ereyga

i

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

I

DHAN
1

(i')

2

1. Xarafka sagaalaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.

3

2. Uyaalka qofka hore oo keli ah oo wax la taarana hayo oo falku xaggiisa aada hayo; aniga.

4

-i: ereyada ay raacdo, kuwa ugu badani waa — 1. Tilmaanta magaca wax laga sheegayo ama lagu sheegayo (oo kolka uusan tilmaanta wadan oo keligiis yahay qaata qodobbada -ku, -tu iyo wixii ka farcama) sida 'wiilka wanaagsan - wiilka wanaagsani waa walaalkay, waa Soomaali, waa uu bukaa, waa uu shaqeeyaa; naagta quruxda badani waa boqorad; ninka deeqsiga ah wax buu bixiyaa; ... 2. Waxay kaloo raacdaa magacyada dheddig, oo kelida ah, oo shibbane ku dhammaada, oo aan qodob wehelin, magacyadaas oo iyaguna ah kuwo wax laga sheegayo ama wax lagu sheegayo (dani waa seeto; lafi ma jabin; doodi ma furna; ...). 3. Haddii magaca tilmaanta wax la taaranayo oo falku xaggiisa aadayo, -i(du) markaas raaci mayso, oo la oran kari mayo: wiilkaasi u yeer; libaaxaasi dil; inankaasi anigaa dhalay; hashaasi lis. Waxay la macne tahay -u.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

i

DHAN
1

i¹: m.dh (i') Xarafka sagaalaad ee alifka Soomaalida.

2

i²: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

i

DHAN
1

(i') m.dh Xarafka sagaalaad ee alifka Soomaalida.

2

i: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

i

DHAN

pron., sg. me

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

I

DHAN

me, moi (objet).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

I

DHAN
1

ninth [9th] letter of Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is short vowel [I] pronounced like preposition; [ in]

2

—I (suffix) used to express state; quality; condition of feminine nouns; degree; —ness; Ex: dheeri; tallness: buurni; fatness

3

—I (suffix) [Grammar] inflect [alter] some verb forms to express action, Ex: fiiri; look. Foori; whistle

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

i

DHAN

art. waa qodob wadar lab (eeg qaybta naxwaha).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

i

DHAN
1

(i'): xarafka sagaalaad ee xuruufta Af-Soomaaliga, ahna shaqal gaaban oo u qorma: I, i.

2

i: (naxwe) xarafka ugu yar afka Soomaaliga oo leh macne buuxa; waa magac'uyaal hadlaha koowaad oo keli ah. I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. I sii daa waad i kadeedaye. Ii keen koobka.

3

i: dabakar xagga danbe ka raaca tilmaanta magaca wax laga sheegayo. Waa nin qabiili ah. Naag foolxumi faan badanaa.

4

i: dabakar xagga danbe ka raaca magacda dheddig ee kelida ah ee shiibbane ku dhammaada ee aan qodob la soconin magacdaas oo ah kuwa wax laga sheegayo. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. Nimay habari dhashay hal ma seegi waayo.

5

i: (naxwe) erey xagga danbe ka raaca falalka sababo la xidhiidha isrogaanrogga aawadood. Adhigii dhurwaa baa cuni gaadhay. Caanaha wuu cabbi haddaad siiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

I

DHAN

(see Grammar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

A

DHAABAN
1

a: (a')

2

Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.

3

-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aadane

DHAABAN
1

(Aadana-ha)

2

Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aagaan

DHAABAN
1

1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.

2

2. (Aagaan-ta) Haan yar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aakhiro

DHAABAN
1

(Aakhira-da)

2

Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aalaa

DHAABAN

Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aalkol

DHAABAN
1

* (Aalkol-ka)

2

Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aameel

DHAABAN
1

(Aameel-ka)

2

1. Harrub.

3

2. Wixii waxay arkaan iska raaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aammiin

DHAABAN
1

(Aammiin-ta)

2

Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aammin

DHAABAN
1

1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.

2

2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aan

DHAABAN

(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aano

DHAABAN
1

(Aana-da)

2

Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aaran

DHAABAN
1

(Aaran-ka)

2

1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.

3

2. Doog iyo barwaaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aas

DHAABAN
1

(Aas-ka)

2

1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.

3

2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aashaa

DHAABAN
1

(aash-)

2

Si miyir iyo xasilloonaani ku jirto; aayar, tartiib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayatiin

DHAABAN
1

(Aayatiin-ka)

2

Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ab

DHAABAN
1

(Ab-ka)

2

Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ab'ogaa

DHAABAN
1

(Ab'ogaa-ga)

2

Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal-ka-imaad ahayn; waddani (ab'ogaa iyo abaarikeentay).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaabulid

DHAABAN
1

(Abaabulid-da)

2

Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaadid

DHAABAN
1

(Abaadid-da)

2

(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaahi

DHAABAN
1

(Abaahi-ga)

2

Isutagga awrka iyo hasha.

waa la naqliyay ✓