i'd/
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
i'd/
(abbr) 'I had' ama 'I would', 'I should', 'I could' oo la soo gaabiyey. e.g. I'd rather stay home today.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
I
(i')
1. Xarafka sagaalaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
2. Uyaalka qofka hore oo keli ah oo wax la taarana hayo oo falku xaggiisa aada hayo; aniga.
-i: ereyada ay raacdo, kuwa ugu badani waa — 1. Tilmaanta magaca wax laga sheegayo ama lagu sheegayo (oo kolka uusan tilmaanta wadan oo keligiis yahay qaata qodobbada -ku, -tu iyo wixii ka farcama) sida 'wiilka wanaagsan - wiilka wanaagsani waa walaalkay, waa Soomaali, waa uu bukaa, waa uu shaqeeyaa; naagta quruxda badani waa boqorad; ninka deeqsiga ah wax buu bixiyaa; ... 2. Waxay kaloo raacdaa magacyada dheddig, oo kelida ah, oo shibbane ku dhammaada, oo aan qodob wehelin, magacyadaas oo iyaguna ah kuwo wax laga sheegayo ama wax lagu sheegayo (dani waa seeto; lafi ma jabin; doodi ma furna; ...). 3. Haddii magaca tilmaanta wax la taaranayo oo falku xaggiisa aadayo, -i(du) markaas raaci mayso, oo la oran kari mayo: wiilkaasi u yeer; libaaxaasi dil; inankaasi anigaa dhalay; hashaasi lis. Waxay la macne tahay -u.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Li'i
(Li'i-da)
La'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meelmariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meelmarin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaha
fk. Sida maluhu u badan yahay; mindhaa, armaa. Tusaale: “Malaha galabta roob baa di'i doonaa”. la-mid: male (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqul
qulqul¹: m.l (fiisikis) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A).
qulqul²: m.l Shubmid ama socod aan kala go' lahayn ee uu hooruhu sameeyo. la-mid: qulqulid.
qulqul³: f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Hoore si aan kala go' lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijtihaad
ijtihaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin oo ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay lagu meel-mariyo. 2. Dadaal badan.
ijtihaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Arrin sharci ah oo aan quraanka iyo xaddisku ka hadlin ra'yi qof mujtahid ahi leeyahay ku meel-marin. 2. Ku i.: dadaal badan muujin. m.f.dh, ijtihaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid. m.f.dh, indhatirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaha
fk. Sida maluhu u badan yahay; mindhaa, armaa. Tusaale: Malaha galabta roob baa di'i doonaa. la-mid: male.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qulqul
qulqul¹: m.l (fiisikis) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A).
qulqul²: m.l Shubmid ama socod aan kala go' lahayn ee uu hooruhu sameeyo.
qulqul³: f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Hoore si aan kala go' lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u socosho. m.f.dh, qulqulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaan
v., sg., present habitual: I know
aqaan v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaan v., sg., subject case, present habitual: it is I who know
aqaan v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaanno
v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaanno v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
aqaanno v., sg., opt. form: may I know ...; let me know!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonayo
v., sg., neg., present progressive: I do not know / he does not recognize
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ii
pron. and preposition: to me, for me
ii [feminine] n. II, long I [digraph letter of the Somali alphabet.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaaddo
v., sg., neg., present habitual: I do not come
imaaddo: v., sg., relative form, present habitual: that I come
imaaddo: v., sg., opt. form: may I come!; let me come!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inyow
inter. no!; I don't want to!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdo
v., sg., neg., present habitual: I do not say
iraahdo v., sg., relative form, present habitual: that I say
iraahdo v., sg., opt. form: may I say; let me say
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lihi
v., sg., neg., present habitual: I don't have ~ own something
lihi [feminine] n., [collective] property, possessions
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maan
vl. pron., neg. I ... not
maan question word, vl. pron. do I? / did I? / am I?
maan m. n. mind, intelligence, good sense
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaan
question word, vl. pron. do I? / did I? / am I?
miyaan question word, neg.,: was it not ... [.]?