro. la-mid: ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryeysasho, ibamaryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadasho
m.f.dh eeg siraado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadasho
-da: (magac, dhedig, keli) iftiinsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaabushe
-tabaabushaha: (n) preparation (para-pareey-shin); planning (palaaning); preliminary (pere-limi-nari); making arrangement ~ diyaargarow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsiin
m.dh la-mid: abaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaba'ay ka dhigid ama goofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel, hanti si sharcidarro ah kaga qaadasho.
baadhasho -da: (magac, dhedig, keli) wax maqan ama daahan, doondoonasho.
baadhasho -da: (magac, dhedig, keli) galgalashada ama doondoonashada fadhiga wanaagsan ee gaar ahaan geela. Baadhashada badanaa ma dhuug baa cunaya hasha!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashee
f.g2 (-sheeyey, -sheysey) la-mid: baalash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashee
(fal) mari kabaha baalash ama dhaashi midabaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalashle
m. n. shoe polisher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baalashle
-baalashlaha: (n) shoe polisher (shuu pooli sher); shoeshine boy ~ caseeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashle
-ha: (magac, lab, keli) wiilka baalashka kabaha mariya. Wa: baalashleyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalashle
de: shoe polisher
lx: baalashle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baalashle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadasho
(Dhaadasha-da)
1. Dhaad ka xirasho.
2. Gabar doonis; alkumasho.
3. Faanid; is-ammaanid; dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadasho
m.f.dh eeg dhaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadasho
vl. n. being tied by the leg; asking for a girl's hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku faanayo ee wax ku halqabsanayo uu aad ugu hanweyn yahay. Dh: faan, tookh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadasho
de: being tied by the leg; [ext.] asking for a girl's hand
lx: dhaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: dhaado
key: dhaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: ibamar².